DEG DEG: NIN NAFTIISA IYO SADDEX CARUURA OO UU DHALAY KU GUBAY GURIGII AY KU JIREEN KA DIB MARKII ARRIMO QOYS LA SOO DARSEEN

0
343

DEG DEG: NIN NAFTIISA IYO SADDEX CARUURA OO UU DHALAY KU GUBAY GURIGII AY KU JIREEN KA DIB MARKII ARRIMO QOYS LA SOO DARSEEN

Hargeysa (Warsugannews) WARAR rasmi ah oo aanu ka helnay masuuliyiinta cusbitalka guud ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey ay jirto soona gaadheen saddex caruura oo mayd ah iyo Aabohood oo dhaawac ah, ka dib markii uu guriga ku gubay aabahaasi saddexda caruura oo ay hooyadood ka maqnayd, halkaasina ay ku naf waayeen.

Shilkan ayaa ka dhacay agaga gaarka idaacada Radiyo Hargeysa abaaro 9 kii subaxnimo ee maanta oo Sabti ah In-naa lilaahi Wa in-naa ilaahi raajucuun, Shilkan naxdinta leh ayaa ila wareedyo xogogaal ah oo aanu waraysaynay noo xaqiijiyeen in aabahini uu ka xanaaqay kuna talaabsaday falkan argagaxa leh, muran ka dhashay dhaxal u dhexeeyey isaga iyo qoyskiisa, kaasoo ay Eedadii ku amartay inuu guriga uu ku jiro baneeyo madaama dhaxal ahaan la qaybinayo, isna uu jawaab uga dhigay shilkan argagaxa iyo naxdinta ku abuuray shacbi weynaha Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada.

Office/ Hargeysa