DEG DEG: Cali Khaliif oo Buuhoodle kaga dhex dhawaaqay war culus & weerarna ku qaaday Puntland, Isimadda REER SOOL iyo Xildhibaanada….

0
416

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo kulan kula qaatay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn qaar kamid ah ardayda waxbarata Jaamacaddaha ku yaala magaalada Buuhoodle ayaa si kuluul uga hadlay dagaalo iyo colaado soo noq noqday oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka dhacay Koonfurta gobolka Sool iyo sidoo kale deegaanka Higlo-ka dhacday oo ka tirsan gobolka Cayn.

Dr. Galaydh oo ugu horeynba  dagaaladaasi si weyn uga hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadaha iyo dagaalada ka socoda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo haatan lagu jiro xili abaareed aad u xun.

Wuxuu xusay hogaamiye Galaydh Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ugu jira beesha Dhulbahante in deegaanadooda aan lagu soo dooran isla markaasna lagu doortay meel kale, wuxuuna sheegay in iyagoo nool nolosha lagu dhaxlay taas oo ka dhigan fariin ku aadan madaxda Puntland oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.

Madaxweyne Galaydh ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay isimada dhaqanka ee ku hawlan arimaha siyaasada iyadoo doorkoodii uu meesha ka maqan yahay waxaana uu yidhi: “Isimada iyo Cuqaashu waxay dhuunta noogu galeen siyaasadda ayaanu maamulaynaa, war Higlo-kadhacday taga oo nabada ka shaqeeya, idinka ayaa la idiinku caana-shubteen”.