Dad caddaalad waayey sidii Cawsha kala yaacye. EX: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

0
399

Dad caddaalad waayey sidii Cawsha kala yaacye. EX: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

Musuqmaasuqa iyo waxyeeladiisa. Waxa lama huraan ah in lays waydiiyo kalmada musuqmaasuq waxay tahay , marka hore waynu fahmaynaa baan filayaa ula jeedada in ay tahay wax is daba marin iyo leexsasho xoolo ummaddeed ama ku tagrifal xil ummadeed oo lagugu aaminay. Inkasta oon anigu ku sifeeyey in ay tahay Tuuganimo iyo xatooyo wax lagugu aaminay ama laguu dhiibtay. Hadaad eegto wadamad horumaray waxa layidhaahdaa qofka wax musuqmaasuqa(Wax isdaba marin iyo xatooyo ummadeed ku kaca)wuxuu ka xunyahay qofka waxdilay ee nafta gooyey.Kaasi wuxuu dilay hal qof laakin kani wuxuu baabiinkaraa ummad dhan oo uu ka hor istaagay dhamaan wixii horumar ahaa ee ay ahayd inay ka maqnaato musuqmaasuq iyo ragaadin-horumarineed.Tusaale wadamadan ku horumaray maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa qofka caadiga ah ee ku kaca arimaha musuqa lama shaaciyo laakin qofka masuulka ama caanka ah ee lagu helo inuu ku kacay hawlo ku lugleh musuqmaasuq iyo wax isdabamarin waa la shaaciyaa oo warkiisa waa la baahiyaa si ummada loo tuso foolxumada uu ku kacay si,aan qofkaa mardanbe cidi wax ugu dirsan oo looga aaminka baxo cidkasta oo madax ama qof caan ah oo isyidhaah arinkaa ku kacna ay ugu noqoto cashar oo uu uga baqo ama dib uga joogo talaabadaas khaldan.Taasi waxay gayeysiisaa qofka lagu helo musuqmaasuqu in uu iscasilo islamarka fadeexadaas lagu soo oogo ka hor intaan laba casilin.Tusaalewaxaan usoo qaadankaraa waddankan(Sweden) haweenayda lagu magacaabo Mona Sahlin oo xilal badan kasoo qabatay wadankan aan ku noolahay ee Sweden oo heerar kala duwan ahaa illaa heer wasiiro ah,sidoo kale noqotay hogaamiyaha Xisbiga-Shaqaalaha ee wadankan,iyadoo ahayd qofkii dumar ahayd ee ugu horaysay ee noqota Hogaamiyaha Xisbiga-Shaqaalaha ee Sweden iyo xilal badan oo aan lasoo koobi karin.Hadaba Mona Sahlin oo ahayd qof kuleh wadankan miisaan culus mustaqbalkeeda siyaasadeedna aha amid widh widhaya oo aad loogu hanwaynyahay inay hanan karaysay ilaa heer Raysal-wasaare ayaa waxay si khaldan u isticmaashay xisaabtii dawlada(minister-Eurocard) iyadoo ku isticmaashay arimo shaqsi ah oo aan ahayn shaqadii ay ummada iyo wadankaba u haysay ee lagu aaminay.Fadeexadaasi waxay gayeysiisay inay dhamaanba ka huleesho siyaasada,dawladii ayka midka ahayd iyo waliba Hogaamintii aya ahayd hogaamiyaha Xisbiga-Shaqaalaha(Socialdemokraterne).Waxa warkeedu ka dhacay meel walba.Ulla jeedada laga leeyahay in ummada la tuso qofka ku tagrifala xoolaha ummada ee ka dhigta maal uu isagu leeyahay waa iyadoo dadka looga digo foolxumada iyo cawaaqibxumada uu leeyahay Musuqmaasaqu. Ereyga markaynu maqallo sidaa ayaynu u fahmaynaa, waxa se adag oo wax laga xumaado ah marka uu dhaqanka xun ee caynkaa ahi nolol maalmeedka umadaada ku dhex milmo uu dhaqankaaga ka dhex noqdo wax caadi ah, hadda musuqmaasuq macnihiisu waa qof tuug ah oo xoolo ummadda ka dhexeeya taabka ku qaadanaya ,waa tuug, waliba waa tuuga ka ugu xun, sababta oo ah qofkan wax is daba marinayaa wuxu xadayaa amaano lagu aaminay oo la yidhi ilaali Ayaan darro inaga qofku kii oo dambigaa khatarta ah faraha kula jira ayaa laga yaabaa in loo arko wax iska caadi ah,” inanka shaqo ii qor oo shaqo dhacdhac le ii qor”,waa sheeko caadi noqotay dhaqankeena, macnuhu waa inanku meel uu wax ka soo xado iigu shaqo gee, halka dalalka an sheegayo qofka caanka ahi haddii uu wax musuqo ceebtiisaa meel walba ka dhacda, ilaa uu is cassilo oo mustaqbalkiisa siyaasaded halkaa ku dhamaado. Hilwaayee horumarki meeye!

EX: Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here