Daawo:Khubada Qiiro Badan Ku Reebtay Qulubta Bulshada Oo U Jeediyey Gudoomiyaha Cusub Ee Naadiga Halkaraan

0
435

Waxaa Halkan Hoos Kaga Bogata khubadii Gudoomiayaha Cusub Ee Naadiag Halkaraan Oo Qoraal AH

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Asalaamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatuh

Mudanayaal iyo Marwooyin

Sharaf Weyn bay ii tahay inaan manta hortiina imaado oo an ku imaado jawi kale, maamuus kale iyo Marxalad kale, ugu horeyn aan xubnaha naadiga uga mahadceliyey masuliyadda ay ila jeclaadeen ii garteen iguna sharfeen, hadaan muddooyin hore ka cudur daartay oo ay manta cod midaysan ku diideen cudur daarkaygi hogaamineed ee hore kama xumi ee wan so dhowaynayaa sharaf iyo wanaag baanan ugu hayaa.

Ma noqon doono qof masuliyadda aad saarteen ku hafta ama garan waaya, mana noqon doona qof aad ka qoomamaysaan masuliyadda ad u dhiibteen, 10 sano ku dhowaad ayaan arrimaha dhalinyarada iyo warbaahinta ba ku dhex jiray waxanaan noqday qof bislaaday oo dad yaqaan ah, aqoon ahaan baan u bartay maamulka illa heer jaamacadeed, wan hubaa inaad mar walba ila jeclaydeen maalintano kale lakin manta ayuu ilaahay qaddaray sidaad jeclaydeen inay rumowdo.

Dhalinyarada gobolka Togdheer abaal badan ban ugu hayaa ixtiraamka ay ii hayaan wanaagooda iyo horumarka ay jecel yihiin, Gobolka Togdheer oo intii ugu badnayd aan joogay oo dhowr iyo toban sanno ah isagaan wax ku bartay oo ku barbaaray oo wax kasto noloshayda ah an ku gaadhay inta qof anu sxb nahay ee hargeysa u wareegtay ma tiring karo caasimadduna haldoorkeena ayay miidhataa oo u gacan haadisa, go’aanada ugu adage e an qaatay ayay ka mid yihiin inaanan hargeysa ka shaqayn marnaba oo an shaqooyin badan oo iiga dhaqaale iyo fursad ba roon shaqoyinka buco an ka helay, waxayna dhalinyaro badan I waydiisaa waxa burco igu dhejiyey lkin waxan hubaa in gobolkayga rasmiga ahi uu kan yahay dedaal badan uu iga rabo aniga iyo inta ila mid ka ah, Dad badan Burco waxa ka niyad jebiyey madaxdooda oo aanay ku xidhnayn ilaahay mahaddiise manta wakhtigu wa ku duwan yahay sidi hore oo madaxdeenu meel kasta iyo madal kasta way inala joogaan oo waxan is leyahay madaxdi ugu qiimaha badnayd ba doorateen oo la idiin dooray. Waxan so jeedin lahaa in Burco aan laga guurine lo soo guuro, magaalo ka taarikh iyo maamuus badan oo Somaliland ku taal garan mayo.

DHirigelinta akhriska iyo qoraalku waxay ahaayeen ujeedooyin iyo himilooyin aanu lahayn mudo ku dhow 10 sanno ilaahay mahaddii bilow wanaagsan ba bilowday oo 8di sanno ee naadiga halkaraan jiray si fiican bay dhalinyaradu ugu dhiiratay Qoraalki Qof kasta oo wax bulshada faaido ugu jirto qorayna waa ajar u soconaya inta la manafacaadsanayo qoraalkiisa iyo buugiisa,Naadiga Halkaraan wuxu so saaray dhalinyaro hibooyin leh waxanu badka so dhigay hibada ku jirta bulshadeena aan shaashadaha ka muuqan ee ku qarsoon guryahena dhexdooda.

Waxan u mahadcelinaya Dawladda Hoose Burco iyo Dawladda Dhexe ee Somaliland, Waxay na tuseen inaan rumayn karno himilooyin iyo riyooyin badan oo naga guuxaya waxay na tuseen rajo wanaagsan oo aanu kusii shaqayn karno, Dawladda hose oo uu hogaaminayo maayarku 6 sanno oo anu ku jirnay kaambaynki ahaa in burco hesho maktabad wax lagu akhristo oo bulshadu wada ledahay ayay ku guuleysteen inay no sameeyaan xaruntan aynu manta joogno wa bilow wanaagsan waxanu ku faraxsanahay inaanu maantaba haysano goob anu leenahay oo anay kiro nagaga socon, ballanqaad baanu ka haysana dawlada hose inay baahiyaadka xaruntan dhammaystirayso sida shaqaalaha ka shaqayn doona iyo adeegyada kale ay u baahantahay inkasto aanay weli fulin ballanqaadkaasi waxanu codsanayna in sidii qiimaha iyo karaamada lahayd ee naloogu ballanqaado naloogu dhammaystiro maadaama ay u furmi wayday xaruntu mudo sannad iyo badh ah oo ay dhisnayd dhaqaale la’aan oo contributionkayagiina wuu dhaafi wayey laydhka iyo internetka iyo nadaafada, waxanu jecelnahay inay masuliyintayadu naga daboolaan baahidaas ay la furmi ladahay weli maktabadu oo qorshaha sannadkan ee ah inay maktabadu 8 saacdood furnaato ay nala hirgeliyaan.

Waxan kalo u mahadnaqayna xubno badan oo ka tirsanaa xukumadda iyo qaar iminkaba ka tirsan oo u ka mid yahay wasirka hawlaha guud oo shelfska maktabada lagu xidhay dhaqaalihiisa ku deeqay oo an hubo inu gartay qiimaha gobolkiisa iyo dedaalka ay sameeyeen dhalinyarada gobolku oo isaguba ka tirsanyahay, wuxu ka mid yahay masuliyinta ay Reer Burco sida gaarka ah u tirsadaan ee horumarka jecel, masuliyinti hore uu ka mid yahay Cabdicasiis samale, wasirki hore maliyada, Xirsi cali xaji xasan wasirki hore madaxtoyada iyagana abaal badan ban u haynaa dhirigelinti garab istaagi iyo taakuladi ay ka geysteen hayaanki iyo horusocodkii maktabada akhriska Burco ee Halkaran.

Xubno badan oo halkaraan Bugaag ugu Deeqay oo isugu jira Xildhibaano, aqonyahano , Qoraayo iyo Qurbajoog ba iyagana si gaar ah ban ugu mahadcelinaya ugu horeyo xildhiban Bidhi iyo Xildhiban abdirisaq aar iyo weliba qoraa cisman saalax ilahay ha ka abaal mariyo buugaagta ay maktabada keeneen ee bulshadu ka faidaysanayso,

Waxan Ballanqaadayaa inaan dedaalki hore si laban laabo fikirkiina taladiina, go’aankiina iyo dhaliishiina wan so dhoweynaya oo waxan u samaystayba sanduuqa halkaas yaalla inaad ku gurtaan bishiiba mar ban eegi doona si an shidaal uga dhigto, waxan idinka codsanaya inaad Naadiga halkaraan Taageero buuxda isla garab taagtaan oo waxa la inaga filayo ee wanagsan aynu toos u muujino, dhalinyaro ahan sharaf bay ino tahay inaynu sumcad ka weyn sumcadda dhalinyarada kale ee dalka ku dhex yeelano oo tartanada hormuud ugu noqono Somaliland oo dhan inaynu xoojino oo xamaasada si kordhino aya ino ballan ah Halkaraan waynu wada leenahay ee xubnaha ku jira iyo kuwa maamulka u ahi ma laha waxana caddayn u ah xubnihii aasaasay cidi kama joogta iminka kuwi ka danbeeyey iyo kuwi ka sii danbeeyey na faro ku tiris ba ka jooga, inta madaxdeenu ino heelantahay ino soo jeedo ee la ina garab joogona aynu ka faaidaysano fikrad kasta oo ad keento ku dedaal ka midho dhalinteeda wxn hubaa hadi aanay cunfi kale iyo xuman so kordhinayn in lagula qaadan dono lagugu dhiri gelino laguguna garab istaagi doono mar walba.