DHALINYARO SOMALI AH OO LAGU HELAY TAAGEERIDA DAACISH OO MAREYKANKA LAGU XUKUMAY

0
372

Maxkamad ku taalo Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa xukun waxa ay ku riday saddex dhalinyaro Somali ah, kuwaasi oo lagu helay dambi ah ku biiritaanka Xoogaga Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq Xoogooda ka dagaalama.

Wiilka koowaad oo la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu xukumay sanad xabsi ah iyo intii uu soo xirnaa, halka kan labaad oo la yiraahdo Cabdirisaaq Warsame lagu xukumay 30 bilood oo xabsi ah.

Labaduba waxa ay kiisaskooda iskaashi kala sameeyeen dacwad oogaha, taasi ayaana keentay in xukunka loo khafiifiyo.

Wiilka saddexaad oo lagu magacaabo Zakariye Yuusuf ayaa waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Xukunka lix kale oo dhalinyaro ah oo isla arrimahan loo haysto ayaa waxa ay maxkamada ridi doontaa labada maalmood ee soo socda.

Kiisaska lagu helay dhalinyaradan la xukumay ayaa ah inay taageero u muujiyeen Xoogaga Daacish, sidoo kalena qorshahooda uu ahaa inay ku biiraan Xoogagaasi.

Xukunkaan lagu riday Dhalinyaradan Somaliyed ayaa fal argagax leh wuxuu ku noqday dhalinyarada Somaliyed ee ku nool dalka Mareykanka.