Dalka Maraykanka Gaar Ahaan Washington Dc Iyo Nawaaxigeeda Waxa Lagu Qabtay Munaasibada Xuska 32 Guurada 18 May.

0
182
Evoto

Dalka Maraykanka Gaar Ahaan Washington Dc Iyo Nawaaxigeeda Waxa Lagu Qabtay Munaasibada Xuska 32 Guurada 18 May.

 

 

Washington DC-(WMG)-Waxa munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey laguna waynnayey sannad guurada 32aad ee Xuska 18 May lagu qabtay dalka Maraykanka gaar ahaan Washington D.C. iyo nawaaxigeeda, Munaasabadaas oo ay ka soo qayb-galeen saaxiibada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socday safaarada Taiwan ee Washington, Ambassador hore uga soo shaqeeyey State Department iyo shaqaale sare oo ka socday aqalka Congress-ka Maraykanka.

 

Waxaanay masuuliyiintaa kala duwani halkaa ka soo jeediyeen hadalo aad u qiimo badan Waxa isaguna Khudbad miisaan leh ka jeediyey Wakiilka Somaliland ee Washington Mudane Bashiir Sheekh Cumar Good, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Axmad.

 

dhammaantoodba waxay ku dheeraadeen qiimaha madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka ay 32Kaa Sanno ku tallaabsatay kuna xusayaan 18 MAY 2023-ga.

 

Waxaana halkaa si ballaadhan ugu dabaal degay, iyagoo muujinaya qadiyadooda madax-bannaanida Somaliland shacbi weynihii ka soo qaybgalay xuska ee isaga yimi magaalooyin kala duwan.

 

Saaxiibada Jamhuuriyadda Somaliland ee habeenkaa halkaa ka hadlay waxay kala ahaayeen:-

 

  1. Amb. Tibor Nagy, Former Assistant Secretary of State for African Affairs of the United States and Professor Emeritus-Texas Tech University,

 

  1. Amb.J.Peter Pham, Distinguished Fellow,Atlantic Council, and former US Special Envoy for the Sahel & Great Lakes Regions of Africa

 

  1. Piero  A.Tozzi, Staff Director of the Congressional Executive Commission on China.

 

Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto
Evoto

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here