DEG DEG DAAWO: DF Soomaaliya oo war kasoo saartay Weerarkii Hoteel Dayax – Intee ayuu la egyahay Qasaaraha?

0
397

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka iyo Taliyaal kale oo ciidanka Qalabka sida katirsan ayaa goordhaw Warbaahinta kula hadlay dhismaha Hotelka Dayah ee saakay weerarka lagu qaaday.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in tirada ragii Weerarka kusoo qaaday Hotelka Dayah ay gaarayeen shan nin oo mid kamid ah is qarxiyay halka afarta kalana uu sheegay in la toogtay kahor inta aysan Hotelka soo gaarin.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD-KA
Waxa uu sheegay Wasiirka in raga weerarka soo qaaday aysan u suurto galin in ay gudaha u galaan Hotelka, waxa uuna tilmaamay in dhamaantoond la dilay kahor inta aysan gudaha u galin Hotelka Dayah laguna dilay xaafado ku dhaw Hotelka.

Wasiirka ayaa ku amaanay ilalaada hotelka si ay uga hortageen raga doonayay in ay soo galaan Dhismaha Hotelka, waxa uuna intaa raaciyay in dhamaan la bad baadiyay masuuliyiintii iyo siyaasiyiintii gudaha hotelka ku jiray.

Wasiirka Amniga ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay aad uga xun yihiin qasaaraha xoogan ee weerarkan kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Ku dhawaad 20-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa weerarkan xoogan saakay ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha dhimasho inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Weerarka saakay lagu qaaday Hotelka Dayah ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana qaraxa kadib dhismaha Hotelka weerar ku qaaday rag hubeesan kuwaa oo ugu dambeyn la dilay.

https://youtu.be/YqSNabsGPsQ