Dadkeygoow, Xumaanta Ma Iska Waaninaa ?

0
502

Dadkeygoow, Xumaanta Ma Iska Waaninaa ?

Beryahan danbe waxa soo ifbaxaayay oo dalka ku soo badannaayay fusuq iyo xumaan aannay bulshadu ka digtoonayn amaba aanay dhaaddanayn fusuqaas, sidaa daraadeed Maaddaama Islaamnimadeenu Dhamaystiran tahay, Bulshadeennuna Boqolkiiba boqol tahay Muslim, markaa waxa habboon in sida Diintu innoo fareyso in wixii Wanaagsan aynu isku waanino in wixii xun meel uga soo wada jeesanno oo aynu isku sheegno cawaaqib-xumada ka iman karta xumaanta innagu dhex faaftaa.

Bulshadda waxaan leeyahay si aynnu uga badbaadno cadhada Eebbe waa in aynu had iyo gooraale wax wanaagsan isu waaninaa oo jeclannaa, isla-markaanna dhaqannada xun xun ee sida sahlan la innoogu soo waariddaayo ka digtoonaannaa oo bulshaddeenna u sheegnaa oo ka horjoogsannaa.

Waa in aynnu IIIaahay ugu mahad-naqnaa Nimcooyinka uu inna siiyay ee Islaamnimada, Iimaanka iyo Amnigu ka mid yihiin. Waxaad mar kasta Maanka ku haysaa inaad Dunnidan laga soconnayo oo qofkasta camal iyo cibaado suuban uu sahay ka sii dhigto oo ku deddaalo qaabkii uu IIIaahay u raali-gelin lahaa, haddii aad Rabbigii inna uumay raali-gelisana sahay kaa maqani ma jirto.

Amniga iyo Xasiloonida aynnu dalkeenna ku haysanno, quwad, Maskax iyo Muruq kumaynaan helin, waxaad la socotaa in Adduunka ay jiraan dalal waa wayn oo aan Maanta Nabad-gelyo haysan, balse Amniga aynnu Maanta haysannaa waa mid uu Ilaahay innagu galadday, waxaannu Amnigu fure u yahay Horumarka Dadka iyo Dalkeenna Somaliland.

Wa Billaahi Tawfiif
W/Q: Aqoon-yahan Jaamac Cilmi Jiir
Hargaysa, Somaliland