Dawladda Soomaaliya oo dhabarka u jeedisay Cali Khaliif, Beenisayna Inay la dhisayso Maamul

0
512

Dawladda Soomaaliya oo dhabarka u jeedisay Cali Khaliif, Beenisayna Inay la dhisayso Maamul

Hargeysa(Warsugannews)-Dawladda Somaliya ayaa dhabarka u jeedisay qorshe uu wato siyaasiga cail Khaliif ee horboodaha ka ah kooxda Khaatumo kaas oo ah in loo sameeyo maamul ku magacaaban Sool iyo Sanaag oo ah inay dawladda Somaliya si toos ah u soo farogeliso deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Somaliya ayaa beenisay hadal uu Cali Khaliif dhawr goor ka sheegay Buuhoodle oo ah in la dhisayo maamul ka kooban labadaas gobal oo ay dawladda Somaliya kala shaqaynayso. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Odowaa oo u waramay toddobaadkan Telefishanka Somali Channel ayaa sheegay inaanu qorshahaas Sool iyo Sanaag ka dhex jirin wakhtigan dawladooda, “Ilaa hadda khaatumo Somaliland iyo Puntland arrimaheeda ayaanu annagu kala hadalnaa, dad Somaliyed oo is maamulaya wixii lala qaban karo in lala qabto dawlad federal ahaan aaminadaasu way jirtaa, laakiin dee dawlad goboleed iyo dhismaheedu waxay u baahantahay faham kale oo intaas ka weyn.” ayuu yidhi Mr. Odowaa.

Mar la weydiiyay qaabka ay ula macaamilaan Cali Khaliif wuxuu yidhi “Cali khaliif raysalwasaare hore ayuu ahaa in la qaabilanaa mar walba waa qasab, taasi dhibaato badan kuma jirto.”

Wasiir Odowaa oo la weydiiyay hadalada uu Cali Khaliif Buuhoodle ka sheego ee ah inuu dawladda Muqdisho ka haysto balanqaad ah in la dhiso maamul Sool iyo Sanaag ah wuxuu yidhi “Dedaalkaas hadda isagaa Buuhoodle jooga. Qorshaha uguma jirto wasaaradda arrimaha gudaha dhismaha maamulkaasi.”

Hadalkan dawladda Somaliya ayaa noqonaya dhirbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday siyaasiga Cali Khaliif oo toddobaadkan markii uu ka tagay Buuhoodle ku sii hakaday Muqdisho, isagoo haddana jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Cali Khaliif ayaa toddobaadkan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ka furaya shir uu u qabanayo siyaasiyiin Somaliland diid ah oo ka soo kala jeeda gobalada Sool iyo Sanaag, waana qorshaha uu ku doonayo inuu dawladda Somaliya kaga dhaadhiciyo in loo dhiso maamul ka kooban labadaas gobol oo dibad wareeg ah, taas oo u muuqata inay noqotay siyaasad ay dawladda Somaliya ka hortimid

Xigasho Geeska