Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Inta U Dhexaysa Suudaan iyo Masar

0
421

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Inta U Dhexaysa Suudaan iyo Masar

Qaahira(Warsugannews) Illaa afar dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku dhintay toddobaadkan saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Masar. dhalinyaradan ayaa safar tahriib ah kaga baxay magaalada Kharduum iyaga oo beegsanayey inay gaadhaan magaalada Qaahira.

Xamse Garaad Yuusuf oo la socday dhalinyarada geeriyootay ayaa VOA u xaqiijiyey inay ahaayeen laba gaadhi oo ay la socdeen illaa 24 qof, wuxuuna sheegay in intii kale ay badbaadeen oo haatan ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira.

Tahriibeyaasha badbaaday ee gaadhay Qaahira, ayaa sheegay in Saddex wiil iyo gabadh da’deedu tahay 17 ilaa 18 jir ay ku dhinteen Safarkii, kuwaasi oo ku dhintay gacanta mukhalasiinta u kala tahriibinayay labada dale e Sudan iyo Masar. Waxay sheegeen in dadka tahriibeyaasha waday dileen Afarta qof.

“Laba Kooxood baanu kala ahayn oo group A iyo Group B ayaanu kala ahayn, markaa groupkayagii B afar qof baa ka dhintay, waxayna ku dhinteen magaalo ku taal xuduuda u dhexeysa Suudaan iyo Masar oo Aswaan la yidhaahdo,” ayuu VOA u sheegay Xamse Garaad oo Jigjiga ka tahriibay

Afarta Dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa ka kala yimid Hargeysa, Ceerigaabo,Muqdisho iyo Puntland kuwaasi oo beegsanayay inay dalka Masar uga sii gudbaan wadanka Talyaaniga, halkaasi oo laga raaco doonyo sharci darro ah oo tahriibeyaasha gaadhsiiya Talyaaniga.

Waxaa xilliyadan soo badanaya dhalinyarada Soomaalida ah ee beegsanaya dalka Masar si ay ugaga sii gudbaan hab qarsoodi ah dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here