Dawladda Masar Oo Deeq Waxbarasho U Ballan-qaadey Soomaaliya & Qorshaha Wasiirrada Tacliinta Ee Dalkaasi

0
376

Dawladda Masar Oo Deeq Waxbarasho U Ballan-qaadey Soomaaliya & Qorshaha Wasiirrada Tacliinta Ee Dalkaasi

Qaahira(Warsugannews)- Dowladda Masar ayaa ballan qaadey in ardey Soomaaliyeed ay u ogolaan doonto in ay si bilaash ah wax uga bartaan dalkeeda.

Cumareey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Drs. Khadra Bashiir Cali Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa golaha wasiirada kulankoodii todobaadlaha warbixin dheer ka siisay safar ay ku tagtay dalka Masar halkaasoo ay heshiis horumarinta waxbarashada ah kula soo saxeexatay dhiggeeda dalka Masar, waxayna Wasiiradu sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la’aan ah, ayna sidoo kale u tababari doonaan 40 macalin.

Sidoo kale, Drs. Khadra ayaa xustay in dowladda Masar ay ka codsatay in lagu wareejiyo Iskuuka 15-ka May iyo iskuulka Sheekh Xasan Warsame, iyaga oo balan qaaday inay ku sameynayaan dayactir heer sare ah isla markaana ay ardada Soomaaliyeed wax ugu bari doonaan si lacag la’aan ah.

Masar ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya muddo dheer ka taageerayay dhinaca waxbarashada, waxaana qeybo kamid ah Soomaaliya ku sugan macalimiin Masaari ah oo wax ka dhiga Iskuulo laga leeyahay Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here