DAAWO SAWIRO: Dowlada Masar oo Taageero usoo dirtay Farmaajo

0
498

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wefdi ka socda dowladda Maser oo soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay uga sideen dhiggiisa dalkaasi.

Wefdiga uu qaabilay madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hoggaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha dalka Maser Cabdul-fataax Al-Siisii, madaxweyne Farmaajo, ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Maser, isla markaana uga mahadceliyey.

Dhambaalka ayaa ahaa hambalyo ku aaddan xilka madaxweynenimo ee loo doortay siddeeddii bishaan, waxa uu sidoo kale ku sheegay in uu ku faraxsanahay iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maser ayaa kulanka ku wehliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi-salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa si kooban u sheegay in kulanka sidoo kale inta uu socdey la isla gartay in la sii wado iskaashiga labada dal, lana kordhiyo wax wada-qabsiga dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo midka Diblomaasiyaddeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha J.F. S ayaa qaabilay wefdi kale oo ka socdey dalka Jermalka oo iyaguna siday dhambaal hambalyo ku socoto madaxweynaha iyo shacabkiisa, madaxweyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaana uga mahadceliyey taageerada ay dowladda Jermalka u heyso Soomaaliya.