Daawo waayo dhaqanka iyo dabeecada sunaha nolosha aadamaha ayey ka mid tahay in lays dilo iyo in lays dhaco

0
360

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saaka wuxuu halkan hortiina uu ku gudoonsiiyey labadan sarkaal markii hore sarkaal iyo sarkaal ku xigeen bay ahaayeene maanta waa laba sarkaal Maxamed Wacays Alaale Maxamed Cali Barre oo goobtan ku sugan falkii geesinimada lahaa ee ay ka geysteen samata bixintii gurmadkii Daadkii kusoo jabay Degmada Dila taasoo ahayd masuuliyad iyo isxilqaan gaara iyadoo aanu jirin amar lagu siiyey inay daadkaa galaan iyo inay dadkaa samata bixiyaan waa go’aan geesinimo leh oo iyagu ay dadkoodii iyo bulshadii ay amnigooda ka shaqaynayeen ay garashadoodu keentay, arrintaa darteed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu go’aansaday inuu siiyo abaal gud iyo derejo labadaaba inuu isugu daro taasoo lagu niyad gelinayo iyagana loogu abaal gudayo ciidamada kalena lagu guubaabinayo, sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland arintan Taliyuhu xusay waxaanu u hambalyeynaynaa labadan sarkaal marlabaadka waxaanu u hambalyeynaynaa dhamaan ciidamada boliiska hawl galada nabad gelyada iyo amaanka ku adkaynayaan habeen iyo maalinta u dibjirayaan u faydanyihiin sidii amniga wadankooda iyo dalkooda hooyo uga shaqayn lahaayeen, waxay runtii ciidamada qaaranku iyo ciidamada amnigu mudan yihiin amaan iyo niyad dhis”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “ Dunida laguma qiimeeyo dhacdooyinka hadba dhaca fara badnidooda dunida dawladaha ugu waa weyn ugu amaanka adagle ayaa habeen walba intaasoo goobood dil ka dhacaa waayo dhaqanka iyo dabeecada sunaha nolosha aadamaha ayey ka mid tahay in lays dilo iyo in lays dhaco, dawladda laguma qiimeeyo falalkaa dhacaaya laakiin se falalka siday wax uga qabtaan baa lagu qiimeeyaa dawladaha , guushooda iyo guuldaradooda waxaa lagu qiimeeyaa falalkaa siday uga jawaabaan maaha oo keliya labadan dhacdo ee taliyuhu xusay kuwaynu ku guulaysanay labadii bilood dee ugu danbeeyey marka dilka taliyaha laga tago waxaa ka dhacay dalka Lix dill baa ka dhacay lixdaa dil afar kamidi hal wiig bay dhaceen oo ah weegii ugu danbeeyey lixdaa dil shan kamida ayey gacanta ku dhigeen ciidamada amnigu, sunaha noloshay ku jirtaa in lays dilo shaydaan baa ka shaqeeya labadii Nabi Aadam dhalay ee ugu horeeyey Haabiil iyo Qaabiil baa is dilay shaydaan baa walalkii u qurxiyey inuu dilo kii kale markaasuu arkay inuu dilaayoo yidhi anigu kula dagaalami mayo wuu qoomameeyey aakhirkii , afartaa dil ee u danbeeyey afartaba gacantaa lagu dhigay labadii horena mid baa baxsaday waxaanu ku hambalyeynaynaa taliyaha iyo ciidamada amniga ee gobolada kala duwan jooga dhamaan sida geesinimada leh arimahaa uga qeyb qaateen siday amniga u sugayaan dadkaana waxaa la horkeeni doonaa gacan ku dhiiglayaasha ah cadaaladda iyo garsoor madax banana ciidamada geesiyaasha ah ee hawlahaa ee hawlahaa fuliyey ee taliyuhu ka waramayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyagana wuxuu gudoomiyey inuu abaal gud siiyo ciidamadii hawlahaa fuliyey dhamaantoodba si niyadooda loo dhiso ciidamada guud ahaana niyadooda loo dhiso aad baad u mahadsan tihiin”.