Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey……W/Q Rashiid Sulub Caalin
Waxaan akhristayaasha qiimaha badan leh aan la socodsiinayaa, in maanta aan bilaabayo qormooyin cusub oo noqonaya barnaamij aan u bixiyey ‘Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey’ oo ujeeddadiisu tahay, maadaama aan dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyey aan bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha aan u soo gudbinayey qoraallo khusaynaya baraarujinta danta guud ee inala gudboon, ayaa kadib markaan dhugtay ee aan darsay waxaan garawsaday:
1. in dhibta ugu weyni ee bulshadeenu ay tahay inaanay badanka danaynin tilmaamaha iyo sheegista waxylaaha masaaliixdooda guud wax taraya.
2. Markaan garawsaday inay bulshadeena badankeedu ay xiiseeyaan run iyo beenba wixii siyaasadda ku lug leh.
3. Markaan garawsaday inay samir la’aanta xagga wax akhrisku ay korodhay.
4. Markii aan qaatay talada la ii soo gudbiyey oo ah inaan gaabiyo qormooyinkayga.
5. Waxaan garawsaday oo aan qaatay, inaan sameeyo barnaamij sawir gacmeed qoraal ah, oo ka turjumaya xaaladaha aynu ku jirno ama ina soo wajahaya. dhinacyada dhaqan maskaxeedkeena hadba taagan.
6. Siday xaqiiqadu ila tahay, in loo baahan yahay mar dambe inaan buug ka qoro, oo aan is raaciyo sawirada iyo hadalka ka turjumaya.
7. Waxaan u gacan raadinayaa culimadeena bartay cilmiga arrimaha bulshada intooda maskada furan inay fiiro gaar ah u yeeshaan sida ay bulsshadau u macnaystaan ama nuxurkani u saamayn doono, oo ay kasoo saaraan xikmad iyo xaaladda waaqiciga ah, oo sawirka qoraalka la socda ay wax ka iftiimiyaan.
8. Qodobada lagu soo bandhigayo inaan raaciyo laba qodob ah oo kala ah. qosol ama qaddiyad maskax fu-rfuris ah oo ku habboon xaaladaha kolba jirta. qodobka labaadna waxa weeyi, in dhaqankeenea iyo fakarkeena iyo macaamilka dhexdeena ah aynu wanaajino.
Arrimaha kor ku xusan markii aan isla qaatay barnaamijkan magaciisu wuxuu noqonayaa ‘colka wadhaf ma lagu dayey’. Sida la ogyahay halhaystaas ‘colkawadhaf ma lagu dayey’ waa weedh ay Soomaalidu halhays u leedahay oo ku fadhida xikmad, waxaana la adeegsadaa marka ay laba ciidan is hor fadhiyaan, ee ciidanka soo weeraray wax iyo kan kale ee difaaca ku jira la mari waayo oo macne quus oo kale ah laga taagan yahay lana doonayo in hab kale oo dagaal looga wareego kollay wadhaf tahay.
Qabyaaladdii oo xididadeedii aad u fogaadeen: Sida badankeenu ogsoon yahay baryahan ugu dambeeyey waxa inagu soo kordhay idaacado badan oo Afka Soomaaliga ku hadla, had iyo jeern marka ay qaddiyado ka hadlayaan waxay adeegsadaaan inay waraystaan khubaro iyo aqoonyahan arrintaas u dhuun daloola oo Soomaali ah. Markaa ninka sawir gacmeedkan sawiriraya oo la yidhaahdo Gaaxnuug ayaan ka dalbanayaa inuu ii sawiro 3 sawir oo kani ugu horreeyo. sawir gacmeeka qodobkani wuxuu yahay idaacadihii Af-Soomaaliga ku hadlayey ee dibaddu ay batay, saacado badana ay hadlaan imikana ay had iyo jeer qaddiyada ay ka hadlayaan ay waraystaan qof xeel-dheere ah oo ka hadli kara mawduucaasi loogu marti qaaday idaacadda. Sidaasoy tahay ayuu Gaaxnuug sawirayaa nin kursi ku fadhiya oo telefoona dhegta ku haysta oo ay la hadlayaan niman madaxdhaqameedyo ah oo wada socda oo leh ‘tifaftire waraysiyadan aad qaadaan ee aad inta badan wax ka waydiisaan aqoonyahana qaddiyadaha taagan, haddii aanu nahay beesha reer Galool marnaba ma waraysataan barafoseeradayada iyo aqoonyahankayaga waana ashkato u baahan in wax laga qabto, oo waqtiyada qaar aad waraysataan kuwa beeshayada ka dhashay. Markay odayaashu cabashadaas gudbiyeen ayuu tifaftiraha idaacadu ugu jawaabayaa ‘waa in hadda wixii ka dambeeya waraysiyadeena aynu beelaha Soomaalida ku soo qaadanaa si ay u wada raali noqdaan, ileen waxba kuma habna haddii sida 4.5-ka Soomaalidu wax ugu qeybsato inaguna aynu ugu qaybinee. Haddaba Qabyaaladeey halkaad nagu wado waaba la ogaan.
Jajaban: Haddana Gaaxnuug waxaan ku idhi waxaad ii sawirtaa sawir gacmeed ka hadlaya sida ragga Soomaaliyeed badankoodu ay hableheena qiimaha leh intay baleeyaan oo ay balwadda baraan oo ay baabi’iyaan, haddana marka dambe aflagaado iyo cay ay iskugu daraan siiba ragga waddanka gudihiisa jooga gaar ahaan ragga ka yar 40 sannadood, waxaanay ula baxeen Jajaban hablaha qayila ee balwadda ay bareen qaadatay ee qofkii doonayaa sida fudud u helayo. Markaa sawirka uu Gaaxnuug ii sawirayaa wuxuu noqonayaa, iyadoo maxkamad la fadhiyo, garsooruhuna yahay qof dumar ah oo waayeel ah oo aqoon leh, oo ay dumar u soo gudbiyeen kiis ay arrintaas balaynta dumarka kaga cabanayaan. Markii ay dhegaysatay garsooruhu ayaa waxay xukuntay dhowr nin oo hawlahaasi hablaha kula kaca oo maxkamada la hor keenay laguna xukumay kuwaasi la soo dacweeyey ee falalkaasi xun ku jira, inta geed laba-dible loogu xidho, isla markaana 3 dumar ah oo metelaya kan geedka ku xidhan hooyadii, xaaskiisii iyo gabadh uu la dhashay oo loogu talagalay inay si wada jir ah 50 shaabuug ugu dhuftaan oo aan naxariis lahayn, si ay uga waantoobaan balaynta hablaha sharafta leh ee ay bi’inayaan. Nimanka arrinkaas lagu fuliyeyna waxa u taalla tii Alle ee wax ku qaata.
Ma maqashay? Waxa la yidhi waa iyaga iyo Allahoode ‘nin baa damcay ama ku hamiyey inuu u dhoofo waddamada Carabta ama Yurub si uu uga soo shaqaysto. Markii ay tagistiisii soo dhowaatay ayey hooyadii ugu sii ducaysay sidii hooyo lagu yaqaanay waxaanay ku tidhi ‘hooyo Alle ha ku nabad galiyo waxaanan Ilaahay kaaga baryeyaa inuu Ilaahay albaab kasta kuu ballaqo.’ Sidiibaanu ninkii ku ambabaxay oo uuYurub ku galay. Sidaynu la socono Suuqyada waa-weyn ee adduunyada waxa imika lagu yaqaanaa marka aad galayso dhisme ee aad albaabka kaabadiisa cagta saarto uu kala baxo. Markaa mar kasta oo uu meherad soo hor istaago ee uu ka furmo , ayaa wuxuu xusuusan jiray hooyadii ducadeedii oo uu odhan jiray ‘walee hooyaday ducadeedii waa laga aqbalay, oo albaab walba wuu ii ballaqmayaa’. Waxaanu aaminay ninkii sidaasi Ilaahayna wuu u rumeeyey oo ujeedooyinkiisii nolosha wuu gaadhay. Aniguna waxaan leeyahay Ilaahay ha u sii ballaqo albaabada jannadana.
Maxaa Cusub: Maydhista maydku had iyo jeer waxay woxooga dhib ku haysay kuwa maydhaya siiba marka la rog-rogayo. Haddaba waxa imika soo baxay miis bir ka samaysan oo 4 lugood leh, oo loogu talogalay in taagni lagu maydho maydka, birta dhexena ay isku foorarto, wadiiqadyarna ay leedahay oo daloolo leh si ay biyuhu uga baxaan oo baaldi la hoos dhigo, sidaasaanay ku sahlanaatay oo maydkii afarta dhinacba laga maydhi karayaa, waana Alle mahaddii. laakiinse waxaan anigu ku dari lahaa marka maydku qalalo miiska dushiisa in kafanta lagu xidho isagoo miiska yaalla, 4-ta lugoodna laga yeelo kuwo la siibo ama la isgaliyo marka la doono sidaasaana lagaga maarmayaa in naxash la saaro, Ilaahayow cadaabtaada naga ilaali waaba layska soo dhowaynayaa naftiiye. Lasoco khamiista dambe.
Waxaan kusoo koobayaa wixii ra’yi ah ama talo-bixin igala qeyb-qaataan mawduucan Colka Wadhaf Ma Lagu Dayey.
Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634000381
Hargeysa, Somailand