Daawo: Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu ugu baaqay Mareykanka in uu isu diyaariyo in uu sanadka soo socda aqbalo ugu yaraan 10,000 oo qaxooti Suuriyiin ah, sida laga soo xigtay afhayeenka Aqalka Cad.

0
406

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu ugu baaqay Mareykanka in uu isu diyaariyo in uu sanadka soo socda aqbalo ugu yaraan 10,000 oo qaxooti Suuriyiin ah, sida laga soo xigtay afhayeenka Aqalka Cad.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka in uu isu diyaariyo in uu sanadka soo socda aqbalo ugu yaraan 10,000 oo qaxooti Suuriyiin ah, sida laga soo xigtay afhayeenka Aqalka Cad.

Tiradan ayaa aad uga badan 1,500 oo qof oo Suuriyiin ah oo dib u dejin loogu sameeyay Mareykanka tan iyo markii ay bilaabatay colaadda halkaasi ka aloosan.

Tiradan 10,000 ah ayaa waxa ay aad uga yar tahay 340,000 ee magangalya doonka ee gaartay qaaradda Yurub sanadkan.

Tan iyo markii ay colaadda ka bilaabatay Suuriya ayaa dowladda Mareykanka waxa ay gargaar ahaan u bixisay 4 bilyan oo doolar (oo u dhiganta £2.6 bilyan oo doolar).

Sare u qaadidda qaxootiga la aqbalay ayaa waxa ay soo badhigaysaa “muhiimadda ay arrintu leedahay iyo sida ay kaga go’antahay Mareykanka in uu aqbalo dad ku nool goobaha colaadda si loo siiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin” sidaasi waxaa sheegay Xoghyaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Josh Earnest.

Isagoo intaasi sii raaciyay in Congress-ka Mareykanka ay tahay in uu sameeyo “ballan qaad dhaqaale oo wax ku ool ah” si loogu ogolaado 10 kun oo kale oo qaxooti dheeraad ah in la geeyo Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here