Cabirka Nabadda Sanadka iyo Kaalinta Soomaalidu Galeen … Axmed Maxamed Diirye (Toorno)

0
615

Cabirka Nabadda Sanadka iyo Kaalinta Soomaalidu Galeen … Axmed Maxamed Diirye (Toorno)
(warsugannews)
Qof kastaa wuxuu arrimaha mudnaanta nolosha ku eegaa muraayad ay u geliyeen waxyaabaha qofkaasi aqoonta iyo waayo-aragnimmada u leeyahay. Haddaba

Mauritius ayaa noqday dalka Afrika ugu nabdoon 2014; halka Equatorial Guinea-na noqday dalka ugu nabadda liita, Somaliland waxay noqotay dalka 19aad ee ugu nabdoon Afrika; halka (Koonfurta) Soomaaliya noqotay dalka 44aad ee ugu nabdoon Afrika, sida ku cad maqaalkan.

Qof kastaa wuxuu arrimaha mudnaanta nolosha ku eegaa muraayad ay u geliyeen waxyaabaha qofkaasi aqoonta iyo waayo-aragnimmada u leeyahay. Haddaba, waxaan jeclaystay inaan wax ku biiriyo nabadda adduunka oo muhhim u ah dhamaan noolaha, iyadoo Soomaaliduna ay haraad dheeraada u qabto, xaaladda ay ku sugan yihiin awgeed. Haddaba, anigoo waxoogaa ka bawsaday cilmiga XOG-KOOBKA ee loo yaqaano statistics ayaan isku dayay inaan sameeyo hal-beeg lagu cabbiro NABADDA, oo tiro ahaan lagu muujin kara inta ay

meeli (Dal, qaarad, gobol, iwm) ka nabdoon tahay meel kale. Waxaanan soo saaray buug aan ugu magac darray Measuring Peace (Cabirka Nabadda) oo dhawaan soo baxayaa, insha allah; balse waxaan jeclaystay inaan milicsiga buuga soo bandhigo ka hor maalinta nabadda adduunka oo ku beegan 24 Sebtember.

Nabad waxaa lagu qeexaa “ka fayoobaanta XADGUDUBka adeegsiga xoog ama awood maamul oo sababa dhimasho, dhaqaale darro, iyo duudsi (xuquuqeed). Xadiga dilka kaska ah (Intentional homicide rate) oo lagu cabbiro tiradda dadka ula kaca loo dilay 100,000 qof kasta ee dalk ku nool ayaa muujinaya heerka dhimashada xad-gudubku keenay, halka xadiga saboolnimadduna (Poverty rate) oo lagu cabbiro boqolkiiba qoysba inta saboolka ah iyo saamiga wadarta waxsoosaarka dalka (GDP per capita). Duudsigan xuquuqda dadkana waxaa lagu cabbirraa Freedom Index. Hadabba, waxaan helay xogta 54 dal oo Afrikaan ah iyo laba lagu muransan yahay oo kala ah Somaliland iyo Saharraha Galbeed (Western Saharra), ka dibna tuse kasta waxaan u rogay hal-beeg boqolay, iyadoo dalka ugu xad-gudubka hooseeya la siinayo 100% (Ka fayoobaanta xad-gudubka), halka dalka ugu xad-gudubka sarreeyana la siinayo 0%; dalalka kalena helayaan dhibco labaddaa u dhaxeeya, oo la mid ah xaiga uu dalkaasi ka xad-gudub yar yahay dalka ugu xad-gudubka sarreeya.

Aljeeriya oo hal qof la dilo 100,000 qof kasta ayaa ugu dil yar Afrika, halka Jamhuuriyada Afrikadda Dhexe oo la dilo 93 qof ay tahay dalka ugu dilka sarreeya. Xagga dhaqaalaha, Equatorila Guinnea ayaa ah dalka Afrika ugu dhaqaalaha Sarreeya, halkaaso dhaqaalaha dalka uu qofkiiba helayo $26,000 sannadkii; balse dalkaas ayay dadkiisu ugu saboolsan yihiin Afrika, halkaasoo 77% ay sabool yihiin; waxaana ugu dhaqaale liita Somaliland oo qofkiiba sanadkii helayo $444; hadana oo 34% sabool yihiin waa dalka 17aad ee ug saboolnimo hoosee Afrika. Afrika waxaa ugu dalwadnimo wanaagsan Cape Verde, waxaan ugu dawladnimoka liitaa Afrikada Dhexe, Equatorial Guinea, Eretria, Sahara Galbeed, Soomaaliya, iyo Suudaan.

Isu-gaynta dhibcaha ka-fayoobaanta xad-gudubka ayay Mauritius keenay 94 dhibcood; kaasoo ka dhigay dalka Afrika ugu nabdoon; halka dalka Equatorial Guinea-na noqday dalka ugu nabadda liita, waayo wuxuu keenay 24 keliya. Somaliland waxay keentay 75 dhibcood; waana 19aad ee ugu nabdoon Afrika; halka (Koonfurta) Soomaaliya oo keentay 53 dhibcood; ay noqotay dalka 44aad, kana nadbdoon Swasiland, Chad, Congo (Knisasha), Angoola, Suudaan, Zimbabwe, Cameroon, Koonfurta Suudaan, Afrikada, Dhexe, iyo Equatorial Guinea.
Ahmed Diriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here