Dictoorkii Danyarta Cabdi Sareeye, Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

0
389

Dictoorkii Danyarta Cabdi Sareeye, Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

Xaaladaha dhaqaale iyo duruufaha nololeed ee waddanku waxay sababeen in dagaal adag loo galo raadinta wax lagu noolaado, taasi oo sababtay in bulsho badani ay ku talax tagaan raadinteeda ilaabbaana wax badan oo bulshada ka dhexeeyo oo tudhaale u baahan. Hadda waxa cad in uu abuurmayo dabaqado ama kadimo dhaqaale oo kala heerar sareeya, taasi oo bulshada badh sagxada dhulka ku sii dhagayaan, kuna kaliftay in ay tahli kariwaayan in ay iska dhiibaan ajuurada qaaliga ah in ay ku arkaan dhakhaatiirta la tacaala cabashadooda caafimaad. Halka dadka qaar daawayn u tagaan waddamo dibada ah taasi oo ah sir Allaah SWT nolosha u dhigay.

kur bilaa kalar.jpgyyyy
Sidaa daraadeeddhakhaatiir badan oo lacagtii ummada Soomaaliyeed ku soo aflaxay waxna kusoo bartay bilaash, ayaa maanta adagtahay in la arko haddaanad sidan furahooda loogu galo ee lacagta qadarkay doonta ha ahaatee. Balsw taasi wax barbar socda oo dalka ka jira dhakhaatiir dhif ah oo masiibada ama cudurkaa lacag jacaylka ka badbaaday oo kooban waxaana ka mid ahaa godka lagu janee Dr Cabdi faarax Sareeye oo dhawaan bishan 21 October 2015 si ka kadisa ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa taasi oo shoog ku noqotay in badan oo taqaanay qalbiyadoodana aad u ruxday balse waa qadar rabi oo lawada sugaayo loona kala horeeya uun. Waxa uu ka hawl gali jiray muddo dheer kuna lahaa rug caafimaad oo ku caan baxday qiime jabnaan iyo gacan barakaysan una sii dheertahay waayo arragnimo rug caddaanimo mihnadiisa gaarna la ahaa arrimo uu kaga soocnaa dhakhaatiir badan oo filkiisa ah, uguna shaqayn jiray dadka danyarta ah si hagar la’aana haddaad booqato goobtiisa caafimaad waxaad ku arkaysay in ka badan 70 qof oo maalin kasta si joogta ah u hor tuban rugtiisa caafimaad, arrimaha uu kaga gadisanaa dhakhaatiirta kale waxaa ugu muhiimsanaa qodobadan.

1. Bulshooyinka danyarta ah oo diirada si gaara u saari jiray in ay la kulmaan Dr Cabdi Sareeye taasi oo sababo badan oo fududaynaya kuwaasi oo gaar ahaan xaafadaha danyarta ku nool yihiin uu caan ka ahaa
2. Tigidhkiisa oo aad u jabnaa oo ahaa qiime ay awoodaan danyartu waxa uu ka qaadi jiray 7000 Sl Sh, oo ka yar 1 hal doolar qofkii taasi oo sida laga war hayo uu kasoo bilaabay 2000 Sl Sh marna waxa uu qaadi jiray 5000Sl Sh oo aniga laftaydu ku booqday maalin aan u tagay bixiyayna lacagtaasi yar bari aad u fogayd. Waxa jira dhakhaatiir marka ay booqdaan 4 qof qiimaha ay ka qaadaan uu isagu 70 qofk ka qaado qiime u dhigma intaa uu Dictoorka kale ku baadhay 4 qof, maantana caafimaadkii waxa uu noqday bucsharad laga ganacsado oo haddaad daawato TV yada Somalida wax kale oo aan caafimaad ahayn laga xayaysiinayn, waxaanad maqalaysaa dhakhtar la leeyahay waxa uu daweeyaa 20 cudur oo kala jaada oo midkii u baahan yahay muddo 7 sano ah in kaligii lagu takhasuso, maalin ayaa nin aanu saaxiib nahay igu yidhi bal tiri waan tiriyoo runtii ku dhawaad 20 cudur wuu tiriyay ninkii xayaysiinayay ii dhehdaa cajiibka ah waxa sii dheer hore u gaadh baa la socota, maxaan hore u gaadhnaa ma allaab la xaraashayaa ileen dadka badan koodu way caafimaad qabaan oo Allaah baa ugu deeqay.
3. Arrinta saddexaad ee uu kaga duwanaa marka aynu qiimaha ka nimaadno waxa u aad u darsay ulana socday qofkasta iyo xaaladiisa dhaqaale ee wax iibsi iyo inta uu qaadi karo bukaanku ee Shaybaadhka la xidhiidha, isagoo si khibrad leh meesha uu ka shakiyo uu u diri jiray in qofku shaybaadh iska soo qaado, isagoo ka ilaalinaya in uu shaybaadho badan oo aan loo baahnayn aan u diri jirin sid dhacda in badan, waxaana dhakhaatiirka qaar u dirayaan qof tigidhka si dirqiya iskaga soo bixiyay 20 shaybaadh oo qiimahoodu aanu bishiiba soo galin bukaanka danyarta ah waxaanu ugu dabayta ku odhanaa halaa ayaa in yari wax ka jiraan. waxaana halhays u noqday dadka shaybaadhka iyo Dictoorku way wadda shaqaystaan balse haddana Dictooradii ayaaba leh shaybaadhada .
4. Dictoor Cabdi Sareeya Allaah ha u naxariistee waxa kale oo uu caan ku ahaa in uu marka baadhida guud iyo shaybaadhka natiijadooda helo uu qofka uqori jiray dawo kooban oo ku haboon una eegay baahida qofka iyo dhaqaalaha oo isku miisaaman kana dheeraan jiray in uu faraqa uga buuxiyo daawooyin kala duwan oo marka qaarkood raad xun ku yeesha caafimaadka nolosha dambe ee qofka.
5. Waxa kale oo usii dheeraa xidhiidhka dhaw ee uu lalahaa bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan danyarta taasi oo noqotay astaan lagu tilmaansado in uu ahaa Diktoorkii Danyarta iyo albaabkiis oo u furnaa qof lacag sita iyo mid aan sidanba.

6. Waxa uu ahaa ka mid ka ahaa Dhakhaatiirta gacantoodu barakaysnayd hooyooyin badana aan la soo marin jirin cid kale
Dr Cabdi Faarax Sareeye waxa uu ahaa shakhsi ay tabidoonaan bulsho badan kaalin waynina kusoo banaanaan doonto bulshdii uu addeegi jiray oo meelo fog fog oo danyartu ku noo shahay uga soo lugayn jiray balse Allaah baa badal khayr qaba keeni doona in sha Allaahu, waxaa Dr Cabdi Faarax Sareeye lagu xasuusan doonaa u tudhi iyo naxariis xaddhaafa oo gacmihiisa buuxisay oo aan tiisa oo kale la arag waayahan dad badana u ahaa Dictoor ay ku indho qabawsaddaan waxtarkiisa oo gaadhay in badan oo la hagraday, niyada bulsho badan oo xidhiidh la lahaydna siday u ilaabaan way adkaan doontaa xasuustooda, waxa uu ahaa tusaale nool oo wacan oo waaqaca yaala una baahan in wax laga barto qaab shaqeedkiisii iyo qaab nololeedkiisiiba gaar ahaan dadka ka macaasha caafimaadku waayo maanta waxa kaliya ee raacay waa wanaagyadii iyo tudhaalihiisii caafimaadka Allaah SWT baa hayee wixii adduunina halkana laga tagayaa. Sabata aan wax uga qorayna qofkastaa cidii uu yaqaanu uunbuu wax ka tabin karaa iyo in aan xasuusiyo Dirtoorandeena in dareenkiisii oo kale yeesheen kaalintiisna ay buuxiyaan inkastoo rag badan oo naxariis lihi jiraan oo kaba fiicnaan kara.

Haddaan in yar dul istaago qaabka ay Diktooradeenu bukaanka u badhaan waxaa jira qaabab aad layaabayso sida oo ku dhisan dag dag taasi oo mar aan qof ii waalida geeyay mid ka midda waddamad Eeshiyada bari waxaan xasuustaa in dhakhtar aanu maalin u tagnay uu baadhitaan wadday iyo waraysi muddo 2 saacadooda taasi oo wali niyadayda ka bixi la mar aan saacada u eegay si aan u qiyaaso intaau la joognay markiiba dariinkiisa ayay soo jiidatay waxaanu I su’aalay miyaad dagdagayseen maya maya ayaan ugu jawaabay anigoo xishooday runtii, markaad bar bar dhigto Diktooradeena faraqa u dhexeeya ee aan ka fahmay waxa weeyaan mid muhiimadiisa koobaad waa in bukaanka loo adeego lagana shaqeeyo badqabkiisa midna waxa meesha loo fadhiyaa in lacag meesha laga xoogsado balse dad wacani way jiraan markasta oo niyad saafiya lihi.

Arrinta kale ee aanan wali ilaabin waxa ka mida in dhakhaatiirteenu haddaad ku tidhaahdo Dr hebel baan u tagay oo dawadan ii qoray waabu xaanaaqayaa oo waxaad moodaa in lawada qabo oo isma arki karaan waddo shaqayna malaha, waxay isku dhaamaana iskuma biiriyaan waayo waa lakal aqoon iyo khibrad badan karaa waa in la is kaashadaa, arrinta labaad ee aanan ilaabin waxa ka mida Diktoorada aan halkaasi kusoo arkay midkasta waxa agyaala Telefoon markasta waxa uu la xidhiidhayaa wixii uu gran waayo dhakhtarkiisa cida joogta ee uu aqoon bido, haddii uu ka waayo waxa uu la xidhiidhayaa Cusbitaalada kale Diktroorada jooga, maalina waxan xasuustaa in gabdh xaafad aad nooga fogayd uu noo diray, bukaanka waxaad arkaysaa intaas oo Dirtoor oo kala jaada oo iskugu imanaya oo dushiisa dood lagu galaayo marka dambana xafiis la tagaayo oo arrintii la falan qaynayo waana arrin in wax wayn laga barto u baahan gacmo wadda jir bay wax ku qabtaan. Aqoonteena oo dhana waa in la raaciyaan aqoonta maddaniga ah eek u dhisan qaababka waddan jacaylka iyo u addeegida bulshada lana baraa dadka jaamacadda ku jira waxa loo yaqaan hurida iyo waxqabadka wadda socda.

Ugu dambayntii Diktoor Cabdi Faarax Sareeye waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelkisii gaar ahana qoyskiisii iyo bulshadii guud ahaan uu u adeegi jiray iyo dhamaan bulshada reer Somaliland in Allaah Janadiisa ku casuumo Camalkiisiina ka aqbalo inagana inooga daba naxariisto
Ahmed Ali Kaahin
Ahmedckahin@gmail.com
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.