DAMASHII IYO DUNTII FANKA AF-SOOMAALIGA Marxuumad AAMINA C/LAAHI XIRSI

0
326

DAMASHII IYO DUNTII FANKA AF-SOOMAALIGA

Marxuumad AAMINA C/LAAHI XIRSI

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

Waa Sabti tirsiga Miilaadigu ku buuxo 18.3.2023, taariikhda islaamkuna waa 26-kii Shabcaan 1444. Hijriyada,   waxaa baraha bulshada ku soo dhacay War Naxdin iyo dhiilo xambaarsan,  waa Geeri ka wada Nixisay, dhamaanba inta Af-soomaaliga ku hadasha markay maqleen waxa keliya niyadoodu kusoo dhacay tiraabta carabkuna  soo tuuray waa  Allaa Yaa Arxama….(Ilaahoow u naxariisto), Waxaa Galbatay Aamina C/laahi Xirsi, oo Magaceedu  si weyn uga baahay. Darafyada iyo dacalada dunida af-soomaaliga.

 

Dhowr kamid ah  bahdii fanka oo  ay hore usoo wada shaqeeyeen  ayaa Saxaafada ka hadlay, oo sharaxay qofkii ay ahayd waxaana laysku raacay inay ahayd shaqsiyad muxtarima, inkastoo akhyaartaas laftooda ay ka muuqatay naxdinta iyo tiiraanyada Geerida Maama Aamina C/laahi.

 

Dhinaca kalena  weriyeyaashii ka hadlaayey taariikhda AHN Aamina C/laahi  ayaa habka ay uga warbixinayeen u eekaa  meeqaam hoose, waa marka la eego Miisaanka ay lahayd, qaabka ay uga warameena waxay ku mergedeen qaybo badan oo kamid ah Riwaayadihii  ay soo meteshay iyo sidoo kale Heesihii Talantaaliga ahaa ee ay soo wada qaadeen fanaaniintii hore oo sida loo dhigay aan aad u saluugay,

Inkastoo aanay eed weyn ku lahayn marka la eego sida u baxeen dadkii ay soo wada shaqeeyeen. Waxayse ka fursan weyday inaan wax ka idhaahdo

AHN Aamina C/laahi waxay kamid ahayd tirada yar ee kasii nool Fankii xariirta ahaa ee murtidiisa iyo xikmada uu xambaarsanaa sida weyn u kasbaday Malaayiinta ruux ee ku dhaqan daafaha iyo dunida Af-soomaaliga,  Nooca Faneed ee Aamina iyo intii lamidka ahayd wuxuu lahaa tusaale iyo tilmaamo uu bulshadiisa ka siiyo wacyiga iyo waayaha Dunida, wax kasta oo ay sheegayaana wuxuu lahaa xiiso weyn oo mujtamaca soo jiita.

Hadaynu soo qaadano Hal-abuurada Fankaasi hore marka cabir dhab ah la saaro habka iyo hannaanka suugaantoodu wuxuu lahaa Sawir cajiib ah oo hordhac u ah  waxa ay dadka u sheegayaana. Muuqaal aanay isha bani aadamku ka jeesan quruxdiisa, ayaanay hordhaca heelooyinkaasi si cilmi dhegood ah u tebin jireen, iyadoo quluubtu dhexmiranayso  bilicda  midhaha heesuhu lagu sharaxayaan ayaana  Hal abuurku u gudbi jiray cida uu la hadlaayo iyo waxa uu ku odhanayo

Waxaana tusaale inoogu filan  heesihii xiliyadaa sida weyn looga daba dhacay ee sifaynaayey quruxda dabiiciga ah, oo ay kamid ahaayeen

1-Dur-dur iyo Xareed, 2-Dayax iyo Cadceed, 3-Qoraxdoo Aroortii, 4-Sida Dhibica Roobka, 5-Ubaxoo Dilaacay, 6-Fat Galbeed, 7- Sidaad tahay Gamaan Faras, 8-Sida Geenyo Ugub, 9-Suniyaal Biciidleey, 10-Indha-deeraleey, 11-Daa’uus la mood, 12-Sida Webi durdurayoo, 13 –Sida Hara gingimanoo, 14-Sidaad tahay Bil dhalatiyo, 15-Dhool Bari ka muuqda.15-Muuq-dheer cadceedoo.

Heesaha  qaabkaas loo falkiyey,  waxay  lahaayeen  Burji  cidkastoo dhegtoodu maqasha qalbigoodu si toos ah u qabsado xikmada   Beydadka  heestu ka koobantahay.

Hal-abuurada waayahaasina waxay la heleen Fanaaniin cod toolmoon oo sida ay ugu luuqaynayaan dhuuxa ilaa lafta gaadho.

Markase la barbar dhigo marxalada haatan  waxaa muuqata in la gaadhay burburkii iyo bakhtigii fanka waa marka si dhab ah loo milicsado tayada Suugaanta xiligan oo aynu kasoo qaadan karo baadi-soocda Heesaha dambe sida

1-Dhegalaay wax maqal, 2-Caashaqu been-been ka weyn, 3-waxaan idhi waaw, 4-Haygu odhanin Laalaa, 5-Aaheeya, 6-Ku hay hay hay, 7-Sidaad doonto ugu galgalo, 8-Naa Soo Bax, 9-Maxaa moobilkaagi xidhay, 10-Yartu dhiiin dhiin, 11-Barbar, 12-Jacaylkii Battery Shutdown.13-Igu waal,

Marka hadaba lays barbar dhigo  fankaas hore iyo waxan dambe ee magacii waxa u eeg sida waad cabiri kartaa farqiga u dhexeeya.

Aan dib ugu noqdo AHN Marxuumad Aamina C/laahi Xirsi oo marka la qiimeeyo kaalinta ay ku  lahayd taabagalka fanka u qalanta in loo sameeyo taariikh iyo taalo lagu maamuuso,  waxa ay saaxada Fanka kusoo biirtay cahdigii dhexe ee uu socod baradka ahaa

Akhyaarta  waayahaasi caynaanka u hayayna waxay ahaayeen dad mowhibat  uleh fanka, waxyaabaha cajiibka ah ee Hoboladaasi hore soo mareena waxaa kamid ahaa iyadoo aanay jirin Luqad qoran oo qofku ka akhrisanayo waxa uu masraxa la tegayo, fanaan walbana cid baa xafidsiin jirtay kaalinta uu ku jiro, waqti badan ayaanay qaadan jirtay hawsha noocaas ahi, marka ay noqoto dhinaca heesahana waxa awood badan la saari jiray qaabka ay isula jaanqaadayaan Heesaaga iyo Qaybaha Muusikada,

Marka  dib loo milicsado waayihii faneed ee AHN Aamina C/laahi waxay ahayd qof si isku  mida ugu wanaagsan Kaalinta Heesaha oo ay lahayd cod toolmoon oo soo jiidasho leh, habka waadax oo erey walba si faahfaahsan loo fahmaayo ayaanay  u tebin jirtay.

Marka la eego kaalinta Jilitaanka in badan oo dadka kamid ahi wax badan kama fahamsana culayska  ay leedahay,  waana  mid kamid ah qaybaha ugu adag.

Axkaamta fankana waxaa kamid ah  hadii  qofka Masraxa taagan ee wax Metelaya,  cida  daawanaysaa  fahamto inuu  waxan jilayo, dhamaanba Sheekadu waxay noqonaysaa bilaa xiiso laga caajiso,

AHN Aamina C/laahi waxay ahayd qof  sheekada ay metelayso si dhab u muuqata  ugu gudbisa  daawadeyaasha,  intay makarafoonka ku hadlaysana waxay toos u qabsan jirtay dareenka dadka.

Inkastoo markii iigu horaysay ee aan Masrax ku arkaa ahayd 1982kii iyo Magaaladii Garoowe xiligaas oo ay wadeen Riwaayadii Gari Makaa Baxdaa.  Hase ahaatee, 18.3.1985.  oo  aan subaxnimadeedii  Idaacadii Radiyow Muqdisho u raacay Nin lagu Magacaabi jiray Cali Axmed Faarax,  Xusuusta ayaantaasi waxay ii lahayd laba dhacdo oo ta hore ahayd   Aragtida Fanaaniin  dhowr  kamid ahna  aanu  is-gacanqaadnay waxaana kamid ahayd AHN Aamina C/laahi. oo aanu ku kulanay Barxadii Radyow Muqdisho.

Dhacdada kale xusuusta lahayd  waa gelinkii dambe ee ayaantaas  oo  aanu   Beerihii Afgooye  u dalxiis tagnayd.  Aniga iyo asxaab kale oo badani,  Sawiradii aanu maalintasi galnay ayaanay Dhabarkooda ku xardhan tahay taariikhdaasi

Aragtidii kale ee ii maalintaas ii xigtay AHN Aamina C/laahi waxay ahayd Hargeysa waa bilowgii 1996kii, waxay ahayd xili gelin hore ah  madashuna waa Makhaayad ku hortaalay xaruntii Sooyaal ee Baar Hargeysa dhinaca koonfurta kaga  soo jeeday,

waxay bar kulan u ahayd Ikhiyaar badan  Fanaaniintii markaa dalka joogtay ayaana si weyn  u camiri jirtay,  maalintaas meel koone ah baanu ku  sheekaysanaynay aniga iyo dhowr dhalinyaro ah oo kale, waxaanuse ku warhelnay dhaqdhaqaaq kusoo kordhay Fadhigii Makhaayadda  Waayeel, dhalinyaro, da, dhexaad looma kala hadhin

waxaa ishaydu qabatay sida  laysu wada taagay iyo  kuyuuga loo galay Salaanteeda, dhacdada cajiibka ahi waxay ahayd iyadoon qof keliyi  fadhiga ku salaamin, waxaase yaab lahayd qaabka  karaamada iyo sharafta u dhantahay  ee ay dadka markay salaanto u lahayd Fadhiiso Eedo, ama Walaal,  iyadoo wejigeeda farxad ka muuqato.

Dhowr qof oo Ikhiyaartii fadhiday ayaana mid waliba goonidiisa uga sheekeeyey  dun wanaaga AHN Aamina C/laahi.  geerideeda ka horna  uun Alle iyo intii aqoonta u lahaydba waxay qireen inay ahayd  qof aad u naxariis badan, wixii ay awoodana  Inta jilicsan aan ka hagran,

Waxaana Marageeda furay Abwaan Axmed Saleebaan-Bide oo Cimri 50 Sano ka badan ay soo wada hawlgaleen. Wuxuu tilmaamay inay ahayd qof gacan furan oo  lagu soo hirto, dadkana u sama fasha, dabeecad iyo dad la dhaqanba qof aad u dun wanaagsan,ayaana Abwaanku ku sifeeyey.

Sidoo kale Abwaan Siciid Maxamed Xarawo oo Muqdisho jooga markii uu Geerida Marxuumada maqlay isagoo  murugo badani ka muuqato indhihiisuna dirqi Ilmada ku ceshanayaan wuxuu qiray   inay ahayd qof Ehlu karam ah,  oo dadka ururisa. Waxaanu ka sheekeeyey markii ugu horeysay ee uu yimi  Magaalada Hargeysa, bilowgii Sanadihii Todobaatanaadkii,   oo laga soo bedelay  dhinaca Muqdisho inay ahayd qofkii koowaad ee gacanta ugu weyn ka geysatay siduu u degi lahaa Hargeysa oo aanu hore u arag cidna aanu ka aqoon.

Dhinaca kalena AHN C/raxmaan Cismaan Maxabe (C/raxmaan-Dheere) oo ay ahayd Xaaskiisa, isaganu kamid ahaa Hoboladii Kooxdii Meleteriga  gaar ahaan Qaybtii 26aad ee Jenaraal Daa’uud. Waxaanu wada fadhiisanay Hoteelka Shide yare ee Magaalada Berbera 20.10.2014kii

Xiligaas oo Baabuur Dekeda uga soo degay uu kala baxaayey, waxaana ila soo xidhiidhay Weriye Abiib Iimaan Xasan, oo I faray inaan ka caawiyo sidii uu gaadhigaasi ula soo bixi lahaa, balse arinta aad iiga yaabisay, waxay ahayd markii talaabadii koowaad ee AHN Marxuum C/raxmaan-Dheere oo xiligaa Lugi go’nayd uu isu sheegay Masuuliyiintii Kastamka Berbera,  waxaa si dhaqso ah loogu  fududeeyay dariiqii dheeraa iyo cashuurtii,

Inkastoo Jiilasha uu markaa la kulmay u badnaayeen Da’dii kacday waayihii dambe waxaase lama ilaawaan ku noqotay, markii goob walba fadhiga looga kacay, iyadoo Ikhiyaar badani soo qaateen Heesihiisii waayo waayo.  Hawshaasi oo si fudud noogu dhamaatayna waxa AHN C/raxmaan igu casuumay inaan ugu imaado Boorama,  inkastoo aanay ii suurtogelin inaan booqdo, marar badan ayaanu telefoonka  igala soo xidhiidhay.

Waxa maalintaas aanu wada fadhiisanay  uu ii sheegay inay Hobolada Waaberi,  lahaayeen dabeecad cajiib, dhamaantoodna  waxay u wada dhaqmi jireen sidii dad Walaalo ah, waxaanay ii  ixtiraami jireen Inaan Seedi u ahay maadaama ay xaaskaygu ka tirsanayd Waaberi, si gooni ah oo cid walba ka saraysa ayaa lay qiimayn jiray ayuu yidhi AHN C/raxmaan Cismaan Maxabe (C/raxmaan-Dheere).

Markaan hadaba dib ugu noqdo meelaha aan u arko in suxufiyiinta tebisay ay weydeeyeen, waxaa kamid ah kaalinta Riwaayadihii ay soo meteshay AHN Aamina C/laahi, kuwoodii ugu caansanaa oo ay kamid ahaayeen 1-Gaal iyo Islaam geeloow yaa kuleh, 2-Dab-Jacayl Kariwa, 3-Galbeed waala xoreeyey, 4-Bidaari sibiq bay kugu gashaa. 5-Masiibadu Aduunyada iyadaa  u macalin ah, 6-Gari Makaa Baxdaa. 7-Aw Bustaale,  8-Beeney Waa Run.9-Ninba Tima Xamar, 10-Isuma Qaddo, 11-Jacayl run ah iyo Rooxaan ka hortimi,  Iyo qaar kaloo badan,

Masrixiyadahaasi oo marka la qiimeeyo u dhigmaayey Filimada bulshooyinka aduunku ka samayso dhacdooyinka Dadkooda ka dhex dhaca. Waxaa xusid mudan in Riwaayadahaasi xambaarsanaayeen Fariimo wacyigelin ah oo abwaanka sameeyay kaga waramayo arin mujtamaca ka dhextaagan.  Sidoo kale heesaha talantaaliga ah ragii  ay soo  wada qaadeen waxaa kamid ahaa

  1. Cabdi Aadan Qays
  2. Maxamed Axmed Kuluc
  3. Axmed Cali Cigaal
  4. C/naasir Macalin Siciid
  5. Xasan Aadan Samatar
  6. Axmed Gacayte Yuusuf
  7. Maxamed Maxamuud Cige (Busi)
  8. C/qaadir Suudaani
  9. Maxamed Axmed Dhabarlaw
  10. Maxamed Xasan Barow
  11. C/qaadir Cumar Jubba
  12. Axmed Mooge Liibaan

Gabagabadiina  geerida AHN Aamina C/laahi waxay fanka Afsoomaaliga ku banaysay kaalin aan cid kale buuxin karin waxaan Allaha raxmaanka ah uga baryayaa Marxuumada inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo . Alaah haw naxariisto oo ha u nuuro xabaasha iilka neecaw udgoon iyo haku siiyo Naruuro.waxaanan mar kale Tacsi aan tiiraanyadeeda la  qaybsanayo u dirayaa Dhamaanba Caruurta Ilma C/raxmaan Cismaan. Geerida ku timi Hooyo Aamina C/laahi Xirsi.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here