Dawladda Kenya Oo Dadaal Ugu Jirta In Wasiirkeeda Arrimaha Debadda Laga Dhigo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

0
359

Dawladda Kenya Oo Dadaal Ugu Jirta In Wasiirkeeda Arrimaha Debadda Laga Dhigo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Nairobi(Warsugannews)- Xukuumada Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Amina Mohammed ay u noqon lahaye haweeneydii ugu horeysay ee noqoto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kadib markii ay dhamaato mudada uu xilka hayo Ban Ki-Moon oo ku eg dhamaadka sanadka 2016. Xulashada diblumaasigii noqon lahaa Xoghayaha Guud ee Sagaalaad ayaa bilaabanaya bartamaha sanadka soo socda balse si cad uma shaacin dowlada Kenya.Hase ahaatee, ilo ku dhow dowlada iyo diblumaasiyiin ayaa u sheegay wargeyska Star Kenya in ay soo dhoweynayaan in haweeneyda 53-jirka ah, soona baratay cilmiga Sharciga iyo diblumaasiyada.

Haweeneydan ayaa hore u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Madaxa hay’ada caalamiga ah ee soo galootiga iyo weliba Madaxa Golaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka. Amina Mohamed Jibril oo ah haweeney Somali-Kenyan ah ayaa sidoo kale waxa ay soo noqotay kaaliye Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo weliba ku xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Deegaanka.

Haweeneydan waayo-aragnimada dheer leh ayaa ka mid noqotay golaha wasiirada xukuumada Kenya bishii May 2013. Amina waxa ay muddo saddex sano wakiil ugaga aheyd dalka Kenya Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Gineva dalka Swisserland. Mudada gaaban ee xilka haysay ayaa waxaa u suurtogashay xukuumada Kenya in dalkeeda lagu qabto kulamo caalami ah waxaana sidoo kale la qorsheynayaa in kulamo kale oo heer caalami ah ay ka dhacaan dalka Kenya dhamaadka sanadkan iyo bartamaha sanadka soo socda.

Kofi Annan oo u dhashay dalka Ghana ayaa madax ka noqday Qaramada Midoobay 1997-2006, xilkan ayaa ah mid aan si rasmi ahayn wadamada dunida loogu wareejiyo. Haddii Amina ay ku guuleysato xilkana waxa ay noqon doontaa qofkii labaad ee ka soo jeeda wadamada ka hooseysa saxaraha ee loo doorto. Ban Ki-Moon ayaa hore u sheegay in wadamada caalamka ay markan xilka u dhiibaan qof dumar ah. Hase yeeshee waxaa jira haween badan oo dunida can ka ah oo xilkan qaban kara waxaana ka mid ah haweeyneyda haatan madaxda ka ah UNDP oo hore uga soo noqotay dalkeeda New Zealand Ra’iisal Wasaare Helen Clark.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa magacaaba Golaha Guud kadib marka ay ka soo talobixiyaan wadamada joogtada ah ee Golaha Ammaanka Britain, China, France, Russia iyo US. Shanta dal waa inay hal qof isku raacaan balse waxaa ka reeban shantoodaba in uu qof ka soo jeedo madax ka noqdo Qaramada Midoobay. Magacyada musharixiin ayaa loo gudbiyaa wadamada ku jira Golaha Ammaanka waxayna yeeshaan kulamo albaabada la isku xirto kahor intaysan u gudbin musharaxa kama dambaysta ah Golaha Guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here