Daawo Munaasibad Balaadhan Ururka Khayre 21 U Sameeyey Dayactirka Iyo Dib U Furka Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School Intii JSL Jirtay Xidhnaa+Ka Bogo Qaadhaankii Iyo Qudbadihii Madasha laga Soo Jeediyey

0
701

Daawo Munaasibad Balaadhan Ururka Khayre 21 U Sameeyey Dayactirka Iyo Dib U Furka Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School Intii JSL Jirtay Xidhnaa+Ka Bogo Qaadhaankii Iyo Qudbadihii Madasha laga Soo Jeediyey

Cadaadley(Warsugannews)-Xaflad balaadhan oo ahayd mid lagu bilaabayey dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley Boarding School ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Degmada Cadaadley.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ay soo qabanqaabiyeeen ururka horumarinta Deegaanka Cadaadlay iyo Sabawanaag ee Khayre 21 ayaa waxa kasoo qeyb galay Wasiiradda Daakhiliga, Madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka, Cadaaladda, Duulista Hawada, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka, Agaasimeyaal Guud, Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Madaxda Ciidanka Qaranka, Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, Maamulka iyo hal-doorka Degmada Cadaadley, Salaadiin, Madax-dhaqameed, Aqoonyahanno iyo Marti Sharaf tiro badan.

Guddoomiyaha Degmada Cadaadlay Md. Cumar Nuur Xuseen oo ugu horeyn Munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay guud ahaan Xaalada Dhaqan-dhaqaale ee Deegaanka, Horumarka iyo Caqabadaha ku gedaaman Degmada, waxana uu si qoto-dheer uga hadlay Sooyaalka Dugsiga Cadaadley Boarding School iyo muhiimada uu dib-u-dhiskiisu u leeyahay guud ahaan Qaranka Somaliland. Guddoomiye Cumar Nuur waxa uu ku baaqay Xukuumad iyo Shacab-ba si wadajir ah la iskaga kaashado dhamaystirka Dugsiga Sare ee Magaalada Cadaadley.

Suldaan Maxamuud X.Cabdillaahi oo ku hadlayey magaca Deegaanka ayaa soo dhawayn ka dib waxa uu sheegay in Dugsiga Cadaadlay uu yahay mid fac-weyn oo ay kasoo aflaxeen Madaxda iyo Aqoonyahanka dalka qaarkood, sidaa darted-na loo baahan yahay in Xukuumadda iyo Dadweynuhu si wadajir ah uga wada qayb qaataan dhaqaalaha dib-u-dhiskiisa. Suldaan Maxamuud waxa uu sheegay in bulshada Deegaanku diyaar u yihiin inay qaybtooda ka bixiyaan kharashka dib loogu dhisayo Iskuulka, isagoo Xukuumaddana ugu baaqay ugu inay si masuuliyadi ku jirto u fuliyaan balan-qaadkooda ku aadan Dugsiga Cadaadlay.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isaguna Munaasibadaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Madaxweynaha Somaliland oo uu xusay inuu lahaa amarka Wasiiraddu ku tageen Magaalada Cadaadley, si ay uga qayb qaataan munaasibada qaadhaan-ururinta dib-u-dhiska Iskuulka Sare.

Saxafiga Ruug-cadaaga ah ee Yoonis Cali Nuur oo isna ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay Dugsiga Cadaadley Boarding School oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay taariikhdii dugsigan isagoo isla markaasina madasha kaga dhawaaqay 1000$ oo uu ugu deeqay Dugsiga Cadaadley Boarding School

Waxa isna madasha ka hadalo kooban kazoo jeediyey Gudoomiye Kuxigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cumar Yuusuf Buux oo isagu ahaa ardaygii ugu horeeyey ee la qoro Dugsiga Cadaadley Boarding School isagoo isla markaasina ka hadlay taariikhdii dugsigan iyo waayihii ay kazoo mareen waqtigii ay ardayda ahaayeen isagoo isla markaasina madasha kaga dhawaaqay inuu dib u dhiska Dugsiga Cadaadley Boarding School uu ku darsanaayo 300 oo kiish oo sibidh ah

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo kamid ahaa ardaydii lagu bilaabay Dugsiga Cadaadley Boarding School oo madasha hadalo qiiro leh kasoo jeediyey ayaa waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu ka taliye ahaan balanqaaday oo uu damaanad qaatay Dayrka Dugsiga oo ku baxaaya kharash dhan 50,000$ konton kun oo dolar iyo sidoo kale 200 kiish oo sibidh ah oo uu ugu deeqay dib u dhiska kale ee Dugsigan oo uu sheegay inuu baal dahaba kaga jiro taariikhdiisa iyo dhismihii hoose ee noloshiisha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade oo isaguna Munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay Waxbarashadu u leedahay horumarka Qaranka iyo sida loogu baahan yahay in mudnaanta koowaad la siiyo qabyo-tirka adeegyada Waxbarashada ee bulshada, waxana uu madasha ka dhiibay labaatan kun $20,000 oo uu kaga qayb-qaadanayo dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Degmada Cadaadley.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi oo isaguna Madashaa ka hadlay ayaa sheegay in Dugsiga Cadaadley ka mid yahay goobaha Waxbarasho ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo go’aansatay kobcintooda, waxana uu u mahadnaqay dadweynaha deegaankan iyo ururka qurbajooga deegaankan ee Khayre 21 oo isagu lahaa abaabulka munaasibadan qaadhaanka loogu uruurinaayey Dugsiga Cadaadley Boarding School oo uu sheeegay inay yihiin cadceed nuur ifaaya oo deegaankan diiray ay yihiin isagoo isla markaasina ku hambalyeeyey halka qayrkood lacag uruuriyaan sidii ay deegaanadooda uga samayn lahaayeen qas iyo nabadgalyo daro in ay iyagu u midoobeen sidii ay deegaankooda u horumarin lahaayeen

Gabagabadiina Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu madasha kaga dhawaaqay in ka xukuumad ahaan bixinayaan kala badh lacagta lagu qiimeeyey dib u dhiska Dugsiga Cadaadley Boarding School oo dhan 125,000$ boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dolar inay xukuumadu bixinayso badhka kalena ay ku deeqeen dadweynaha deegaanku oo boqolkiiba sagaashan hada gacanta lagu hayo