”Dagaalkii Golaha Wakiilada Ka Dhacay Waxa Uu Ahaa Mu’aamaraad Ujeeddo Gaar Ah Laga Lahaa”

0
378

”Dagaalkii Golaha Wakiilada Ka Dhacay Waxa Uu Ahaa Mu’aamaraad Ujeeddo Gaar Ah Laga Lahaa”

Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan -Al-Humaami), oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay ujeedadda ka danbaysa dagaalkii gacanka hadalka ahaa ee ka dhacay golaha Wakiilada, shalay ee dhex maray Guddoomiyaha golahaasi iyo ku xigeenkiisa Koowaad. Xildhibaan Mataan oo xalay u warramay qaar kamid ah warbaahinta ayaa yidhi mataan hoori“’Shacabka Somalliland, gude iyo dibadba waxaanu u sheegaynaa wixii foosha xumaa ee maanta ka dhacay fadhigii golaha Wakiiladu in aanu ahayn wax golha dhexdiisa ka dhashay, balse waxa uu ahaa inqilaab dhicisoobay oo si toos ah looga soo maleegay madaxtooyada oo lagu mijo xaabinayay dawladnimadeena, waxaana marag ma doon ah oo si cad loo wada ogyahay in madaxtooyada iyo inta ku xeeraniba, ay muddooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaayeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen laalistii wareejinta Haamaha shidaalka, markii ay waayeen dariiq kale oo u banaan oo ay u maraana waxa uu go’aankoodii noqday in golaha wakiilada dagaal toos laga dhex bilaabo, iyada oo madaxtooyadu adeegsanaysa qaar ka mid ah Xildhibaanadaa Maxaafidka sheeganaya oo lacag laaluush ah oo cid waliba ogtahay oo aan qarsoonayn oo min Seddex kun oo dollar ah loo qeybiyay.” Xildhibaanka oo arrintan sii faahfaahinayaa waxa kale oo yidhi “Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro markii uu dhulka la dhacay ku xigeenkiisii is-xanbaarka ahaa ee isaga loo qeybiyay, ayay Xildhibaanadayadii taabacsanaa laalistu, ay u diyaar garoobeen Xildhibaanadii kale, wayse ku dhici waayeen markii ay fahmeen in aanu diyaar u nahay, arrintaasina waxay ahayd dhagar mid si toos looga soo abaabulay oo looga soo dhaqaajiyay Madaxtooyada oo uu si toos ah u soo diray Madaxweyne Siilaanyo, waxaan shacabi weynaha Somaliland, u sheegayaa in aanu Golaha wakiilada iyo dawladinimadeena midna aanu baab’biin karin Madaxweyne Siilaanyo, ee isaga ayaa ku baaba’aya, waxaanu Baashe fuliyay amaradii uu Madaxweyne Siilaanyo Soo Faray, waxaanu ahaa isku day mu’aamaraad qorshaysan uu Madaxweyne Siilaanyo doonayay in uu ku khaarajiyo Guddoomiyaha golaha wakiilda, waanay ka fashilantay, isaga ayaanay dib ugu noqonaysaa oo ay mijo xaabinaysaa. Baashe, wuxuu ku faannaa soo gelistii golaha wakiilda in ay kaga baxday Boqol dollar, waxaanu ku yimi is-xanbaar, cidii is-xanbaarka ku keentayna waa cidaa illaa maanta sida ay doonto u isticmaalaysa ee ku duminaysa Golihii Wakiilada iyo dawladnimadiiba.”

Ugu danbayntii, Xildhibaan Mataan Al-Humaami, waxa digniin culus u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ku xeeran, waxaanu yidhi, ”Hadii boobkaa iyo budhcadnimadaa qaawan ee ay wadaan Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ku xeerani ay sidaa ku sii socoto, Golaha Wakiilada Ku Ekaanmaysee, Madaxtooyada ayaa La Isugu Soo Dhici, hana ogaadaan isaga iyo inta ku xeeran-ba in aan sinaba looga aqbali doonin in ay sifo budhcadnimo ah u xalaashadaan boobka baaxada leh ee ay ku hayaan iibka iyo wareejinta sharci daradda ah ee ay ku hayaan hantida shacabku wada leeyahay ee qaranka ka dhaxaysa, ee ay cida gaarka ah ee ay danaha gaarka ah ka leeyihiin ay ku naas nuujinayaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan-Al-Humaami).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here