Ceerigaabo: Ciidanka Dab Demiska Oo Xakameeyay Dab Baa’bin Lahaa 40 Beerood

0
269

Ciidanka Dab-demiska magaalada Ceerigaabo ayaa hawlgal qaatay 7 saacadood ku damiyay dab qabsaday beero ku yaalla deegaanka beeraha oo 10 Km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Ciidanka ayaa gurmad loo dhanyahay ugu baxay 28 Askari, 3 Gaadiid oo Dab-demis ah iyo dhamaan qalabkii saarnaa, waxaana ciidamadu badbaadiyeen 40 Beerood, halka dabku gaadhay 10 beerood.

Badhasaabka Gobolka sanaag Axmed Cismaan Xasan, Duqa degmada Ismaaciil Xaaji Nuur, Taliyaha qaybta Booliska Saleebaan Ducaale Warsame iyo dhamaan masuuliyiinta Gobolka ayaa dhankooda gurmad iyo heegan la galay Ciidanka, waaxanay qayb laxaad leh ka qaateen soo afjarida dabkaas, iyagoo goobtaas ku sugnaa ilaa intii hawlgalku ka soo dhamaanayay.

Masuuliyiinta Gobolka ayaa had iyo goor hiil iyo hooba la garab taagan Ciidanka Dab-demiska, waxaanay markastaba ka shaqeeyaan horumarka Ciidanka Dab-demiska Ceerigaabo.

Sababta dabkan dhalisay ayaa ahayd kadib markii beeralayda deegaankaasi ay dab ku shideen Ayax fara baas ku hayay beeraha muddooyinkii u dambeeyay, waxaanay taasi dhalisay in dabkii halkaa ka dhashay ku fido beeraha kale.

Guud ahaan daminta dabkan ayaa ku soo dhamaaday guul, waxaana ciidamadu ku guuleysteen xakamaynta dabkan, iyadoo hadii uu sii fidi lahaa, beeralayda u geysan lahaa khasaare laxaad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here