Dawlad ahaan Si adag ayaanu u difaacaynaa in aan lacagta Shilinka Somaliland la qiimo tiri karin, Annaga oo arrimahaas ka turjumayna waxa maanta Gollaha Wasiiradu uu soo saaray go’aamo adag oo qadhaadh.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL + sawiro

0
275
????????????????????????????????????

“Dawlad ahaan Si adag ayaanu u difaacaynaa in aan lacagta Shilinka Somaliland la qiimo tiri karin, Annaga oo arrimahaas ka turjumayna waxa maanta Gollaha Wasiiradu uu soo saaray go’aamo adag oo qadhaadh.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Hargeysa (WSN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyey KA bixiyey go’aamo ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen Golaha Xukuumadda Somaliland.

Shirkan oo uu isugu yeedhay xubnaha Golaha Wasiirada Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku saabsanaa qiimo dhaca shilinka Somaliland, iyo sidii wax looga qaban lahaa, kulanka oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa markii uu dhamaaday Saxaafadda la hadlay Wasiirka Madaxtooyadda.

Haladii Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxa ka mid ahaa “ Maanta waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland shir aan caadi ahayn ugu yeedhay xubnaha golaha wasiiradda Somaliland dhamaan, waxana nuxurka iyo ujeedada ugu weyni ay ahayd in gollahu uu falanqayn iyo dood xooga ah ku sameeyo sidii looga hortagi lahaa ama wax looga qaban lahaa dhibaatada qiimo dhaca shilinka Somaliland, lacagteenii oo isticimaalkeedii uu soo ururayo, soo koobmayo, Madaxweynuhu wuxuu guddi u saaray arrintaas kuwaas oo ka kooban masuuliyiinta baanka dhexe iyo madaxda wasaaraddaha ganacsiga iyo maaliyada, guddidaa uu Madaxweynuhu u saaray waxay sameeyeen daraasad ay mudo wadeen, xog ururin iyo talooyin.Waxay guddidaasi gollaha soo hordhigeen maanta aragtiyo xal u noqon kara sidii dalkan looga bad-baadin lahaa sixir barar iyo qiimo dhac ku yimaada cumlada qarankani uu leeyahay, dalkani culumlada uu leeyahay maaha doolar ama bir, waa shilinka Somaliland.”

“ Waxa aynu dhamaanteen markhaati ka wada nahay oo aan cidi dafiri karin in qiimahii lacagteenu uu hoos u dhacay marka qiimaha sarifka doolarka loo eego, waxa is waydiin leh waxyaabaha arrimhaas keenay, waxa laga yaabaa in dad badani ay meelo khaldan farta ku fiiqaan, anaggu waxaanu nahay Xukuumaddii wadankan maamulaysay xaqiiqadana cid walba waanu uga xogogaalsan nahay cumladana waa tii aanu masuulka ka ahayn, haybad in aanu u yeelno iyo in aanu dhawrno waa taanu mushaharooyinka qaranka ku bixino, arrintaa iyada ah waxaanu u aragnaa oo gollohu uu ka midaysan yahay doodii ka soo baxday in ay sababo dhawr ahi arrintan sabab u yihiin.”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ Kow waxa sabab u ah lacagtii adkayd ee dibadaha qaranka ka soo gali jirtay oo yaraatay, waxa ka mida lacagtii xawaaladaha oo sanadkiiba dhawr boqol oo milyan qarankan soo galaan soo sidii hore ka yaraatay, waxa kale oo Iyana soo kordhay oo saameyn weyn Iyana inagu leh xoolihii noolaa oo ka dhigan shidaalka aynu leenahay oo iyagana dhoofkoodii la joojiyey iyagana waxa sanadklii inaga soo gala dhawr boqol oo milyan oo doollar. Waxa kale oo Iyana saameyn weyn leh xaalada abaarta daran oo Iyana qayb ka ah, waxa kale oo Iyana saamayn ku leh qaabka ganacsatadu ay u iscimaalaan doolarka, kama mid ah sababaha si adag ayaanu u difaacaynaa oo aanu saxaynaa, dawlad ahaan lacago dheeraad ah oo shilinka Somaliland ah oo aanu suuqa soo galinay, ma galino waxa markhaati laga yahay in sanadkii 2015-kii lacag aanu soo daabacnay aanay jirin, 2016-kiina lacag aanu soo daabacnay ma jirto, oo lacag dheeraad ah oo aanu suuqa ku sii daynay ama aanu si khaldan u isticimaalnay ama aanu siyaasado iyo kharashayo dheeraad ah u isticimaalnay ma jirto, dawladdu waxa ay isticimaashay oo kaliya kharashyada miisaaniyada qaranka ku jira.”
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena waxa uu yidhi “Waxa ka mid qaadka oo maalin walba ay qaadlayaashu u baahan yihiin malyuun doolar, waxa ka mid ah lacagtii Somaliland oo muwaadiniintii lahayd ay isticimaali wayday oo ay ka kalsooni baxeen oo ay ka door bideen isticimaalka lacagaha qalaad ee Zaadka iyo E-dahabka, waxay meesha ka saareen guud ahaanba baahidii lacagta Somaliland loo qabay, waxay ku siqaysaa inay lacagteenii noqoto lacag aan loo baahnayn oo markaa suuqa lagu soo guro. Si adag ayaanu u difaacaynaa in aan lacagta Shilinka Somaliland la qiimo tiri karin, si adag ayaanu ugu hor tagaynaa in lagu soo koobo goobo yar, annaga oo arrimahaas ka turjumayna waxaanu maanta dood iyo falanqayn dheer oo adag golluhu uu yeeshay si buuxda waxaanu u qaadanay go’aamo adag oo qadhaadh oo saameyn ku leh muwaadiniinta Somaliland, soo saameyn ku leh dawladda iyo xukuumadda, oo saameyn ku leh ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn ee safirka iyo lacagaha qalaad ka ganacsada, go’aamo adag oo dhawr iyo toban qodob ah ayaanu qaadanay.”

“ Waxa waajib ah lacagta shilinka Somaliland in muwaadin walba uu isticimaalo, waa dambi qaran in lacagtaa wax lagu iibin waayo, laguna iibsan waayo, lana isticimaali waayo, wuxuu waajibkaasi qabanayaa dhamaan shaqaalaha dawladda, ciidamada qaranka, madaxda iyo muwaadiniinta, dhamaan waxa waajib ku ah in lacagtaa la socodsiiyo.”

Mudane Xaashi ayaa waxa kale oo uu shaaciyey in la joojiyey guud ahaanba Isicimaalka Adegyada Zaad iyo Edahab lacagha ka badan boqolka Doolar waxaanu yidhi “ Waxa sidoo kale ay dawladdu daraasad rasmi ah ku samaysay oo hay’adihii shaqada ku lahaa soo xaqiijiyeen in lacagta Electronic money-du ay saameyn ku leedahay qiimo dhaca shilinka Somaliland, iyada oo taa laga duulayo maanta laga bilaabo waxa ay xukuumaddu go’aansatay in la joojiyo lacagaha Zaad-ka iyo E-dahabka wixii ka yar boqol doolar ($100), laguma diri karo, marka laga imaado wakhti dhow oo shirkaduhu ay khadka ka saarayaan, waxa mabnuuc noqon doona in la diro lacagtaas. Waxa dadka u furan inay isticimaalaa lacagha ka badan boqol dollar ($100). Go’aankaasi wuxuu noqonayaa go’aan hor leh oo la fuliyo bandhiga Somaliland ayaa soo saari doona saacadaha ay qaadan doonto inta System-ka laga saarayo, daba galkiisana isagaa u xil saaran.”

“ Sariflayaasha waxa go’aamada maanta soo baxay waxa ay waajib kaga dhigayaan in lacagta doollarka ah in aan lagu sarifi karin boqolka doolaar ($100) todoba boqol oo kun (700.000) wax ka yar, arrimhaas oo dhan fulin la’aantooda dambi ayaa ka dhalanaya, ruqsado lala noqdo ayaa ka dhalan doona, cid ala cidii ku tagri fasha go’aamadaas. Waxa ka mid ah in ay Xukuumaddu isticimaasho xeelado iyo tabo lagu xoojinayo awooda bandhiga dhexe, waxa ka mid ah in dawladda lafteedu ay lacagta Somaliland isticimaasho, oo ay dawladuu joojiso isticimaalka lacagta adag, meelaha looga baahan yahay ee safaaraha dibada iyo safarada madaxda maka laga imaado.”

Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxaanu xoojinaynaa kalsoonida shacbiga Somaliland ay baanka ku qabaan, si ay lacag u dhigtaan, waxa golluhu uu go’aan saday Madaxweynuhuna uu go’aamiyey in baanka dib loo eego guddidiisa fulinta, Xeerbuu baanku leeyahay baarlamaanku ansixiyey, Boodha madax banaan ayuu yeelan doonaa oo dad madax banaani ka mid yihiin. Talaabooyinkaas aanu qaadnay waxaanu ku rajo weynahay inay hakin doonaan ruxanka, daacaayda, humaaga iyo dhibaatada shacbiga lagu hayo ee lagu kicinyo sarifka lacagta, ee lacagta Somaliland lagu qiimo tirayo. Qarankani wuxu leeyahay cumladaas waxa waajib ah in la isticimaalo, waxaanu ku fulin doonaa arrimhaas hab nidaamsan, waxaanu ku fulin doonaa daba gal iyo kormeer, waxaanu qaadi doonaa talaabooyin waafaqsan sharciga oo umaddan u dan ah.”