Cadadkii 37aad ee Wargeyska Warsugan halkan ka Akhri

0
508

Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyey Go’aamada Lagu Saarayo Ajaanibka, Fulinta Qisaasta Iyo Shacabka Oo Uu Ku Dhiiri Galiyey Buuxinta Shaqooyinkii Ajaanibku Baneeyey

 

“Anigu ma idiin bilaabaa baalashlaha koobaad, baalashle wadaad ha la ii bixiyee?

Hargeysa(Warsugan) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray(Aadan Siirro), ayaa khudbadiisii jimcaha ee shalay wuxuu ku soo dhaweeyay dilkii todobaadadii la soo dhaafay lagu fuliyay dad hore dilal u gaystay iyo sidoo kale dadka ajaanibka ah ee dalka laga saarayo. Wuxuu sheegu bulshada ku dhiiri galiyay inay buuxiyaan shaqooyinka dadkaasi ka tageen dhalinyarada wadanka u dhashay qaban karaan.

Ugu horayn sheekhu wuxuu sheegay inay arrin muhiim ah tahay fulinta qisaastu waxaanu sharaxay culaysta dambiga ah in qofku qof mulims  “Dilka badan ee jira, Illaahay wuxuu yidhi qofka qof muumin ah ku talo gal u dila ee ama dhul ku dila  ama damac kale ku dila abaalkiisu waa jahannabada, kow wuxuu galayaa naarta Jahannaba, waanu ku waarayaa ayaa Illaahay yidhi, waxaana u cadhooday Illaahay, naxariistiisii ayaanu ka fogeeyay, bal inta gooddi ama hanjabaad aayaddaas ku jirta eeg, waxaanu Illaahay u diyaariyay cadaab weyn. Waxa weeye  waa Jahannaba, wuu ku waarayaa, Illaahay baa u cadhooday, naxariistiisii buu ka fogeeyay, wuxuu u diyaariyay cadaab weyn, Subaxaanallah,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekhu wuxuu sheegay inay habboon tahay in la xaqiijiyo qofka qof dilay balse aanay ahayn in muddo dheer dacwadu jiitanto “Asxaabtu siday ugu degdegi jireen qofku haddii uu qof dilo ama looga shakiyo, raaciya ayay ahayd. Waa in la xaqiijiyo arrinka marka la fulinayo laakiin, dee ma labaatan sannadood ayaynu baadhaynaa qof qof dilay? Iyadoo intaas oo marag joogaan, markaa waxa weeye nolol baa idiinku sugan qisaasta,” ayuu yidhi Aadan Siiro.

Geesta kale wuxuu Sheekh Aadan Siiro soo dhaweeyay dadka aan Somaliland u dhalan ee maalmihii u dambeeyay waddanka laga saarayay waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo laanta socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waad ogtihiin oo imika dhawr boqol oo qof ayaa la mastaafuriyay, magaaladiiba saafi ayay noqotay. Waxa weeye aynu shaqo tagno oo baalashku ceeb maahee, anigu ma idiin bilaabaa baalashlaha koobaad, baalashle wadaad ha la ii bixiyee? Mid yar oo kuwa baabuurta masaxa ah ayaan waraystay oon idhi maxaad maalintii soo saartaa? Wuxuu yidhi labaatan dollar ayaan maalintii sameeyaa Aadanow. Waa maydhista baabuurta oo kaliya ayuu labaatan ka samaynayay dadkeenuna way wada bakhtiyayaan oo way shaqo la’yihiin, waar dalka aynu ka shaqayno oo nimankaasna aynu is dhaafinno,” ayuu yidhi sheekhu.

Ugu dambeyntii Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray, wuxuu xukumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhalliilay iibinta hantida umadda, isagoo tilmaamay inuu ku gefay xukumaddii Riyaale oo uu ku ololeeyay “Dhulkan yar yaa bixiyay waan idiin sheegayaaye, xukumaddii aynu la dagaallanay ee Daahir Riyaale Subxaanalah, Masaajidkan Illaahay dambigiisii ha dhaafee waanu ku khaldannay Subxanalah. Dadkii halkan ka dagaalamay ayaanu ahayn, masaajidkan buu ahaa meeshii laga ololeeyay, kuwii aanu islahayn way dhaamayaan waxaanu ka baqaynaa inay dadka Iibiyaan,” ayuu yidhi Sheekhu.

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Saddex Carruur Ah Oo Magaalada Laascaanood Lagu Qabtay

Badhasaabka Oo Masuuliyad Darro Ku Eedeeyay Waalidka Dhalay Saddex Carruur ah oo da’doodu tahay 6 jir, 4 Jir iyo 3 jir La Qabtay Iyadoon Ehel La Socon

Laascaanood(Warsugan) Badhasaabka gobolka Sool, Mudane Yaasiin Maxamed Shide, ayaa sharaxaad ka bixiyay caruur khamiistii lagu qabtay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay ilaa hadda gacanta ku hayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay  inay gacanta ku hayaan waalidka ubadkaasi dhalay. Caruurta oo ah reer Hargeysa ayuu Aabahood ku sugan yahay Puntland.

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide, waxa uu meesha ka saaray warar saxaafaddu tabisay oo ku saabsan in caruurtaasi la soo xaday waxaanu sheegay in ubadkaasi ay dhaleen waalid qayrul masuul ah, kuwaasi oo dayacay ubadkooda, balse aanay ahayn ubad la soo xaday. Ubadka ayaa la ogaaday iyagoo la sii wado magaalada Laascaanood, kadib markii laga shakiyay, islamarkaana dadka la socday midna noqon waayay ehelkooda.

“Horta waata la qoray xaruur toogo ah oo la soo xaday, balse annagu caruur tuugo ah maanu qabane, saddex caruur ah oo bas saaran oo nin wado ayaa halkan yimid, markaa wuxuu noo sheegay inuu ku wado xagga Puntland, Gabadhina u soo dhiibtay. Markaa dadkii, caruurtii, ninkii wixii oo dhan waanu isku haynaa,” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool, oo intaasi raaciyay in Ubadka ay dhaleen Aabbe Puntland jooga iyo hooyo Somaliland joogta oo masuuliyad darro sameeyay, maadaama ay gaadhi saareen ubad da’doodu yar tahay iyadoon cid ehel ahi la socon.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharaxay sababta ubadkan oo aan waalid la socon masaafo dheer kaligood gaadhi loo saaray, wuxuuna sheegay in ubadka ay haysatay gabadh Eddo u ah islamarkaana Aabbaha dhalay ku amray inuu gaadhi u soo saaro “ Gabadh ay walaalo yihiin ninka caruurta dhalay ayaa haysatay caruurta, markaa caruurtayda gaadhi ii soo saar buu yidhi , dabeedna iyaduna baskaas ayay saartay,” ayuu yidhi Mudane Yaasiin Maxamed Shide.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda ubadka ay gacanta ku hayaan “Ninkii caruurta dhalay waa noo yimid, gabadhiina way noo timid,markaa labadoodu waa dad qayrul masuul ah oo caruurtan laguma aamini karo,waliba gabadha ayaa ka masuul san ninka caruurta dhalay oo waa ninkaa yidhi gaadhiga ii soo saara caruurtaas yaryar ee biyaha ah,” ayuu yidhi guddoomiyuhu, wuxuuna intaasi raaciyay “ markaa caruurta Ayeeyadood oo hooyadood dhashay ayaa imanaysa, markaa haddii Ayaydood tidhaa anigaa haynaya, waxaanu doonaynaa inaanu ku wareejinno, warqadna ka qorno, ninka dhalayna warqad ak qorno inaanu ugu tagayn.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay aqoonsadeen waalidka dhalay ubadka oo reer Somaliland ah, balse ninka caruurta dhalay uu walaalo la yahay caruur reer Puntland ah, sidaasina uu ku joogo Puntland, waxaanu yidhi isagoo ubadka da’dooda ka hadlaya “ Ubadka da’doodu waa lix jir, afar jir iyo saddex jir,” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool

 

 

Cilad Soo Food Saartay Tv-yada Somaliland Laga Daawado iyo Sababaha Loo Tirinaayo

Hargeysa (Warsugan) Tv-yada Afka-Soomaalida ee ku jira qaybta satellite-ka (dhiishka weyn) ayaa maalmihii ugu dambeeyey cilad ay la soo daristay, iyadoo aan ilaa hada xal loo helin sababta keentay dhaqaaqa dhiishka weyn ee ay inta badan ka soo galaan Tv-yada Afka- Soomaalida ku hadla.

Masuuliyiinta iyo wakiilada Tv-yada qaar ka mid ah oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa sheegay in ciladani tahay mid salka ku haysa adeegyo cusub oo ay dhawaan soo kordhiyeen shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka ama Telephone-nada, iyagoo ku eedeeyey inay khalkhal galiyeen barta (frequency) ay Tv-yadu ka isticmaalaan saxanka weyn ee Arab Site-ka.

Xubno ka socda Tv-yada ayaa la filayaa maanta oo sabti ah inay kulan la yeeshaan wasiirka boosaha iyo is-gaadhsiinta ee Somaliland, si ay ugala xaajoodaan khalkhalka ku yimi barta (Frequency) laga daawado iyagoo u sababaynaaya shirkada dalka qaar ka mida.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa dhaqaaq ku jiray guud ahaan Muuqaalada Tv-yada ku jira dhiishka weyn, iyadoo cilladaasi ay saamayn ku yeelatay daawashada wararka iyo barnaamijyada ay baahiyaan Tv-yadaasi.

Sidoo kale waxa iyaguna aan sidoodii hore u cadayn Illaacadaha Hawada laga dhegeysto oo aad moodo inuu ku jiro tashuush ama googo dhinaca maqalka codadka la xidhiidha.

40 Tahriibayaal Ah Oo Ku Naf Waayey Xeebaha Turkey-ga Meel Aan Ka Fogayn

Ugu yaraan 40 qof oo tahriib ahaa ayaa ku dhintay laba shil oo kala duwan oo ka dhacay xeebaha ka baxsan waddanka Turkey, iyadoo ay sii socoto dadka sida degdegga ah ugu soo qulqulaya waddammada Midowga Yurub.

Dad fara badan ayaan ilaa hada lagu geeri iyo nolol toona kaddib markii laba doonyood ay ku degeen biyo aad u qabow agagaaraha jasiiradaha Giriigga ee Farmakonisi and Kalolimnos.

Dowladaha Jarmalka iyo Turkiga ayaa magaalada Berlin kaga shiraya wixii ay ka yeeli lahaayeen dhibaatada dadka soo galootiga ah.

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel waxay doonaysaa in Turkigu uu adkeeyo ilaalinta xuduudihiisa, taas beddelkeedana ay Turkiga siiyaan lacag iyo tas-hiilaad kale.

Ra’iisal Wasaaraha Faransiiska ayaa isaguna ka digay in mujtamaca Yurub ay gebi ahaanba la kulmi doonaan xasillooni darro haddii ay isku dayaan inay qaataan qof kasta oo qaxooti ah oo qaaradda yimaad.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, waxaa uu sheegay in Maraykanku ay weydiisan doonaan waddammada deeqda bixiya inay 30% kordhiyaan lacagaha ay sannad walba ku bixyaan codsiyada bani’aadanimo ee caalamka, si ay isu-geynta lacagtaasi u noqoto 13 bilyan oo dollar.

Mr Kerry wuxuu kaloo sheegay in Washington ay weydiisan doonto in la kordhiyo tirada waddammada qaxootiga qaadanaya, marka madaxweyne Obama uu marti geliyo shir ku saabsan dhibaatada qaxootiga adduunka oo lagu barbar qaban doono shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo bisha September ka dhici doona New York.

 

Xukuumadda Oo Faahfaahisay Kulankii Dhex Maray Madaxweynaha iyo Laamaha Kale Ee Xukuumadiisa

 

 

Hargeysa (Warsugan) Kulan dhex maray madaxweynaha iyo laamaha kala duwan ee xukuumadiisa oo ka dhacay xarunta madaxtooyadda ayaa diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha Shilling-ka Somaliland, isla markaana laamaha dawladu ay u isticmaali lahaayeen lacagta dalka.

Qoraal uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadu Mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxda laamaha Xukuumadda oo dhan.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta (21.01.2016) Qasriga Madaxtooyada shir muhiima ah oo balaadhan ugu yeedhay dhammaanba madaxda qaybaha ay ka kooban tahay Xukuumaddu, kuwaasoo kala ahaa Xubanaha Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Gudoomiye-yaasha & Maayeeyeyaasha Hay’adaha madaxa bannaan ee Xukuumadda, iyo Taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee Ciimada Qaranka. Shirkan waxa ay ujeedadiisu ahayd in war-bixin laga dhagaysto Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray (03.12.2015) inay xog buuxda  ka soo ururiyaan sicir-bararka dalka ka jira isla markaana ka soo talo bixiyaan wixii arrintaa lagu xallili karo. Dhinaca kale, dulucda shirku waxay ahayd in Xukuumaddu ay ka wada hadasho doorka kaga beegan kor u qaadidda kalsooonida, aaminaada iyo isticimaalka lacagta Shilinka Somaliland iyo ka hortagga qiimo dhaca lacagta Qaranka Somaliland.

 

Furitaankii shirka Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Xukuumadda u sheegay in dal kasta uu leeyahay Calan iyo Calaamad u gaar oo dunida lagaga dir sooco. Astaamaha Qarannimada JSL waxa ka mid ah lacagteenna taasoo ah Shilinka Somaliland, sidaa darteedna ay Dawlad ahaan waajib inagu tahay in la ilaaliyo Qiimaha lacagteena. Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay in ay tahay wax laga xumaado in aynu ummad ahaan ku kalsoonaan weyno lacagtii Qarankeena, oo xataa shaqaale weynihii iyo madaxdii Dawladdu ee mushaharka ku qaadanayey ay isticmaali waayaan lacagta dalkeena ama ay ka door bidaan lacag qalaad. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan la aqbali karin oo aan dib loogu dulqaadan doonin. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Xukuumadda u sheegay in isticmaalka, qiime u yeelidda iyo aaminaada lacagteenu ay tahay tallaabada iyo yoolka ugu mudan ee ay Xukuumaddu hiigsanayso sidii loo xaqiijin lahaa sannadka 2016-ka. Fulinta iyo hir gelinta qodobada iyo talooyinka ay soo jeediyaan Guddida talo-bixinta sicir-bararku waa siyaasad Qaran oo u baahan in si buuxda oo dhammaystiran la isu garab taago. Sidaa darteed, Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta sare ee Xukuumadda ku adkeeyey inay hormuud ka noqdaan meel-marinta go’aamadaasi, kuwaasoo dabagal lagu samayn doono.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika Oo Ka Hadashay Dhagaysiga Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Maanta Ah

 

Geneva (Warsugan) Hay’adda Difaacayaasha xuquuqal Iinsaanka ee Geeska Afrika ayaa ka hadashay dacwada lagu soo oogay masuuliyiint  Wargayska Hubsad,Guddoomiyaha Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tafatiraha Wargeysa Hubsad Siciid Khadar Cabdillaahi, waxaanay hay’addu Somaliland ka codsatay in laga daayo danbiyada lagu haysto labadan wariye.

Masuuliyiinta Hubsad ayaa waxa hore dacwadooda walaac uga muujisaya hay’adda xuquuqal Iinsaanka Somaliland ee Human Rights Center

Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xarunta xuquuqal Iinsaanka Geeska Afrika oo xarunteeda tahay magaalada Uganda ayaa sheegtay in Somaliland ka fiirsato xukunada lagu rido saxaafadda madaxa banaan. War qoraala oo ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay inay Somaliland joojiso xukunada saxaafadda. Waxaanay si gaar ah uga hadleen labada masuul ee Wargeyska Hubsad.

“Labada wariye ayaa lagu eedeeyay qodobo hoos yimaada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Dacwada dhageeysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January.  Agaasimaha ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika Hassan Shire ayaa sheegay in dembiyada lagu haysto wariyasha farriin cad tahay inay Somaliland weerar ku hayaan warbaahinta iyo in suxufiyiinta aysan ka hadli karin war ka so horjeeda Dowladda. “Somaliland waa in ay oggolaata in suxufiyinta ay shaqayaan hor istaag la’aan.”

Dhamaadkii bisha October, Hubsad waxay daabacday maqaal sheegay in dawladda ay dhul fara badan ay leedahay, si sharci daran ku iibisey. Taasi ayaana aad loo rumeysan yahay sababta ka dambeysa xariga.

30kii November 2015 Cabdirashiid, oo madax ka ah wargeyska Hubsad, iyo Siciid, tafatiraha Hubsad, ayaa saldhigga booliiska Hargeisa lagu xiray. Xarigooda ka hor, labada wariye waxay booqdeen xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si ay ulaa socodsiiyaan magacyadaa hoggaanka cusub ee wargeyska laakiin waxaa loo diray saldhigga booliska. Amarka Xeer-ilaaliyaha Guud ka bacdi ayaa labada wariye la xiray. Bishii October, dawladda waxay joojisay wargeyska Hubsad – sababta ay sheegtayna waa in warqad laysan aysan haysan.

Cabdirashiid iyo Siciid qareenkooda wuxuu sheegay in Hubsad ay leedahay laysan. Lahaanshaha iyo hoggaanka wargeyska waa lagu wareejiyay Cabdirashiid iyo Siciid. Dib-u-diiwaangelin ma loo baahno markii lahaanshaha iyo shaqaalaha isbedelaan.

Labada wariye waxaa la sii daayay 3 December laakiin waxaa hadda lagu eedeeyay qodobo ka tirsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (daabacid ama faafin war been ah iyo diiwaan gelin la sameeynin). Dacwadan dhageeysigeeda hore wuxuu dhici doonaa maalinta Sabtida ah ee 23 January. Haddii maxkamaddu ay gaarto go’aan in wariyasha ay ku xadgudbeen sharciga, waxaa laga yaabaa in ugu yaraan labadoodu hal sano lagu xukumo ama wargeyska la xiro.

Sannadkii 2004, Somaliland waxay so bandhigtay sharci warbaahinta. Qodobka saddexaad waa aqoonsan yahay xorriyadda saxaafadda ku xusan dastuurka. Waxaa qoran saxaafadda caburin lagulama kici karo iyo waxa reeban wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb. Waxaa kale oo qoran in saxaafadda ku xad gudubta faqradaha qodobkan waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.

Dhowr warbaahin ayaa jira oo dawladda Somaliland xirtay sababata oo ah inay dawladda ka soo horjeedaan. Bishii Abriil 2014, bolis ayaa galay Haatuf oo amar bixiyay in wargeyska la xiro si degdeg ah. Bisha May, maxkamadda gobolka waxay xukuntay in la xiro guddoomiyaha iyo tafitiraha ayagoo lagu haysto faafin war been ah iyo war dawladda ka so horjeeda. Labada wariye ugu danbeyn waa la sii daayay laakiin wargeyska weli waa xiran yahay.

Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Geeska Afrika waxay ugu baaqeysaa madaxda Somaliland in: –

– dembiyo lagu qabsan Cabdirashiid Nuur iyo Siciid Khadar;

– dib loo furo wargeyska Haatuf iyo;

– ay qaadaan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ay joojiyaan weerarka ay ku hayaan warbaahinta lana xushmeeyo xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.

Komishineer Kaltuun Sh. Xasan Oo Sharaxaad Ka Bixisan Kala Duwanaanshaha Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Iyo Kaadhka Codbixiyaha Muwaadinka

War saxaafadeed

Komishaneer kaltuun oo arintaas sii faahfaahisay haddaladeedii waxaa ka mid ahaa: Waxaa muhiim ah in aynu fahano oo bulshadeenu si dhab ah u fahanto qaabka diiwaan galinta codbixiyaha ama kaadhka codbixiyaha.

Inta badan waxa shacabka iskaga qaldan kaadhka cadeenta muwaadinka iyo kaadhka codbixiyaha muwaadinka.

  • Kaadhka muwaadanimadu waa kaadhka cadeenaya in aad tahay muwaadin reer Somaliland ah.

Kaadhkan waxaa ka masuul ah oo bixiya wasaarada arimaha gudaha, waana cadeynta muwaadinimada.

  • Kaadhka labaad waa kaadhka diiwaangalintiisu hadda ka socoto gobalka Togdheer. Waa kaadhka looga baahan yahay codbixiyaha.

Kaadhkan waxaa ka masuul ah bixinayana Komishanka Doorashooyinka qaranka.

Kaadhka muwaadinku waxa uu fududeenayaa muwaadinku markuu doonayo in uu isu diiwaan galiyo qaadashada kaadhka codbixinta.

Haddaba haduuna sidanin muwaadinku kaadhkiisii ama aanu horeba u qaadanin kaadhka muwaadanimada iskama hor taageyso in uu isu diiwaan galiyo qaadashada kaadhka codbixinta.

Waxaa goobta diiwaan galinta ku sugan qof ka socda wasaarada arimaha gudaha, qofkaas oo cadeenaya muwaadinimadiisa halkaasna loogu diiwaan galin doono qaadashada kaadhkiisa codbixineed.

Muhiimada ugu weyni waxa ay tahay in qofku fahmo kala duwanaanshaha labada kaadh.

Haddaba hadii muwaadinku sito maalinta codbixinta kaadhka muwaadinimo oo kaliya waxa uu waayayaa xaqqiisii codbixineed.

Haddii se uu qofku sito kaadhkiisa codbixineed waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qeyb galo codbixinta doorashooyinka.

Dhamaan Gudidda Komishanka Doorashooyinka qaranku waxa ay fariin u dirayaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan Gobalka Togdheer oo maalintii Sabtida 16/01 ka bilaabmatay diiwaan galinta codbixiyahu:

((Muwaadin waa waajib ku saaran dhiirigelinta isdiwaangelinta codbixiyuhu))

((Hore isu diwaangeli intaaney kaa xidhmin diwaangelinta codbixiyuhu)).

 

 

Allaa mahad leh