Deg-deg: Madaxii Shirkada DP World U Qaabilsanaa Dhismaha Dekeda Boosaaso Oo Saaka Lagu Dilay Is-rasaasayn Ka Dhacday Magaaladda Boosaaso

0
503

Deg-deg: Madaxii Shirkada DP World U Qaabilsanaa Dhismaha Dekeda Boosaaso Oo Saaka Lagu Dilay Is-rasaasayn Ka Dhacday Magaaladda Boosaaso

Boosaaso-04.02.2019-(Warsugannews)-Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno Dekeda Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in saaka subaxnimadii hore uu iska hor-imaad xoogani ka dhacay dadka deegaanka oo hubaysan iyo ilaalada dekeda ama madaxa shirkada DP World ee Dhismaha balaadhinta dekeda Boosaaso.

Wararku waxay intaa ku darayaan in uu goobtaasi ku geeriyooday Paul Anthony Fermosa oo ah Madaxda shirkada P&O Ports ahna ninkii DP World u qaabilsanaa dhismaha dekeda boosaaso, oo isagu ku sugnaa halkaasi, balse dhimashada masuulkaasi weli cid ka socota Maamulka Puntland oo ka hadashay ma jirto, wararkuna waxay sheegayaan in halkaasi ay weli ka socoto rasaastu lana xaqiijin Karin khasaaraha halkaasi ka dhacay inta uu leeg yahay.

Wararka ka soo kordha waxa aad kala socon kartaan shebekada Warsugannews oo idinla socodsiin doonta