Kulmiye gobolka uu guusha ugu wayn ka heli doonaa wuxu noqonayaa Gobolka Maroodijeex oo laga yaabo in uu ku guulaysto kala badh (10) 20ka kursi halka
Gobolka Saaxil Kulmiye uu ka heli karo 4 ilaa 5 kursi
Sool iyo Sanaag oo isku leh 24 kursi waxa laga yaabaa in Kulmiye uu ka heli karo ugu badnaan 9 ilaa 10 kursi. Sidaa daraadeed Kulmiye wuxu halis u yahay in lagala wareegi karo shirgudoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ka dib doorashada oo uu noqdo doono gole uu mucaaridku hogaamiyo. Gaar ahaan Gudoomiyaha oo dhinaca Kulmiye uu u ordayo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Mudane Yasiin ayaa muuqata in fursadiisu ay cidhiidh noqon doonto oo labada musharax ee mucaaridka Cabdirazaq Khaliif iyo Abyan uu midkood noqon doono Guddoomiyaha golaha cusub ee Baarlamanka Somaliland balse waa hadii labada xisbi ee mucaaridku ku heshiin karaan.