Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Ka Qaxay Mareykanka Oo Lagu Qaabilay Dalka Canada.

0
618

Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Ka Qaxay Mareykanka Oo Lagu Qaabilay Dalka Canada.

Dad badan oo Soomaali ah oo tahriib ku galay Mareykanka ayaa hadda billaabay inay ka cararaan dalkaas, ayagoo u tallaabaya dhanka Canada.

Dadkaas oo u badan dhallinyaro ayaa ka baqaya in dib loogu soo celiyo Soomaaliya oo ay sheegeen inaysan ku laaban karin duruufo jiro aawadood.

Xuseen Axmed waxa uu ka mid ahaa dadkii tahriibka ku galay Mareykanka, haddana wuxuu u sii qaxay dhanka Canada.

Wuxuu sheegayaa inuu cararay ka dib markii uu Trump soo saaray amar ka dhan ah qaxootiga.

Xuseen ayaa yiri: “Waxaan ahayn dad megengelyo doon ah oo dhibaato kaga soo cararay dalkooda. Dalka Mareykanka ayaan tagnay. Isma lahayn dal aad megengelyo u tagtay baad dhibaato kale kaga cararidoontaa.”

“Dadkii tahriibka dhanka Latiin Amerika kaga soo galay ayaan ka mid ahaa. Mareykan ayaan iska dhiibay, muddo seddax bilood oo aan xabsi ku jiray ka dib, waa la isoo daayay. Bannaanka ayey dacwaddeyda ka billaabatay”.

Xuduudda Canada waxaa ku dheggan boorar lagu soo dhoweynaayo qaxootigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionXuduudda Canada waxaa ku dheggan boorar lagu soo dhoweynaayo qaxootiga

Xuseen Axmed ayaa sidoo kale sheegay, “Markii Donald Trump uu xilka la wareegay, cabsi aan ka qabay amarradiisa ayaan uga soo cararay. Minneapolis ayaan kasoo qaxnay”.

Donald Trump ayaa dhowaan soo saaray amar uu ku mamnuucay qaxootiga todobo dal oo Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Amarkaas ayaa saameeyay dad badan oo qaxooti ah, balse maxkamad ayaa laashay go’aankaas, ka did markii ay sheegtay in uu meel ka dhac ku yahay xuquuqdad dadka.

Xuseen Axmed ayaa sheegay in dhallinyaro badan ay safarka Canada ku wehliyeen, kuwaas oo ka baqayay in lagu qasbo inay dalka ku noqdaan.

“Waxaa isoo baxday inaan codsigeyga la aqbaleyn oon la i qaabileyn, sidaa darteed rajadii aan lahaa ayaa yaraatay, waana ka soo tagay”.

Xuseen ayaa sheegay in ciidamada Canada ay xuduudda ka soo qaadeen ka dibna la geeyay Winnepeg oo hadda uu deggan yahay.

“Markaan xuduudda tagay ayaan wacnay lambarka xaaladda degdegga ah, ka dib ciidan ayaa noogu yimid halkaas oo naga qaaday. Ka dib waxay na siiyeen waxyaabo aan isku kululeyno.”

“Soo dhoweyn fiican ayay noo sameeyeen. Wareysi ayey naga qaadeen, ka dibna waxay nagu dheheen dalka wuu idiin furan yahay ee ku soo dhowaada, xafiiska idiinkugu dhow warqadaha qaabilaadda ka qaata, sidaas ayaana dalkan ku soo galnay”. Ayuu yiri Xuseen.

Dadka Mareykanka tahriibka ku gala ayaa lagu hayaa xeryo lagu baaroLahaanshaha sawirkaCHASING ASYLUMImage captionDadka Mareykanka tahriibka ku gala ayaa lagu hayaa xeryo lagu baaro

Dhowaanahan waxaa la sheegayay in dad badan oo ka cararay Mareykanka oo qaxooti ah ay galeen dhanka Canada.

Ra’iisul wasaaraha Canada ayaa sheegay in dalkiisa uu qaxootiga soo dhoweynayo, uuna u furan yahay qof kaste oo dalkiisa dhibaato uga soo qaxay.