Daawo Maadama oo ay curteen roobabkii gu’gu waa in aan la hakin oo aan la joojin diiwaangalinta”Musharax Cabdi Hugur Oo U Sharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil

0
434

“Maadama oo ay curteen roobabkii gu’gu waa in aan la hakin oo aan la joojin diiwaangalinta”Musharax Cabdi Hugur Oo U Sharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil

Hargeysa(WARSUGANNEWS)-Aqoonyahan C/xakiim Hugur Sh.Cabdi oo ah musharaxa ugu taageerada badan uguna miisaanka culus musharaxiinta u tartamaaya doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil ayaa taageerayaashiisa iyo guud ahaan Bulshada gobolka Saaxil uga mahadnaqay si muga leh ee ay iskaga diiwaangaliyeen gobolkaasi Musharax C/xakiim Hugur Sh.Cabdi oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi”aniga oo ah C/xakiim Hugur Sh.Cabdi kana mid ah musharaxiinta u tartamaaya doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil waxa aan halkan uga mahadnaqayaa guud ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil gaar ahaan taageerayaashayda anigoo uga mahadnaqaaya sidii muga iyo miisaanka cuslayd ee ay isku diiwaangaliyeen taas oo aan odhan karo bulshada gobolka Saaxil waxay isku diiwaangaliyeen si afar laab ka badan intii laga filaayey waana mid mudan‏