Dhambaal Tacsi ah oo uu guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u kala diray Qoysaska iyo Shacbiga Somaliland

0
333

Tacsi

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya afka hoggaanka xisbiga, ka guddiga fulinta, golaha dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen shan dhallinyaro ah oo ku kala geeriyooday magaalooyinka Berbera iyo Boorama iyo weliba askartii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday guriga Badhasaabka Awdal toddobaadkan.

Shanta Marxuum ee dhallinyarada ahaa, waxa afar ka mid ah oo ahaa arday ka tirsanaa mid ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee magaalada Hargeysa ay ku geeriyoodeen badda Berbera oo ay u dal-xiis tageen maalintii Khamiistii ee taariikhdu ahayd 08/10/2015, halka hal wiil oo dhallinyaro ah uu u geeriyooday rasaas ka qaraxday askari boolis ah magaalada Boorama maalintii Arbacada (07/10/2015). Sidoo kalena, laba askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada ee Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa ku geeriyooday weerarkii koox dablay ahi ku qaaday guriga Badhasaabka Awdal ee Boorama habeenkii Arbacada.

Haddaba, Guddoomiyaha KULMIYE oo aad uga xun dhacdooyinkaas galaaftay nafaha ardayda iyo askarta ciidammada ka tirsanaa, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen xoog muhiim ah oo ka baxay Qaranka Somaliland, waxa uu ka tacsiyadaynayaan guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska iyo qoysaska ay ka dhasheen dhallinyaradaasi.
Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay uga baryayaa marxuumiintaasi inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo.

Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here