China Oo Heshiis Waalli Ah Ku Iibsanaya Xuquuqda Baahinta Horyaalka Ingiriiska, Waa Maxay Ujeedada Ka Dambeysa?

0
369

Waa wax aad u adag in 20ka kooxood ee heerka koowaad ee horyaalka England Premier League lagu mideeyo aragti ah inay ixtiraamaan kana dambeeyaan heshiisyada lacagaha faraha badan lagu helo ee uu horyaalku kula jiro talefashinnada,
inkastoo xaqiiqadu ay haatan tahay inuu qandaraaska haatan ee horyaalka Premier League uu yahay 8.3 bilyan oo ginni.
Si kastaba ha ahaatee, majaladda Daily Mail ee dalka England ayaa sheegeysa inuu guddoomiye ku xigeenka Manchester United Ed Woodward sarre u qaaday kulamada uu la qaadanayo guddoomiyeyaasha lixda kooxood ee waa weyn ee horyaalka Premier League si ay uga wadahadlaan heshiiska xuquuqda baahinta talefashinnada China ee haatan miiska u saaran.

Kooxaha horyaalka EPL ayaa la filayaa in qaab loo dhan yahay ay u meelmariyaan heshiiskaan, waxaana xusid mudan inuu noqon doono heshiiskii ugu weynaa ee uu horyaal adduunka ah la galo talefashin debadda ah, waxaana ay warbixintaani sheegaysaa in hillinka PPTV Network ee dalka China uu bixin doono 564 milyan oo ginni si uu seddaxda sanno ee soo aadan illaa 2019ka kulamada horyaalka Premier League ugu baahiyo China.
Heshiiskaan ay haatan miiska soo saareen madaxda hillinka PPTV Network ee dalka China ayaa waxaa sarre loo qaaday 12 jibbaar. Wuxuuna noqon doonaa midkii ugu weynaa ee uu horyaal la galo hillin debadda ah.

Guddoomiyaha Man Utd Woodward ayaana isha ku haya in kooxaha waa weyn ee horyaalka EPL ay qalinka ku duugaan heshiiskaan tusaale ahaan kooxdiisa Man Utd, Manchester City, Arsenal, Tottenham, Chelsea iyo Liverpool wuxuuna doonayaa in aysan lumin heshiiskaan qaaliga ah.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga soo tago lixda kooxood ee waa weyn waxaa shaki la gelinayaa aragtida ay 14ka kooxood ee kale ku aqbali doonaan heshiiskaan waxaana laga yaabaa inay kooxaha horyaalka EPL ku kala qeybsamaan heshiiskaan.
Sida aad ka arki doonto faahfaahinta hoose, NBC ayaa 658 milyan oo ginni ku iibisatay xuquuqda baahinta horyaalka EPL si ay ugu baahiyaan America illaa 2022ka. Halka hillinka reer Africa ee SuperSport uu bixiyey 296 milyan oo ginni si uu Africa ugu baahiyo EPL illaa sannadka 2019ka.