Dhalinyaro Ugu Deeqday Agab Wax-barasho Dugsiga Sare Ee Mujaahid Lixle

0
652

Dhalinyaro Ugu Deeqday Agab Wax-barasho Dugsiga Sare Ee Mujaahid Lixle

Go’da-weyn (Warsugannews)-Munaasabad aad u ballaadhan oo ka qabsoomtay Degmada Go’da-weyn, oo ka tirsan Gobolka Saaxil, ayaa guddoosiiyey buggaag iyo footo koobi maamulka iyo macallimiinta dugsiga sare ee Mujaahid Lixle Secondery School oo ku yaalla Degmada Go’da-weyn,waxaan deeq-daasi gaadhsiiyey schoolka qaar ka mid ah ardayd hore uga qalin-jebiyey dugsiga Mujaahid Lixle Secondery School.

Xafladdan oo ahayd mid aad u heersaray oo aan nooceeda hore loo arag ayaa ka qabsoomtay hoolka shirarka ee xarunta Dowlada Hoose ee Go’da-weyn, waxaana ka soo qayb-galay ardayda. Macalimiinta, waalidiin, wax garadka , Odayaasha ,culimada iyo masuuliyiinta kala duwan ee Dowlada.

Ugu horayn ayaa waxaa ka haddlay guddoomiyaha dhalinyarada deeqdan gaadhsiinayey dugsiga sare ee Lixle, Md Jamaal Axmed Hugur,isaga oo sharraxaya qalabka ay guddoonsiinayeen dugsiga Mj.Lixle waxaa uu yidhi “Waxaanu maanta idiin sidinaa Photo Copy iyo buugaagta dugsiga sare qaar-kood waxaanu ugu talo galnay dugsiga sare ee Mujaahid Lixle,runtii meel kala kamaanu keenin lacagta aanu ku soo iibinay ee anaga ayaa iska uruurinay, waxaanan ugu baqayaa ardayda inay ka faa’iidaystaan qalabkaa iyo buugtaa,isla markaan ay ilaashadaan”, Jamaal Axmed ayaa dhinaca kale farriin u diray dadka qurbo-joogga ah ee ka soo jeeda Degmada Go’da wayn waxaana uu yidhi “Waxa aan halka fariin ugu dirayaa qur-ba joogta degaankan Go’da-weyn inay Dusiga sare ee Mujaahid Lixle mid dhaqaale iyo qalab ku soo kaalmeeyaan sidayada oo ay u dedaalaan” Ayuu yidhi Jamaal Axmed Hugur

Jamaal Axmed Hugur ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “Maaha markii u u horreysey ee aanu deeq soo gaadhsiino dugsiga waxa jirtay marar hore oo aanu ardayda kaalmaha hore gashay soo gaadhsiinay, waxaanu rajaynaynaa in aanu joogtayno deeqdan oo kale”Ayuu Yidhi Jamaal Hugur.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka haddalay Sidiiq C/cismaan (Caano), Maxamed Cali Muuse( Afyar) iyo weliba Jamaal Saqadhi. waxaanay ku dheeradeen qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyagoo u soo qaatay ayaadka quraanka ah iyo axaadiista Nebi Muxammed SCW ee tilmaamaya in sadaqada lala baxo, waxaanay ku booriyeen ardayda iyo waalidiinta qiimaha ay wax-barashudu leedahay.

Dhanka kale waxa isna halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsisa Sare Ee Mujaahid Lixle Iyo weliba Sh.Aw-Carab, isagoo dhalinyarada ugu mahad celiyey deeqda ay soo gaadhsiiyeen Dugsiga Sare ee Degmada Go’da-weyn ee Mujaahid Lixle, waxaanu ku dhiirigeliyey inay halkaasi ka sii wadaan taageerada iyo taakulanka ay u hayaan dadka ku nool deegaanka Go’da wayn,waxa kale oo uu maamule Aw Carab ka codsaday Gacansatada iyo qurba joogta inay ku daydaan dhalinyaradaa oo ay wixii ay tarikarayaan ku tageeraan dugsiyada kala duwan ee Degmada.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xoghayaha Degmada Go’da-weyne ee gobolka Saaxil Deeq C/fiin iyo Guddoomiyaha wax-barashada ee degmada Mr Bulxan waxaanay ugu mad-celiyeen dhalinyaradaa deeq-daasi soo gaadhsiisay,waxaanu xoghayuhu ku booriyey inay halkaasi ka sii wadaan, guddoomiye bulxan ayaa isna sheegay inay tan iyo 1953 intii arday ee ka baxday dugsigan ay ardaydanu yihiim kuwii ugu horeeray ee soo xusayay isagoo ka codsaday inay sidaa isku xidhnaadaan oo kolba wixii ay garaan ay soo gaadhsiiyaan.

Ugu Dambeyntii waxaa deeq-daasi la wareegay Xoghayahada Degmada Go’da-weyn Md.Deeq Cabdiraxmaan ( Fiin) iyo Oday Daahir Cismaan & weliba maamulaha Dusiga Aw Carab iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Md C/laahi (Bulxan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here