Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ku soo laabtay Dalka ka dib safar uu ugu baxay 18-kii February dalka Uk, halkaas oo uu madaxweynuhu ku joogay fasaxisii sanadlaha ahaa.
Hargeysa(WSN)Madaxweynuhu markii uu dalka ku soo laabtay waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey madaarka hargeysa, isagoo uga soo kicitimay dhinaca magaalada, waxa wadada hareero tubnaa dadweyne ka mida shacbiga caasimada Hargeysa, isagoo madaxweynuhu u degay qaar ka mida dadkaasi lana hadlay.