Cali Guray Oo Sharaxay Abaallo Badan Oo Wasiirkii Hore Ee Cadaaladdu U Galay Madaxweyne Siilaanyo

0
414

Cali Guray Oo Sharaxay Abaallo Badan Oo Wasiirkii Hore Ee Cadaaladdu U Galay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(warsugannews)Cali Guray Oo Sharaxay Abaallo Badan Oo Wasiirkii Hore Ee Cadaaladdu U Galay Madaxweyne Siilaanyo
“Xuseen Axmed Caydiid Wuxuu Noqonayaa Kii Ugu Dambeeyay Afartii Xubnood Ee Siilaanyo ka Ogolaaday Inay La Saxeexaan Diiwaan-gelintii Kulmiye”

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka sheekeeyay abaallo badan oo Wasiirkii hore ee cadaalladda ee dhawaan is-casilay uu u soo galay madaxweyne Siilaanyo.

Sidaasna waxa uu kaga hadlay qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Internet-ka, waxaanu Madaxweynaha Somaliland ku sifeeyay nin aan abaalka loo galo aan gudin.

Cali Guray isagoo ka hadlay sida Wasiirkii hore ee Cadaalladdu uu waligii u taageeri jiray Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi

“Xuseen Axmed Caydiid tan iyo intii uu ku soo biiray SNM sanadkii 1989kii wuxu ahaan jiray saraakiisha sida wayn u taageerta Axmed Silanyo ee uga hiilisa mucaaridkii ka soo horjeedi jiray. Wuxu ka mid ahaa shantii xubnood ee saxeexday Diiwangelintii ururka Kulmiye markii ugu horeysay ee la asaasay. Sidii ayuu u garab taagnaa Axmed Silanyo isaga oo gudoomiye Jabhadeed ah iyo isaga oo Gudoomiye xisbi siyaasiya ah iyo isagoo Madaxwayne ahba. Maanta waxa ay ku kala tegeen dad badani waxa laga yaabaa in aanay si fiican u wada fahmi karin balse waxa laga yaabaa in ay ogaan doonaan ka dib marka uu xidhmo Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Kulmiye.Xuseen wuxuu noqonayaa kii ugu dambeeyay afartii xubnood ee Axmed Siilaanyo ka ogolaaday inay la saxeexaan Diiwaangelintii Urur Siyaasadeedkii Kulmiye ka dib markii uu ku musanaabay.”

Cali Guray oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi

“Subaxnimadii maalintii ugu dambaysay diiwaangelinta ururada oo ahayd maalintii Kulmiye aanu sii diiwaangelinay waxaanu isugu nimid guriga Axmed Siilaanyo. Xuseen Axmed Caydiid wuxuu ka mid ahaa Gudidii Xasuuqa oo ahayd hawl ka baxsan kana madaxbanaanayd siyaasadda hadana ixtiraam uu u hayay Axmed markuu ka codsaday inuu la saxeexo diiwaangelinta Urur Siyaasadeedka wuu diidi kari waayay waxa aanu kulmiye ku sugnaa maalintaasi in mudada diiwaangelintu ay ka xidhanto waxaanu ku fakaday saacado ka yar seddex saacadood. waayo waxay xidhantay 12.00 duhurbimo.”

“Nasiib darro maantana waxa laga diiday inuu xogogaal u noqdo sida loo wado hawlaha Kalfadhiga Golaha Dhexe maadaama aanu ka mid ahayn taageerayaasha Muuse Bixi balse uu taageesan Yahay Xildhibaan Axmed Kijaandhe. Markaa haddii aan kuwo badan oo kale soo qaato oon idhaahdo Axmed Siilaanyo nin isagu abaal gala maaha nin guda abaal isaga loo galayna maaha.

Markaa wax uu ku dhaamo: ISKA HADHAYE AAKIRONA WAA LAMA HURAANKIIYE ma jirto,”ayuu doodiisa ku soo gabo-gabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here