Diiradda Wargeysa: Iskaa Wax U Qabso Iyo Horumarka U Dal Gaadhsiiyo

0
407

Diiradda Wargeysa: Iskaa Wax U Qabso Iyo Horumarka U Dal Gaadhsiiyo

 

Waddamada horumaray ee laga sheekeeyo waxqabadka ay la yimaadeen dhaqaale hadii ay noqoto, waxbarasho, caafimaad iwm waxay ku gaadheen wadajir iyo tawfiiq.

 

Waddamadaasi oo deegaanadooda iyo dhulalka ay ku nool yihiin ku gadaaman yihiin duruuf qalafsan sida baraf inta badan ku jooga iyo hawo qalafsan, isla markaana waxay waayahaasi adag kaga dabaasheen dadaal iyo adkaysi.

 

Somaliland 1991kii tan iyo xilligii ay gobanimada kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Somalia ee hagaastay rubuc qarni iyo dheeraad gaadhaya waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo, isla markaana waxay samaystay haykal dawladeed oo dalal badan oo caalamka ah ay kaga horaysa dhinacyo badan.

 

Hadaba mushkilada reer Somaliland haysata waa maxay? Wax kale maaha ee waxa weeyaan waa dad inta badani aanay fahamsanayn waajibaadka saaran iyo ka dawlada laga rabo inay qabato.

Waa ummada hadal uun ka shaqaysa balse garan la’ muruqoodu in meesha ay u dhaqaaqaan wax ka qaban lahaa baahiya ay u baahan yihiin, wax kastana waxay odhanayaan maxay xukuumadu waxaa u qaban wayday.

 

Barnaamijkii iska wax u qabaso waa barnaamij muhiim ah oo dal horumar gaadhsiiya, waxaana xusid mudan  xilligii dawladii milatariga ahayd ee Somalia la hirgeliyay barnaamijkaasi oo faa’iido wayn laga gaadhay.

 

Shacbiga Somaliland iyo xukuumadihii soo maray iska wax u qabso afweyne ayay u naceen, arrintuna sidaa maaha, iska wax u qabso ummada lahayd ee Siyaad Barre ma lahayn.

Xukuumada talada haysa ee u hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa laga raba in barnaamijka Iska wax u qabso dalka laga hirgeliyo, kaas oo dalka gaadhsiin kara wax qabad horumar laga gaadho dhinacyo farabadan oo nolosha lagama maarmaan u ah, haday noqoto waddooyin, dhismayaasha dan guud iyo dhaamam xilliyada jiilaal cadaadiga iyo abaaraha dad iyo duunyaduba kaga samato baxaan.

Sidoo kale xukuumadu waa inay wacyigalin badan dadka ku dhiiri galisa iska wax u qabso, isla markaana ka faa’iidaysa muruqa dhalinyarada wax ay qabtaan garan la’a ee hotelada hor yuurura.

 

 

Abwaan Cabdi Muxumed Aamiin waxa maskaxdiisa ka soo maaxday hees u dhalinyarada ku wacyi galinayo wax qabsiga waxaana midhaheeda ka mid aha:

Dhulka qotaay dheeman baa laga dhuraaye

Dhibtooda oo dhexda xidha ilaasha danta

Dhaqaalaheenu ha dhuroobe

Dhalinyahay nimaan dhididini ma dharga’e

Dhaqaaqa, Muruqa dhuuxa dhalinyahay.

Hadaba ummada reer Somaliland oo xaaladeed wakhti xaadirkan marayso fadhi ku dirir, dhagax haddii meel laga qaaadayo waa xukuumadu maxay u qaadi wayday la xasuusinaya inay fadhiga ka kacaan oo dadaal sameeyaan, kaas oo uu ugu horeeyo hirgelinta barnaamijka iska wax u qabso

 

Wargeyska Warsugan Media Group

Hargeysa/Somaliland