Diiwaan galinta codbixiyaashu waa guul qaran

0
331

Diiwaan galinta codbixiyaashu waa guul qaran

Dhawaan sida la qorsheeyay waxa guud ahaan dalka ka bilaabmi doonta diiwaan galinta codbixiyayaasha ee lagu qaadan doon kaadh lagu codaynayo doorashooyinka soo socda ee aqalka madaxtooyada iyo baarlamanka iyo deegaanka kuwaas oo ka qabsoomi doona guud ahaan dalka gaar ahaan ugu horey laga hir galin doono gobolka togdheer kadibna loo gudbi doona gobolada kale ee dalka.

Kaadhkan la’aantii muwaadkun xaq uma yeelan doono inuu codeeyo oo uu doorto cida uu taageersanyahay kana rajaynayo inay dalka u hagi doonto si xilkasnimo iyo masuuliyad ku laddhan, kaadhka la’aantiis doonista muwaadinku waa mid aan waxtar iyo muhiimad u lahay cid kasta ooh an siyaasi ah leh, kaadhkan la’aantiisa saamayn siyaasadeed kuma yeelan karo muwaadinku majaraha siyaasada iyo dhanka ay u jeedu geedi socodka siyaasada dalku, kaadhkan la’aantii waa mid keeni karta mugdi uu galo mustaqbalka siyaasadeed ee doonista muwaadinka.

Hadaba muwaadin ogsoonow in awoodaadii siyaasi ay ku xidhantahay inaad ka qayb qaadato qaadashada kaadhka codbixinta ee dhawaan bilaabmi doonta si aad xaq dhamaystiran ugu yeelato inaad dooran karto cida aad aigu u aragto inay dalka u hagi karto kob cagaar leh oo gaadhsiin karta bulshadan taagta daran ee la daalaa dhacays kasoo kabashada dilkii, dagaaladii iyo burburkii ay ku jirtay mudada aadka u dheerayd.

Guul qaran weeye hirgalinta bilowga bilan ee diiwaan galinta codbixiyaasha ee dalka ay ka bilaabeen komishanka qaranka Somaliland oo kaalinta ugu weyn hirgalinteeda uu leeyahay dawlad oo kolkasta heegan buuxa ugu jirta sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor oo xalaal ah taaso ku iman karta in gacmaha lays qabsado laysna kaashado si loo xaqiijiyo ahdaafta iyo ujeedooyinka qaran.

Waa guul usoo hoyotay xisbiyada qaranka oo ka turjumays inay mar kale fursad u yeeshaan u tartamida hogaanka dalka ee heer madaxweyne, baarlamaan iyo deegaanba, taasoo ah guul ay ku suntan tahay dawlada haatan talada dalka gacanta ku hayse ee uu gadhwadeenka ka yahay md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay kaalinayaan dhamaan hawl-wadeenada qaranka min wasiir ilaa shaqaale hoosaad ka waaxa kala duwan ee qaran.

Waxaan mar labaad hambalyo ugu dirayaa madaxweynaha qaran, komishanka doorashooyinka qaranka, oo si isku duubni leh u hirgalinaya ka run sheega qabsoomida doorasho loo siman yahay oo noqoto ay ku suntanaato dawlada haatan dalka ka talisa oo ugu horeyn uu madaxweynuhu haneeyay kaalintii iyo damacii madaxweynenimo oo uu fursada uga talaasulan in ay muwaadiniintu kusoo hirtaan hogaanka iyo talada dalka ee dhexda inoo ah ee ay sunaha dawladnimo ay tahay in hadba muwaadin hogaanka inoo qabto iyadoo aan cid gaar ah loo afduubin talada dalka.

Ugu danbayn waa go’aano ku dayasho mudan oo taariikhda galay laguna xasuusan doono madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ugu horeeyay madaxweyne Somaliland ah oo talada dalka gacanta ku haya xor u ah inuu is sharaxo sharciguna u ogolyahay inu ka tanaasulo umada sidii sharafta lahayd ee ay u maamuustay kolkisa ugu hambeeyo ugu haneeyo u tartamida jagada madaxweyne nimo.
Qalinii:umalkhayr Mohamed / beeldaajiso@gmail.com