telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Ciidamada dowladda oo niyad badan aanan haynin ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha dibada Somaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka dowladda Somaliya ay haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin mushaar la’aan.
Khaalid ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidanka xoogga aysan mushaar qaadan muddo ku dhow 7 bilood.
Liiska Wasaarada Maaliyadda ayuu sheegay in ay ku cadahay in aysan mushaar qaadan shaqaalaha dowladda.
Inta badan ciidanka xoogga dalka iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo ah xubnaha ugu muhiimsan shaqada dowladnimada Somaliya ayaa la sheegaya in mushaarka ay ku shaqeeyaan uu ka maqnaado muddo badan.
Xilliyada kala guurka ah ayaa ah waqtiyada
ugu badan oo ay shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale ciidanka Xoogga dalka aysan qaadan mushaarka.

Ciidamada dowladda oo niyad badan aanan haynin ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho, iyadoo ay ka muuqato duruufo kala duwan oo dhanka nolosha ah, maadaama qarashaadkii yaraa ee Mushaarka u ahaa muddo bilooyin ah aanan la siinin.

474 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins