DAAWO SAWIRRADA: Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow

0
507

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro muujinaya weerarkii Abaabulnaa ee 27-kii Bishan Maalin Jimco ah ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose.

Weerarka oo dhacay xilli aroor ah ayeey sheegeen Shabaab inay ku dileen 67 Askari, sida ay ku sheegteen Shabaab war qoraal ah oo ay soo saareen.

Weerarkii Kulbiyow ayeey sheegeen Shabaab inay ugu aargudayeen Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Jubbada hoose.

“Maalintii Jimcaha oo taariikhdu ku beegneyd 29-ka Rabiicu-thani 1438 hijriyada oo waafaqsaneyd 27-ka bisha January, 2017-ka, waxay mujaahidiinta guutada Ashahiid Saalix Nabhaan Allaah fadligii iqtixaameen saldhigga ciidamada Kenya ee magaalada Kulbiyow, ee wilaayada Jubooyinka, kaas oo lagu dilay in ka badan 67 askari, laguna soo ganiimeystay hub iyo gaadiid military” Sidaas ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in weerarkan uu yimid sanad kadib weerarkii Ceel-cadde oo xasuuqay Askar badan oo Kenyan ah.

“Weerarkii ugu dambeeyey ee Kulbiyow wuxuu yimid sanad kadib weerarkii Ceel-cadde, kaas oo lagu xasuuqay in ka badan 180 askari oo soo duuleyaasha Kenyaatiga ka mid ah, laguna qabtay maxaabiis dagaal. Allaah ayaa mahadleh oo dhabeeyay balanqaadkii mujaahidiinta ee ahaa in ay sii wadi doonaan weerarada cul culus ee ka dhan ah saldhigyada waa weyn ee Afrikaanta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sawirada Shabaab ay soo bandhigaan ayaa waxaa ka muuqanaya ciidamada Shabaab oo gudaha u galay Xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, sidoo kalena dul saaran ciidamada Shabaab gaadiidka dagaalka ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay weerarkaasi in looga dilay Askar gaaraysa 9 Askari, sida ay shaacisay Wasaarada Difaaca dalkaasi.