DAAWO MUUQAALKA: Dagaalkii xiddigaha Man City iyo kuwa Chelsea dhexmaray kulankii maanta ee ay kaararka cas ku muteysteen Aguero iyo Fernandinho

0
458

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah garoonka Etihad oo ay booqatay kaga soo gaartay Manchester City, waxaana ay hoggaanka u dheereysatay horyaalka Premier League, iyadoo labo kaas oo casaas ah loo taagay Man City dhammaadkii kulankan.

Chelsea ayaa goolka iska dhalisay qeybtii hore, laakiin qeybtii labaad saddex gool oo ay kala dhaliyeen Diego Costa, Willian iyo Hazard ayey Blues garoonka Etihad guul kaga soo gaartay Man City.

Daqiiqadihii lagu daray ciyaarta oo ahaa 6’daqiiqo intii lagu guda jiray Sergio Aguero ayaa qalad xun ku galay David Luiz, sidaasna ku muteystay kaarka cas, laakiin qalalaaso ayaa halkaas ka bilowday iyadoo Fernandinho uu dagaal gacan ka hadal ah siiyey Cesc Fabregas, sidaasna garoonkoonka looga saaray labada xiddig.

Haddaba halkaan hoose ka daawo dagaalkii dhexmaray xiddigaha Man City iyo kuwa Chelsea dhammaadkii ciyaarta:-

https://youtu.be/7OteEKagUeg?t=2