Dalka Canada oo lagu kala baxay Doorashooyinkii iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Libralka, Trudeau Oo Cod Aqlabiyad Ah ku soo baxay

0
311

Dalka Canada oo lagu kala baxay Doorashooyinkii iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Libralka, Trudeau Oo Cod Aqlabiyad Ah ku soo baxay

Canada(Warsugannews)-Xisbiga mucaaradka ee Libralka ee dalka Canada ee uu hogaaminaayo Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashooyiinkii guud ee dalkaasi.

Xisbigan ayaa si weyn oo aqlabiyad ah ugu guuleystay dhanka xeebta badda Atlantic, waxayna u muuqataa in si aqlabiyad ah ay baarlamaanka ugu guuleysanayaan.

Ra’iisul wasaaraha hadda, Stephen Harper, waxa uu aqbalay in doorashada looga guuleystay, si aan shaki iyo cabsi ku jirin ayuuna u qirtay guuldarada.

Mr Trudeau oo hadda 43 sano jir ah, sidoo kalena ah wiilka uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore, Pierre Trudeau, waxa uu xilligii ololaha ballan qaaday inuu isbedel la imaanayo.

Dowladda hadda, ee Mr Harper waxa ay dalkaasi maamuleysay 10 kii sano ee lasoo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here