Daawo Sawirada: Hubkii loo waday Soomaaliya ee la qabtay

0
349
Weapons seized by HMAS Darwin from a small-arms smuggler boarded approximately 170 nautical miles off the coast of Oman.

Daawo Sawirada: Hubkii loo waday Soomaaliya ee la qabtay

 

Dowladda Australia, ayaa baahisay Sawiro laga soo qaaday doon la sheegay inay u socotay Somaliya oo lagu qabtay hub fara badan, kadib markii ciidamada Badda ee Dowladda Australia ay doontaan ku qabteen Xeebaha Bariga Dhexe.

 

Doontan hubka siday ayaa lagu qabtay meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cuman, waxaana saarnaa doonta hub fara badan oo ay ka mid yihiin 1989 qoriga AK-47 ah, qoryaha fud fudud, ku dhawaad 100 gantaalada garbaha laga rido ah, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Taliyaha Ciidanka howlgalka Australia Admiral David Johnston ayaa sheegay in guutada loo yaqaan HMAS Darwin ay heegan adag ku jireen marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo ku soo wajahnaa xeebaha Somaliya.

 

“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga.” Sidaa waxaa yidhi Admiral Johnston.

 

“Howlgalka guuleystay iyo qabashada xigtay ee hubka ee lagu qarinayay shabaagta kaluumeysiga waxay muujineysaa feejignaanta amaanka gobolka.”Ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

Ilaa hada Dowladda Somaliya kamay hadal Hubkaa la sheegay in loo soo waday gudaha Somaliya.