Dawlada Ethiopia Oo Soo Qab-Qabatay Kooxdii Suldaan Wabar Iyo Hawl Galo Ka Bilaabmay Aw Bare.

0
461

Dawlada Ethiopia Oo Soo Qab-Qabatay Kooxdii Suldaan Wabar Iyo Hawl Galo Ka Bilaabmay Aw Bare.

Hargaysa(warsugannews)Ciidamada Waddanka Itoobiya gaar aha kuwa Kililka Shanaad ayaa magaalada Aw bare ka qab-qabtay Xubno ka mid ah Kooxda Suldaan Wabar oo ay dabbo gal ku waddeen.

Warar xogogaal ah oo naga soo gadhaya Magaalada Aw barre ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan itoobiya ay kooxdaasi ku weeraren duleedka magaaladasi isla markaana Jeelka u taxaaben.

Xukumada Somaliland ayaa weerarkii lagu qaaday Badhasaabka Awdal ee ay ku dhinteen labbada Askari ku eedeysay Kooxda Suldan Wabar oo ay sheegen in uu ku sugan yahay dhanka itoobiya.

Tan iyo markii werarkaasi dhacay ayaa labada dawladood ka wadda xidhiidheen sidii ay talaabo wadda jir ah looga qaadi lahaa kooxda Suldan Wabar, waxanay taalabada Ciidamada itoobiya qaadeen ku soo qabqabteen Xubno ka tirsan kooxdaasi, illaa hada ma cad in dawlada Itoobiya ay Somaliland ku soo wareejindoonto madama oo Somaliland danbi ay ka gallen.

Wararkan ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Wabar laga qabtay dad badan oo madax ugu ahaa deegaankaasi lagaga soo duuliyay nabad gobolka awdal ku caanka ahaa.

Dawlada Somaliland iyo itoobiya ayaa bishii hore heshiis ku kala saxeexday Magaalada Diridhaba, heshiiskasi oo saldhigiisu ahaa sidii labada dal ay iska kaashan lahayeen adkaynta nabbadgelayda.

Ciidanka Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay iyaga oo inta u badan lagu Daad gureeyay magaalada boorama kuwaas oo ciidanka milatarigu habeenkii Koox koox u dhex socdaan magaalada,Kuwaas oo magaalada ka sifaynaya Kooxda Nabad Diidka Ah ee Suldaan Wabar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here