DAB LA QABADSIIYAY QABRIGA NABI YUUSUF OO KU YAALA MAGAALADA NABLUS (DAAWO SAWIRADA)

0
929

DAB LA QABADSIIYAY QABRIGA NABI YUUSUF OO KU YAALA MAGAALADA NABLUS (DAAWO SAWIRADA)

Aroornimadii hore ee saaka, ayaa waxaa dab la qabadsiiyay qabriga Nabi Yuusuf (CS), iyadoo dabkaasi uu waxyeelo xoogan gaarsiiyay dhismaha qabriga.

Dhalinyaro lala xidhiidhinayo inay ka tirsan yihiin Falastiiniyiinta, ayaa dab qabadsiiyay qabrigaasi, xilli la tilmaamay inay ka cadheysan yihiin xadgudubyada ay Ciidanka Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ka hadlay dhacdadaasi, ayaa si kulul u cambaareeyay, isagoona ku goodiyay in gacan bir leh ku maquunin doonaan waxa uu ugu yeedhay argagaxisada.

Mahmoud Abbas, Madaxweynaha Falastiin oo cambaareeyay falkaasi, ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray bulshada reer Falastiin, oo uu kula dardaarmay inay is xakameeyan, sharcigana dhawraan.

Muslimiinta iyo Yahuudda, ayaa aaminsan dhismaha dabka la qabadsiiyay in uu ku aasan yahay Nabi Yuusuf, waxaana soo badanaya dhinacyada cambaareynaya falkaasi.

Qalalaasaha u dhaxeeya Falastiin iyo Israel, ayaa yimid markii Maamulka Israel uu dadka reer Falastiin u diiday inay ku cibaadeystan Masaajidka Al Aqsa.

1bb89657

572b47e7

b5e3ddab

b982d4a7

c47dc7f7

c248f565

d832d31f

dc118aa0

fcad8921

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here