Daawo Shirkii Amniga Gobolka Hawd Oo laga Soo Saarey Go”aamo

0
373

Bali-gubadle(WSN)Waxaa maanta magaalada Bali-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd lagu qabtey shir ay iskugu yimaadeen Maayorada Degmooyinka Gobolka Hawd waxaana shirkan u jeedadiisu la xidhiidhay Xoojinta Nabadgalyada Gobolka Hawd iyo sidii Go”aan looga qaadan lahaa Baabiinta Guud ahaanba Seerayaasha Shircidarada ah . Shirkan ayaa waxaa shir Gudoominayey Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahin Xasan Cali kulankana waxaa ka soo baxay Go”aamo dhawra.