Daawo: kooban oo ku saabsan Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare) oo gacantiisa ay shinni macmacaan ka cunayso kuna quudinaya, isla markana dadka la wadaagaya farriin ah “Quudi Shinnida oo La Saaxiib

0
456

Halkan ka daawada muuqaal kooban oo ku saabsan Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare) oo gacantiisa ay shinni macmacaan ka cunayso kuna quudinaya, isla markana dadka la wadaagaya farriin ah “Quudi Shinnida oo La Saaxiib.

Inkasta oo ay hadda si fiican ay u da’ayaan roobabkii, abaartii jirtay noolaha ay saamaynta ku yeelatay waxa ka mid ah Shinnida. Markii abaartu kululaatay Shinni badan ayaa magaalooyinka soo gashay oo wax ay malab ka samayso soo doonatay. Magaalada Hargeysa waxay ka mid tahay meelaha shinnida lagu dhex dhaqdo oo waxa ka dhex jira goobo kala duwan oo shinni la dejiyey.

Muuqaalkan kooban waxa laga duubay Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo bishii ina dhaaftay ee October 2015, hindisay isla markaana lagala qayb qaatay ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida. Ololaha oo ku fiday deegaanno kala duwan oo Somaliland ku yaalla.

Waxaana nuxurkiisu ahaa in shinni badan oo ku dhiman jirtay hudheelada, maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee macmacaanka lagu iibiyo la badbaadiyo. Iyadoo dadkana lagu baraarujinayay inay shinnidda bartaan faa’idadeeda iyo inay tahay wax ilaahay karaameeyey oo uu weliba u waxdooday.