Cadadkii 190-aad Ee Wargeyska Warusgan (Sept. 10/2016)

0
346

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Markhaati Kacday Xasuuqii Somaliland Loo Gaystay

Dhibaatada Somaliland Ama Waqooyiga Soomaaliya Dhibaato Dawladii Barigaa Dalka Ka Jirtay Ay Gaystay Waaye, Dhibaato Aad Iyo Aad U Xanuun Badan Waaye, Dad Badan Oo Soomaaliyeed Ayaa Lacagtii Cashuurta Ee Laga Qaaday Qalabkii Lagu Iibiyey Lagu Dilay” Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Warusgan) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xanuunka ay lahayd xasuuqii loo gaystay shacabka reer Somaliland ee ay kala kulmeen dawladii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre.
Barnaamij su’aalo lagu waydiiyey oo Xasan Sheekh oo ka baxaha Qubnaha VOA-da ayaa markii uu dhamaaday waxaa waraysi gaara la yeeshay madaxa laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da Cabdiraxmaan Yabarow, waxanu waydiiyey sida uu arko su’aalaha Somaliland “Horta waxa aan rabaa inaan kuu sheego dalka dhibaato xoog leh ayaa ka dhacday; dhibaatadaasi laba ayey isugu jirtay mid dawlad qaran oo dalka ka jirta ayaa gaystay iyo mid dagaaladii sokeeye ay gaysteen; dhibaatada Somaliland ama waqooyiga Soomaaliya dhibaato dawladii barigaa dalka ka jirtay ay gaystay waaye, dhibaato aad iyo aad u xanuun badan waaye, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa lacagtii cashuurta ee laga qaaday qalabkii lagu iibiyey lagu dilay arrin xanuun badan waaye dabcan dalka oodhan dhibaatadiasi way ka dhacday laakiin waa loo sii kala badnaa gobolada waqooyi ayey dhibaatu aad ugu badnayd; wixii dhacay marka aan soo xasuusano way na gubayaan, aad iyo aad ayaan xuga xunahay, waanu ka murugoonaa”
Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Dhawr mar oo hore waan idhi waan ku celinayaa waana arrin xanuun badan dawladii barigii joogtay ayaa samaysay, maanta dawladda joogta aniga ayaa madax ka ah mana rajaynayno inay Soomaaliya ku soo noqoto dawlad kale oo waxaas kale ay ka suuroobaan wax kasta oo yimaada cudur daar looma heli”
Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo ka sii hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Somaliland hada waa meel nabad ah horumar badan ayaa ka jira dadaalo badan ayaa socda anaguna duruufo gaar ah ayaanu ku jirnay hada waanu ka soo baxaynaa, wada hadalku waa bilawday in la wada hadlayo sideedaba horumarka ayey ka mid tahay la gaadhay aad iyo aad ayaan rajo badan uga qabaa in guul la gaadhayo laakiin ma deg degsanin”

Xaflad Kulmisay Shacbiga Caasimada Hargeysa iyo Guddidii Heshiiska Dekeda Berbera La Soo Saxeexday Shirkada DP World Oo Ka Dhacday Hotel Green Placa

Hargeysa(Warsugan) Munaasibad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mida shacbiga ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ka koobnaa Aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, cullimada, dhalinyarada Jaamacadaha dalka, xildhibaanada labada golle, xubno ka mida golaha deegaanka caasimada Hargeysa, Madaxda dhaqanka Somaliland, Ururada bulshada iyo xubno ka socday asxaabta mucaaridka ayaa kulan balaadhan oo xogwaran iyo faah-faahin dheeraada xambaarsan uu ku dhex maray habeenimadii xalay ahayd.
Guddidii u xilsaarnayd heshiiska dekeda berbera iyo shirkada caalamiga ah ee DP World, ee dhawaan qalinka lagu duugay laguna soo afjaray heshiiskii rasmiga ahaa ee dawladda Somaliland iyo DP World ay mudada shanta Bilood ah ay shaqaynayeen sidii laysula meel dhigi lahaa, kaasoo ugu dambayntii noqday mid lagu guulaystay oo sal dhigay halkii loogu tallogalay.
Xafladan xalay ayaa si weyn loo soo agaasimay marti-qaadkeedana uu lahaa maayarka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), laguna soo casuumay guddida xukuumadda u metelayey heshiiska Maalgelinta iyo casriyeynta Dekeda Berbera, oo ka koobnaa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Maareeyaha Dekeda Berbera, Mudane Axmed Yuusuf Dirir, Safiirka Somaliland u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar, iyadoo ay wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, xubnahaasi oo maalinimadii Khamiista ku soo laabtay dalka laguna soo dhaweeyey, ka dib safar qaatay muddo toban maalood ah oo ay ku joogeen Dubai.
Munaasibadan oo ahayd mid qiimeheeda leh ayaa ku bilaaban tahay jawi degenaansho iyo farxadi ku dheehan tahay, waxana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin doora oo uu ugu horeeyo, Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane, Soltelco, oo isagu casuumada fidiyey, Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland, Ismaaciil Cabdi Xasan, oo ku hadlayey afka ganacsatada, Mustafe Sacad Dhinbiil oo ku hadlayey afka ururada aan dawliga ahayn ee Daladda SONSAF, Dr Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna ku hadlaysay afka marti-sharafta goobta ku sugnayd, iyo aqoonta ay u leedahay arrimaha diblamaasiyada iyo dhaqan dhaqaalahaba, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ku hadlay afka golaha guurtida Somaliland, Xildhibaan Cali Gabiley, oo isna ku hadlay afka golaha wakiilada, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo isna ku hadlayey afka Asxaabta Xisbiyada Mucaaradka ah, Cabdikariim Xinif oo isna ku hadlay afka Xisbi xaakimka kulmiye, Maareeyaha Dekeda Berbera, Eng Axmed Yuusuf Dirir, Maayarka Magaalada Berbera, Md, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo isna ku hadlayey afka Shacabka gobolka Saaxil, kana mid ahaa weftiga heshiiska soo galay, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Md, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) ahna afhayeenka guddida heshiiska dekeda Berbera.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna munaasinada soo xidhay, si mug iyo miisaan lehna uga hadlay arrimaha heshiiska. Waxaanu yidhi
“ Aniga oo xubnihii saaxiibaday ee waftiga afkooda ku hadlaya waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo duqa caasimada Cabdiraxmaan, martiqaadkan iyo xafladan qiimaha badan ee uu caawa nagu maamuusay, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo, dhamaan mudanayaal iyo marwaayinba marti sharafta qiimaha badan, aqoonyahanada, waayeelka, haldoorka kala duwan ee madashan isugu yimid dhamaantiinba aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin.
Anagu waxaanu qarankan ugu masuul ahayn wadahadalka, waxaanu ku shaqaynaynay siyaasadii Madaxweynaha qaranka, waxaanu ku shaqaynaynay mabaadiidii golaha wasiiradu ansixiyeen, waxaanu ku shaqaynaynay mabaadiidii Golaha Wakiilada Somaliland ansixiyeen, kuwaas ayuubaanu ku shaqaynaynay ergo ayaanu qarankan ka ahayn, waxaan jcelahay inaanu u mahad celiyo xubnaha golaha wasiirada saaxiibadayo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka, xubnaha golaha Wakiilada oo iyaguna hesiiskan ansixiyey, iyo dhamaan haldoorka iyo aqoonyahanadii taageeray, warbaahinta madax banaan doorkii ay ka qaadatay iyo warbaahinta qaranka dhamaantoodba waan u mahad naqayaa.
Heshiiskani wuxuu ahaa heshiis aad u mug weyn, wuxuu nagu qaatay mudo shan bilood ah, shantaa biloodba si joogto ah ayanu gacanta ugu haynay, waxa nagala shaqaynayey dad aqoon badan u leh, waayo anagu dad siyaasiyiin ah baanu nahay dad aqoon, khibrad iyo waayo aragnimo u leh sida heshiisyada loo galo ma nihin, waxa laga yaabaa in dadka qaarkii is waydiiyaan, inaad wax garan waydaa ceeb maaha dadka binu-aadamka ahina wax walba ma yaqaano aqoonta waala iibsadaa siyaabo badana ayaa loo helaa, anagu waxaanu nahay dad siyaasiyiin ah oo qarankan matalaya, waxaanu ka go’aan qaadanaynay arrimaha siyaasada iyo ganacsiga, waxa na kaalinayey khubaro aqoon yahano ah oo ka mida shirkad Ingiriis ah oo ilaa kun iyo shan boqol oo qareen leh, nimankaas ayaa ina caawinayey maadaama oo uu wuxu inagu cusub yahay, waxa laga yabaa in fadhiyada aanu mararka qaarkood laba iyo toban xubnood ku tagi jirnay shan xubnood oo gudigayaga ah iyo todobada Qareen, waxa kale oo naga caawinayey khuburo dhinaca maaliyada ku takhasusay (Financial Experts), waa kambari ka mida kuwa dhinaca dhaqaalaha duniga ugu balaadhan, dhamaantood waxaynu qaran ahaan ku bixinay lacag faro badan, waxaynu lacagtaas ugu bixinay inaynu kaalmo sax ah ka helo, waxa aynu galayna inaynu iska hubino, waxa aynu yeelayno aynu cadayno, heshiisku waa mudo dheer waxa laga yaabaa in dadka maanta samaynayaa in aanay bari noolaan, waxa uu saamayn doonaa Ubad yaryar oo aan maanta saamayn ku lahayn oo madax ka noqon doona qarankan sodon sano ka dib, waa inuu noqdaa heshiis cad oo ka fog madmadow iyo muran iyo wax laysku qabsado”.
Munaasibadan waxa kale oo ku sugnaa fanaaniin kala duwan oo isugu jiray Fanaaniinta Qaranka iyo kuwa xidigaha Geeska soona bandhigay majaalilo iyo heeso waddaniya oo ku saabsan horumarka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudadii rubuc qarniga ahayd iyo muddooyinkii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo tallada dalka gacanta ku hayey oo isbedel la taaban karaa ka hana qaaday guud ahaan dalka, iyadoo wakhtigana la gaadhay sidii qarankani uu u noqon lahaa mid la jaan qaada lana tartama waddama Geeska Afrika, ama qaarada Afrika iyo guud ahaanba caalamka, taasoo u ah shacbiga Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha ka dambeeya madaxweynaha qaranka mid tusaale iyo hal xidhaale u noqon doonta inay halkaasi ka sii amba qaadan horumarka iyo taabo gelinta nidaamka dawladnimo oo horseedi doonta in dalkani gaadho hadafkiisa dawladnimo, beesha caalamkana uu hanto kana kasbado arrimaha inagaga xidhan.
Wa- bilaahi tawfiiq

Nin Qori Leh Ayaa Qarankan Laga Xoreeyey, Waaba Se Nin Qalin Haysta Oo Budhcad Noqday Looma Dulqaadan Karro, Waanu Ka Xoraynaynaa. Wasiir Maxamuud Xaashi

Hargeysa (Warsugan) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud  Xaashi  Cabdi ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ka go;an tahay inay ka qabato Wariyeyaasha baahiyey warka ka dhanka ah Amaanka Qaranka iyo sumacda Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu shaaciyey inay sharciga la tiigsan doonaan wariye kasta oo warar ku lidi ah amaanka qaranka faafiya, isla markaana baahiya borobagaado ka dhan ah jiritaanka iyo Sumcada qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa geesta kalena hambalyo u diray inta badan saxaafadda madax banaan oo uu sheegay inay yihiin muwaadiniin dalkooda wax badan u huray, waxaanu xusay inay jiraan inyar oo saxaafadda u fahantahay mihnad lagu qadhaabsado oo dadka lagu baadho, isaguna aragta inaan sharcigu qaban karin.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay ina Somaliland laga xoreyey rag qoriga dadka ku baahdan jiray sidoo kalena ay ka xorayn doonaan budhcad qalimeed dadka qalinka ku baadhata oo saxaafadda ku hoos dhuumata.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahan kaga hadlay Xaflan habeekii xalay ka dhacday magaalada hargeysa oo loogu dabaal dagayey hesiiska maalgalinta Dekeda Berbera waxaana hadaladisii ka mid ahaa “ Waan ku hambaleynayaa warbaahinta madax banaan ee Somaliland doorkiia ay ka qaadatay heshiiskan inteeda cafimaadka qabta, waanu ku hambalyeynayaa haldoorka qaranka waxgaradkiisa iyo dhalinyaradii sida wanaagsan u fakartay, nasiib darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo  dunida sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaan saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo  iyo golaha wasiiradu kaligayo ma laha Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku,  maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabsado, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabsado waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fakaraya waanu u caqli  celinayaa waanu waaninaynaa.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay sida ay ugu go’an tahay ina sharciga la tiigsado dadka wax ka qora Amaanka Qaranka iyo sumcada dawladnimada waxaanu yidhi “ Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaana  waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey,  waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”

Wasiirka Maxamuud  Xaashi  Cabdi ayaa waxa uu intaasi ku daray inay Xukuumad ahaan dul u leeyihiin dhaliisha waxaanu  yidhi “ Dul baanu u leenahay dhaliisha, ka guban mayno cayda, madaxweynaha qaranka u sareeya ayaa maalin walba la caayaa, oo xushmad leh oo haybadii qaranka xanbaarsan,  waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirada ah, maalin walba waa nala caayaa, dul baanu u leenahay dhaliisha iyo toosinta, intaba waanu ogol nahay hasayeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuus tiro aqbali mayno, Warbaahinta madax abaani xor uma aha tigidh free ahna uma haysato in qofku cidii doono uu caayo, in ciduu doono  nashuushadeeyo, qarankan haybad dilo, wuxuu u madax banaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifro sharci ah ayaanu wax ugu qabanaynaa.”

Waan ku hambaleynayaa warbaahinta madax banaan ee Somaliland doorkiia ay ka qaadatay heshiiskan inteeda cafimaadka qabta, waanu ku hambalyeynayaa haldoorka qaranka waxgaradkiisa iyo dhalinyaradii sida wanaagsan u fakartay, nasiib darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo  dunida sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaan saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo  iyo golaha wasiiradu kaligayo ma laha Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku,  maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabsado, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabsado waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fakaraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa.

Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaana  waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey,  waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.

Dul baanu u leenahay dhaliisha, ka guban mayno cayda, madaxweynaha qaranka u sareeya ayaa maalin walba la caayaa, oo xushmad leh oo haybadii qaranka xanbaarsan,  waxa la caayaa marwadiisa, waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirada ah, maalin walba waa nala caayaa, dul baanu u leenahay dhaliisha iyo toosinta, intaba waanu ogol nahay hasayeeshee in qaranka la magac dilo, la maamuus tiro aqbali mayno, Warbaahinta madax abaani xor uma aha tigidh free ahna uma haysato in qofku cidii doono uu caayo, in ciduu doono  nashuushadeeyo, qarankan haybad dilo, wuxuu u madax banaan yahay inaan la cabudhin inuu war xaqiiqo ah soo bandhigo, inuu warar dhab ah soo saaro, maxkamada ayaanu la tiigsanaynaa sifro sharci ah ayaanu wax ugu qabanaynaa.”

Eng Faysal Cali Waraabe Oo Walaac Ka Muujiyay Cadow Curyaaminaya Heshiiska Dekedda Berbera Oo Gudaha iyo Dibadaba Ah

Hargeysa(Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyay in la wada ilaashado taabo galinta heshiiska lagu horumarinayo dekedda Berbera ee dhawaan dawladda Imaaraadka iyo Somaliland kala saxeexdeen. Waxa uu sheegay in cadow badan Somaliland leedahay, balse ka gudahu yahay kan ugu daran, isagoo madaxda dhaqanka iyo saxaafadda si gaara u duray. Isagoo ka hadlayay munaasibad soo dhaweynta heshiiska dekedda Berbera ah ayuu sheegay inaanay Kulmiye ka tirsanayn, balse uu yahay mucaarad la tartamaya.

“Heshiiskan rag baa muddo 5 bilood ah ka soo shaqaynayay, waxaa iyaguna shaqeeyay koox looyaro ah oo aad iyo aad u adag oo si adagna u shaqeeyay.Waxaa isna mahad mudan Sacad Cali Shire oo aan u bixiyay Shanqadh yare oo isaga ay ku dhacayeen warmihii Berber aka soo dhacayay oo u adkaystay sidii amba aan ugu adkaystay dagaalkii Garxajisayada.Waligaa qabiilka lama raaco ee marka uu khaldan yahay waa la saxaa, markaa wuu guulaystay.Samsan Cabdi Aadan-na samcad weyn ayay u soo jiiday haweenka oo marwada bir labta ah ayay noqotay, markaa rag baanu kaftanaa oo yidhaa waanu kaa abtiyaal wanaagsanahay, anna waxaan idhaa waan idinka habaryaro wanaagsanahay, markaa Samsam gacan baan u taagay,” ayuu yidhi Inj. Faysal.

Eng Faysal wuxuu sheegay in Somaliland leedahay cadow badan oo gudaha iyo dibada ah, kaasi oo aan ogolayn hirgalida heshiiska dekedda Berbera “ Waxaynu leenahay cadaw badan oo aan jeclayn in heshiisku guulaysto.Waxaynu nahay nacas nasiib leh, waxaana cadowgaasi u badan yahay gudaheena Somaliland.ilaa maanta cadowgaasi wuu shaqaynayaa oo hadba gees ayuu sida dhanxiirka kaaga imanaya, haddana wuxuu bilaabay inuu yidhaa dekeddaba Itoobiya ayaa la siiyay oo DP World dilaal bay ka ahayd. Anigu kuwaas lama yaabaniye waxaan ka yaabanahay shacabkeena oo wixii la sheegaba rumaysanaya.Inan Jabuutiyan ah oo DP World u shaqaynaysay iyo inan kale oo reer Somaliland ah oo isna DP World u shaqeeya intay labadoodaba sawirkooda goobo galiyeen ayay yidhaahdeen waa Xabashi.Waxa soo baxay saxaafad aynu leenahay oo ku odhanaya ama aan ku caayo ama lacag I sii. Waxaynu u baahanahay inaynu inagu is xakamayno oo shisheeyaha aynu isku soo hadhnee bal gudaheena aynu sidaa Turkiga isa sifayno,” ayuu yidhi mudane Faysal.

Waxa uu sheegay inay shirkadda DP World maamusho in ka badan 70 dekedood, islamarkaana intii wada hadalka Somaliland iyo DP socday ay laba heshiis oo kale galeen “ Waxaa jira caqabado badna oo gudaheena ah; waxaynu tahniyadaynaynaa reer Sool oo si wanaagsan oo caafimaad qabta uga qayb galay diwaangalintii. Waxaan u mahadcelinayaa raggii ka soo shaqeeyay.Waxa kale oo aan bogaadinayaa Cali Khaliif iyo kooxdiisii oo geesinimo la yimid oo wada hadalka Somaliland bilaabaya inshaa Allah.Waxaynu kala qaybsanaantii Somaliland ku soo khatimaynaa shirkaa madaxweynuhu 25-ka October ku qabanayo Burco, wuxuu noqon doonaa dib u cusboonaysiintii Somaliland,” ayuu yidhi mudane Faysal.

Eng Faysal Cali Waraabe wuxuu bulshada ku boorriyay ilaalinta ammaanka oo fure u ah horumarka, isagoo la yaab ku tilmaamay in Somaliland ay ka dhacdo Salaadiin isugu yeedhaya madaxda goleyaasha ugu jirta “ Waxaa jira lix goobood oo lagu muransan yahay. Lixda goobood een wali doorashada laga galin inagoo ka hadlayna in dad wax kale wadaa salaada inagu xidhaan ayaa laga yaabaa.Inagu dawlad goboleedyo ma nihin ee dawlad kaliya ayaynu nahay, hadday Awdal raacaan iyo hadday Saaxil raacanba waynu wada leenahay. Arrinta lixdaas goobood waxay noo timid 2003-dii markii madaxweynaha la dooranayay, waanu shirnay waxaanu go’aaminay inaan cidna la raacine meel gaar ah laga dhigo, 2005-tii doorashadii baarlamaanka ayay haddana noo timid, waxaanu nidhi waar 2003-dii maxaa ka footeeyay, waxaa la yidhi lix boqol baa ka codaysay, waxaanu nidhi lix boqol oo cod isku dili maynee cid walba halka u dhaw ha iska soo diwaangaliso. Meesha aynu u noqonaa waa Lixdankii, waxa loo baahan yahay in maamkii lixdankii la soo qaado oo la eego lixdaa goobood inay degmo Hargeysa ah ahaayeen, inay Berbera raacsanaayeen iyo inay Boorama raacsanaayeen laakiin, inaynu waxba kala saari wayno 10 sanno oo dad wax kale wadaa marmarsiiyo ka dhigtaan waa inoo doqoniimo. Waa in madaxweynuhu saddexda xisbi iskugu yeedho oo arrintaas la xalliyaa si aynu muranka gudaha uga baxno oo dibada u qaabilno,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambeyna waxa uu ka hadlay mawqifkiisa kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu xukumadda iyo xisbigeeda u daacad yahay “ Laba arrimood baan idiin sheegayaa, horta meeshan wax lacag ah lagama soo qaadin, oo nina heshiiskiisa oo aan hirgalin lacag iskama bixinayo, markaa shilin ma sidanee ha noo soo shaxaad tagina walaalayaal. Anigu Faysal ahaan Kulmiye waan la tartamayaa ee Kulmiye ma ihi, inaan ka badiyana waan jeclahay.Anigu Kulmiye iyo Ucid oo aan jirin ayaan Somaliland u shaqaynayay. Ilaa 1992 dadaalka aan galiyay nin galiyay ma jiro, waxaan u imid maaha inaan reer yeesho ama xisbi yeesho ee waxaan doonayaa in carruurteenu qaran yeelato oo carruurtiinu qaran yeelato, markaa waxaan leeyahay aniga ha igu habsaaminee shaqadiina qabsada,” ayuu yidhi mudane Faysal.

“Somaliland Waan Ka Tagaya Haddii Qaadka La Joojiyo” Yemeni Ganacsade Ah

Hargeysa oo shalay qaadku dib uga dhacay kolayada qaar

Hargeysa (Warsugan) Magaaladda Hargeysa ayaa shalay duhurnimadii goobaha qaadka lagu iibiyo meelo ka mid ah laga waayey qaadkii hore u iman jiray, iyada oo uu dib u dhacay saacado badan oo aan hore loogu baran.

Qaadka dib u dhacay meelaha aanu soo gaadhin waxa uu saamayn ku yeeshay qiimaha oo kor u kacay, iyada oo uu laba jibaar gaadhay saacado kooban oo aanu qaadku soo wada galin.

Mid ka mida ganacsatada ajaanibka ah ee ku sugan magaaladda Hargeysa ayaa ka dareen celiyey qaadka raagay, isla markaana qaaliyoobay. “Somaliland waan ka tagaya haddii qaadka la joojiyo, Yemen ayaan ku noqonayaa”

Yemaniga oo ka xumaa dib u dhaca ku yimi qaadka ayaa intaas ku daray in shaqadiisa ay xanibayso, isaga oo sheegay in xiligii uu qaadka bilaabi lahaa aanu helin sidaas awgeed uu caawa xili danbe bilaabi doono marka uu shaqada ka baxo. “Caawa sagaalka ilaa tobanka ayaan mirqaami doonaa” ayuu yidhi gacnasadaha Yemeniga ah oo aan kula kulmay goobtiisa ganacsi 

Faysal Cali Waraabe Oo Madal Il Yartu Is Qabtay Kaga Cudur Daartay Gabadh La Siiyey iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyey

Hargeysa(Warsugan) Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), ahna afhayeenka golaha guurtida Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay in hareeraha laga istaago heshiiska Somaliland iyo Imaaraadku kala saxeexdeen ee lagu horumarinayo dekedda caalamiga ah ee Berbera. Waxa uu sidoo kale ammaanay, haddiyadana u balanqaaday masuuliyiin door ku lahaa heshiiskaasi oo ay madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisu ka mid yihiin.

Mudane Indho-indho oo ka hadlayay munaasibad lagu soo dhaweynayay heshiiska Somaliland-DP World, waxa uu sheegay in heshiisku yahay mid muhiimad weyn ku fadhiya, islamarkaana si balaadhan saxaafadda dunidu uga marag kacday qiimihiisa “Waxay muhiimadu tahay maxay warbaahinta caalamiga ahi ka tidhi markii la saxeexay heshiiska dekedda Berbera?Haddaad internetka ka baadho ilaa laba boqol oo jariiradood ayaa ka hadlaya heshiiska.Waxaan qabaa in boqol waddan oo DP World ka shaqayso aynu xidhiidh la leenahay,” ayuu yidhi mudane Indho-indho.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “ Waxaan leeyahay bulshada Somaliland yar iyo weyn ba, haddii heshiiskaasi in yar inaga bariiqdo wax badan baa inaga xumaanaya, waa in qof walba meesha uu joogo culayska saaro, xasarada iyo dhibaatada ka ilaaliyo, waana in hareeraha laga istaago. Somalia ayaa ka naxda heshiiska aynu dunida la galno.”

Geesta kale Xildhibaan Indho-indho wuxuu hadiyado siiyay madaxweynaha Somaliland “Waxaan jecelahay inaan halkan hadiyado ku gudoonsiiyo madaxweynaha iyo marwadiisa, waxaan siiyay laba Faras.Laba farasna waxay joogaan taliska ciidanka booliska.Waxaan jeclahay in wasiirka madaxtooyada oo kiisiina la socdo inuu gudoonsiin doono oo xaflad u qaban doono, maaha wax golaha lagaga kacayo waa waa balanqaad dhab ah,” ayuu yidhi mudane Indho-indho.

Isagoo ka sii hadlaya madaxda uu sharfay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan maamuusayaa Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo iyadana aan magaca Somaliland ku siin doono labadii faras ee Somaliland iyo Imaaraadka(DPW) kala lahaayeen. Wasiir Sacad Cali Shire iyo Cali Shoombe waxaan leeyahay dib la idiin odhan maayo Somaliland way kala maqan tahay, waxaan u mahadcelinayaa komishanka qaranka oo soo gabogabeeyay wajigii labaad ee diwaangalinta gobolka Sool oo xuduudka ugu fog leh, tiro wanaagsana ka soo baxday. Dibna la idiin odhan maayo Somaliland badh baa maqan, idinkana intaas baan idin siinayaa.Faysal Cali Waraabe isaga inan baan siinayaa aan Adeer u ahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Eng Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Indho-indho ayaa sheegay inuu guddoomay inanta la siiyay “ Waxaan leeyahay saaxiibkay Indho-indho, Inanta waan kaa guddoomay laakiin, inankayga ayaan u gudoomay, anigu dhawr jeer baan sheegay oo waan haystaa minyaradaydii oo waa Somaliland” ayuu yidhi Eng Faysal.

Dr Edna Aadan “Dekedda Berbera Baayacmushtar Uun Looma Furayo Ee Waa Tallaabo Weyn Oo Siyaasadeed..”

Hargeysa(Warsugan)Dr Edna Aadan ismaaciil, ayaa tilmaantay in heshiiska Jamhuuriyadda  Somaliland gashay dawladda Imaaraadka carabta uu abuurayo cadaawad ay qaadaan dadka xasadka ku ah Somaliland,islamarkaana loo baahan yahay in laga gaashaanto. Waxay heshiiska ku sifaysay citiraaf dahsoon oo dawladda Imaaraadku siisay Somaliland, sidoo kalena dhiiri galinaysa in dawlado kale heshiisyo noocan ah la galaan Somaliland.

“ Dadkeena waxaa lagu qiyaasaa afar milyan. Afarteena milyan, Sokorta yar, bariiska, Sibidhka iyo wixii qarankeenu u baahan yahay markab ama laba markab ayaa maalintii inoo keeni kara laakiin, dekedeenu waxay deked u tahay Geeska Africa umadaha degan oo boqol milyan lagu qiyaaso haddaanay ka badnayn. Waa deked umadda Geeska Africa iyo Badhtamaha Africa ay u baahan yihiin. Ciddii heshiiskan hindistay oo ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa waan ugu hambalyaynayaa, guddidii ka soo shaqaysayna waan ku bogaadinayaa.Fikrad aragti dheeri ku dheehan tahay ayay la yimaadeen,” ayay tidhi Marwo Edna Aadan.

Marwada oo sii hadlaysa ayaa tidhi “ Dekedda Berbera Baayacmushtar uun looma furayo ee waa tallaabo weyn oo siyaasadeed. Marka dawlad imaaraadka oo kale ahi heshiis la gasho dawlad kale sahal kulama gasho ee daraasad xoog leh ayaa gashay. Waxaa la is waydiiyay dadka Somaliland ee dekedoodu tahay Berbera tolow waa dad caynkee ah? dad heshiis lala gali karo ma yihiin? Dad nabad gelyada ilaaliya ma yihiin? Taariikhdii Somaliland ayay dib u raaceen, waxay eegeen umad 25 sanno ka hor awood loo sheegtay oo deked, magaalo iyo hanti wixii ay haysteen la baabi’iyay, oo dadkoodii la xasuuqay siday ula xaaleen wacyigii ay la kulmeen oo ay uga soo kabteen,” ayay tidhi Marwo oo tilmaantay in Somaliland dalal badan ka horrayso.

Waxa ay intaasi raaciyay in heshiiska dawladda Somaliland iyo Imaaraadku abuurayso xasad badan iyo cadow diidan “Dawlad qaran ahaan inoogu timid oo heshiis inala gashay, xasad badan ayaynu yeelanaynaa, colaad badan bay dhalinaysaa, haddaynaan isku duubnaan, haddaynaan gacmaha is wada qabsan, haddaynaan cadowgeena ka wada gaashaaman, meel jilicsan baa la inaga soo galayaa iyadoo laga dhimanayo oo xasad lagu yahay heshiiska Somaliland la gashay dawlad kale iyadoo dawlad ah, waa aqoonsi dahsoon, aqoonsi dahsoon oo u baahan in la kobciyo weeye, waa lagu dayanayaa, fursado badan baa dalkeenu leeyahay oo horumar badan baa ka suuro galaya. Haddaynu talaabadaas adkayno oo kuwa la mid ah qaadno khayraadkeena ayaa inoo soo bixi, baddeena ayaynu khayraadka kala soo bixi inagoo xor ah,” ayay tidhi marwo Adna Aadan.

Ugu dambeyna waxay bulshada qaybaheeda kala duwan ku boorisay inay ilaaliyaan wanaaga Somaliland gaadhay iyo heshiiska wax ku oolka ah ee dekedda Berbera “Marka Somaliland laga hadlayo waan mirqaamaa, laakiinse maanta waxaan ku mirqaamo ayaa la I tusay, wixii aan u halgamayay 25 sannadood maanta midho dhaw ayaan arkaa,” ayay tidhi marwo Adna