Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Q7aad

0
521

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal,
(1936kii – 2016ka)

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,
Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,
Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 7aad

Hargeysa, 20/1/2016ka,

Raalli iga ahaada Qormadii 6aad qalad aanan ku talo-gelin oo aan qoray. Heesta Af-qalaad aqoontu miyaa waxa ku luuqeeyay Magool iyo Xasan Diiriye. Ilaahay baa mahad leh, waxa kale oo aan u mahad-celinayaa nin Saalax la yidhaahdo oo ii soo qoray e-mailka sixitaanka. Run ahaantii waan ogaa oo goob-joog ayaan u ahaa heestaa ciddii qaadday ee waan il-duufay. ‘Hadalna hilmaan kuma jiro.’ Raalli ahaada. Waan saxay sawirkii Xasan Diiriyena waan geliyay oo sidaas ayay qormooyinka danbe ku soo baxaysaa.
Cali Sugulle, wuxu isla munaasibaddaas aftida Jabuuti ugu talo-galay hees kale oo ay Maxamed Axmed iyo Xaliimo Khaliif, Magool, wada qaadeen oo heestaa kale ka duwaneyd. Haddii ay dadweynuhu ‘Haa’ ku codeeyaan ama ay natiijadu sidaas noqoto wuxu ugu talo-galay hees kale oo ahayd: “Midnimadeennii mugday gashoo, magaceen ba’yeey.” Waxa kale oo heestaas ku jiray tuduca ah: “Mayadii Haa maqaar la saaraa meydhaantayeey.”
Cali Sugulle mararka qaarkood ayuu u tallaabi jiray suugaanta qalaad oo uu ka dheegi jiray maansooyin Soomaaliyeed. Waxa jirtay maanso carbeed oo ka hadlaysay lacagta iyo saamaynta ay nolosha aadamaha ku leedahay. Cali Sugulle ayaa ka dheegay maanso Soomaaliyeed oo hal-hays noqotay. Ma wada hayo, waqti aan ku baadhana ma aan helin, bal se waxaan ka sii xusuustaa:

“Hoheey! Lacageey wax kala-haadshaay,
Horreeye danbeeye weydaarshaay,
Ninkii haya way u hadashaa,”

Dadka qaarkii ayaa laga yaabaa in ay ku qaldaan heestii Feysal Cumar Mushteeg ee la laximay isaguna ku qaadayay ee ahayd:

“Lacageey, lacageey,
Liitaa gargaaraay,
Laqanna hoos-u-celiyaay,”

Sannadihii dul-saarka ahaa ee lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Cali Sugulle suugaantiisii xariirta ahayd waxa ka mid ahaa Astaantii Halganka ama miyuusigga astaanta u ahaa halgankii hubeysnaa oo ahayd hees uu midhaha iyo codkaba lahaa oo ay kooxdii SNM ku luuqayn jirtay. Haddii aan godollo ka soo qaato, waa kii lahaa:

“Dhuxul danbas huwan ku dhac,
Car wir ku dhac,
Dhamac lagu gubtay,
Car wir ku dhac,
Dhallintii halgamaysay,
Dhiirranayaasha,
Qoriga dhuunta loo saaray,
Halgamayaasha,
Beebbega ka dhuuman waayay,
Dhabbacan waayay,
Baroonka ka dhuuman waayay,
Dhabbacan waayay,
Dheg-xumo-diide is-dhiibi waayay,
Sida dharaarta Gaas-dhegoole,
Magacii ha dheeraado,
Dhakhso guusha dhakhso,
Weynu dhalinaynaa,
Weynu dhalinaynaa,”

Bal hadda immikana aynu qaybo ka soo qaadanno Deelleeydii Cali Sugulle ee ‘Maxaa daran, maxaa dan ah.’ Waxay ka mid ahayd kuwa quruxda farshaxanka san isla markaana ugu dheer taxanihii Maanso ee Deelleeyda. Waxaan is-leeyahay Deelleeydii Xudeydi iyo tan Cali Sugulleba waxay ka mid yihiin kuwa ugu dhaadheer. Waxa kale oo aad u dheeraa maansooyinkii: Cali Banfas, Axmed Garow iyo nin Farxaan la odhan oo reer Laas-caanood ahaa. Wuxu ku suntaday: Maxaa daran, maxaa dan ah. waxay soo baxday 10/2/1980kii waana Bah-Muqdisho.

Maalin maalmahaas ka mid ahayd ayaanu goor gelinkii danbe ahayd fadhiisannay guri u kiraysnaa Maxamed Cabdi Iskeerse oo ku yaallay degmada Xamar-weyne ee Muqdisho. Bil ammaara wuxu gurigaasi ka danbeeyay dhismaha weyn ee dawladda hoose ee Muqdisho. Halkaas ayuu maalintaas Cali Sugulle noogu mariyay maansadiisa Deelleeyda ah. Halkaas ayaanu ku wada tifaf-tirnay isla markaana u qoondaynay halka ay ka gelaysay taxaanihii maanso ee Deelleeyda. Taxanahaas iyo rasayntiisu arrin laga wada tashan jiray ayuu ahaa. Kolley inta aan ka xusuusto waxaanu ahayn: Iskeerse, Cali Sugulle, Gaarriye, Hadraawi, Rashiid Gadhweyne iyo aniga inta aan ka xusuusto.

Baadi-soocda gaarka ah ee ay leedahay maansadani waxay ahayd, in uu Cali Sugulle dawladnimadii ka dhigay aqal-soomaali. Sidaa darteed ayuu nidaamkii markaa jiray ku leeyahay:

“Dib in loo furfuro iyo,
Kala-daadi mooyee,
Dawo iyo maaro kale ma leh,”

Waxaanu maansadaas ku yidhi:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)