Degmada Sheekh: Nin Dad ku laayey Waran iyo Magacyada dadkaasi

0
480

Degmada Sheekh: Nin Dad ku laayey Waran iyo Magacyada dadkaasi

Sheekh (Warsugan)Degmada sheekh ee katirsan Gobolka Saaxil waxa Xalay fiidkii abaara 8dii ka dhacay dil iyo dhaawac uu gaystay nin waalan ama maskaxda ka jirin oo lagu magacaabo Cabdillahi Cali Dhaqasho. waxaanu nin kani qudha kaga jaray waran ama Seef uu sitay laba ruux halka uu Afar ruux oo kalena ku dhawaacay warankaas ama Mujrim uu sitay ninkan oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada sheekh ayaa waxa uu ahaa nin maskaxda ka jiran ama dadka loo yaqaano suufiyada oo in mudo ahba sitay Warankaas uu dadka ku laayay, Marxuumiinta ugeeriyooday warankan ninka waalani la dhacay ayaa lakala odhan jiray Maxamed Cawil Dhegjar(Dhajiye) iyo Mujaahid Gaaruf Jaamac Bacaleel sidoo kale dadka dhawaaca halista ahi kasoo gaadhay weerarkan ninka Maskaxda ka jirani ku qaaday waxa kamida Cabdi Wiindhe oo dhaawac halis ah uu gaadhsiiyay kaas oo loola cararay dhinaca cisbataalka magaalada Burco, Caasha Cawil oo iyana dhaawac ah, Aamina Xaashi oo iyana dhaawac ah, iyo Maxamed Axmed Guuleed oo isna dhaawac ah.

dadkaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo cisbataalka Degmada sheekh waxa kaloo ninka waalani dhaawac gaadhsiiyay kahor intii aan la qaban mid kamida askarta booliska degmada sheekh ee qabashadiisa ku hawlanayd
Wararka nasoo gaadhayaa waxa kaloo ay sheegayaan in ninka Maskaxda ka jirani raga uu laayay uu ku wareeray Makhaayad ay ku qayilayeen isaga oo warankiisa sitay waxaanu marxuumiinta dhintay kala beegsaday waranka uur kujirta iyo cunaha oo uu ka galgaliyay isaga oo kadinka makhaayada iska taagay. Warkan oo dadka degmada ku abuuray argagax iyo filan waa ayaa ahaa mid degmada sheekh iyo gobolkaba xalay ku abuuray murogo.
Xigasho Wargeyska Warsugan