Dawladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

0
323

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Dowladda Kenya ayaanan ilaa haatan wax jawaab ah ka bixin go’aanka ay dowladda ugu yeeratay safiirkeeda Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here