Ciyaartii Saaka subaxnimadii dhex martay Gobolada Salel iyo Saaxil ayaa ku dhamaatay 2:1

0
301

Ciyaartii Saaka subaxnimadii dhex martay Gobolada Salel iyo Saaxil ayaa ku dhamaatay 2:1

Boorama(Warsugannews) Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh ayaa waxay dhex martay gobolada Salel iyo Saaxil iyada oo ciyaartan la qabtay subaxnimadii hore ee saaka, kana dhacday garoonka Xaaji Daahir Stadium.

Waxa garoonka saaka ku cusbaa in aanay kaba soo xaadirin taageerayaashii hore uga qaybgelijiray ciyaaraha taas oo sabab u ahayd ka dib markii ay rabshado soo noqnoqday la yimaadeen taageerayaasha loo martida yahay ee Gobolka awdal kuna geeriyoodeen laba ruux hlka kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Hadaba ciyaartan ayaa ahayd mid a ku kala baxayeen labada gobolkii soo baxaana uu iska soo xaadirinaayey garoonka Hargeysa Stadium oo wareega labaad uu ka dhici doono waxaana nasiib ku saaciday saaka gobolka saaxil oo laba iyo hal ku derderay salel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here