CALI-GUREY OO KA HADLAY QAABKII UU DHACAY SHIRWEYNIHII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE

0
705

CALI-GUREY OO KA HADLAY QAABKII UU DHACAY SHIRWEYNIHII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE

Hargeysa(warsugannews):- Guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa waxa uu ka hadlay qaabkii uu maanta u dhacay Shirweynaha shanaad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagu doortay hoggaanka Xisbiga ee doorashada soo socota.

Cali-Gurey waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray, waxaanu u dhignaa sidan:

“ILAAHAY HALKA UU WAX KA WADO DAMEERAA WAYLO DHALA Tii la filayayba tu ka sii fiican baa timid. Axmed Silaanyo ayaa ugu horeeyay qof u codeeya Zaylici taas oo ahayd fariin uu u dirayay xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye gaar ahaan kuwa kaga jira xukuumadiisa, Golaha Wakiilada iyo xataa reer kiisaba. Dhulbahante ama Hartigii Somaliland ama daaroodkiiba dheh oo waxa maanta xaalkoodu yahay LABADAA RIDDOBA REER KAYGA MAYSU WADA RAACDAY? Waa tii Kalshaale iyo tan uu mantana Axmed Silanyo dhigay. Doorashada Zaylici ma jirto wax macno leh oy ka bedelayso xaaladii Gobolka Awdal Carro Harti oo dhanna way ka xorooday gacantii Kulmiye hadii aanay gacanta Somaliland oo dhanba ka wada bixin waayo silanyo ayaa u hiilin Khaatumo iyo Cali Khaliif wax la filayay may ahayn. Laakiin bal aan eegno sida ay wax noqdaan.

Fariinta UCID ee Beelaha Bariga Somaliland waa ” II HIILI AAN KUU HIILIYO EH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here